Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Bank Opens Its Branch in Lasanod

Recommended Posts

Waxaa saaka lagu qabtay Banki-ga magaalada Laascaanood xaflad balaadhan oo lagu furayay Bankiga magaalada kaas oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socda Banka dhexe ee Somaliland,heer Gobol iyo waliba shacab wayne aad u fara badan kuwaas oo si wayn ugu faraxsanaa furitaanka Bankiga magaalada.

 

Xafladan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay Bankiga magaalada iyadoo ay halkaasi ka hadleen masuuliyiin iyo waliba qayb kamid ah cuqaasha magaalada kuwaas oo halkaasi kasoo jeediyay hadalo muujinaya cabirkooda ay fikir ahaan ka qabaan furitaanka kaas oo ay ku xuseen inay si wayn ugu faraxsan yihiin ayna doonayeen muddo.

 

Ugu horayn waxaa halkaasi furay oo ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Laascaanood Canbaashe Aw Daahir X. Xasan isagoo xusay inuu si wayn ugu faraxsan yahay furitaanka Bankiga ayna tahay arin muhiim u ah shacabka Gobolka Sool inuu Bankigoodu shaqeeyo oo aysan meelo kale oo ka baxsan Gobolka wax udoonan.

 

Sidoo kale Caaqil Aadan Cali Ducaale ayaa sidoo kale waxa uu xusay sida ay ugu faraxsan yihiin una soo dhawaynayaan haddii ay yihiin cuqaasha iyagoo ku hadlaya afka qabaa'ilada ay masuulka u yihiin iyadoo sidoo kalana Caaqil Muuse Faarax Dhiil uu si wayn u taageeray furitaanka Bankiga kana codsaday in lacagta Dawlada ay ka badasho ayna ugu badasho lacagta Land-ta.

 

Gudoomiyaha Bankiyada Somaliland C/raxmaan Maxamed Ducaale ayaa sidoo kale halkaasi waxa uu ka soo jeediyay inay magaalada Laascaanood u yimaadeen inay furaan Bankiga magaalada ayna dhaqaajiyaan hawlihii shaqo ee Bankiga magaaladu uu lahaa isagoo xusay inuu hadda u dhan tahay shaqaalihii ka shaqayn lahaa ayna taal lacagtii Somaliland ee Bank ku hawl geli lahaa oo iyaga la socotay.

 

Ugu danbantii Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) ayaa waxa uu soo xidhay xafladii halkaasi ka socotay isagoo mahadnaq ujeediyay masuuliyiinta ka timi caasimada Hargeisa ee u timi furitaanka Bankiga isagoo shacabka Gobolka u sheegay inuu hadda wixii ka danbeeyay albaabadu u furan yihiin iyadoo intaasi kadib markii ay soo xidhantay xafladii uu xadhiga ka jaray furitaanka Bankiga magaalada Gudoomiyaha Bankiyada Somaliland C/raxmaan Maxamed Ducaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

LOOOOOOOOOOOL...I thought he was talking about a new branch those folks opened for us...

 

how sweet that you guys fixed our old bank..we will forever be in your debt :D

 

jacaylbaro walee laascaanod jacayl qayra caadi ah u qabta..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

my question is where is all the money that has been collected to develop the "East". Are we to assume it is being used for paint jobs in old buildings? Someone should advice the regime in hargeisa that they are going about this the wrong way, perhaps JB?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Good that the infrastructure is back to operate .... not it is time to properly manage the taxes.

 

So they can be used to build brand new buildings in Hargeysa and do touch up work in Lascaanod!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by The Zack:

LOOOL. New bank aka the old bank oo la riinjeeyay. Good stuff still.

loool...which old bank...Ma kii Jamhuuriyadda Soomaaliya lahayd...cakuye bililiqada!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this