Sign in to follow this  
Xoogsade

Ciidamadii Tikreega ee xooga ku joogay......oo qaarkood ay isaga baxayaan

Recommended Posts

Xoogsade   

Ciidamadii Tikreega ee xooga ku joogay goballada Bay iyo Bakool oo qaarkood ay isaga baxayaan.

 

 

Muqdisho, 26-July-06 ( Qaadisiya.com) Warar xog ogaal oo shabakada Qaadisiya ay ka heshay goballada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya qaar ka mid ah ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa goballadaasi in ay maanta isaga baxeen goballadaasi, waxa ayna dib ugu laabteen dalka Ethiopia .

 

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamadaasi oo wata gaadiid dagaal oo lagu qiyaasay 60 gaari in ay ka ambabaxeen goballada Bay iyo Bakool oo maalmihii laga soo gudbay xoog ku joogay dalka Ethiopia.

 

Ciidamadaasi ayaa ku sii jeeda dhinaca deegaanka Doolow oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ethiopia , lamana garanayo sababaha ka danbeeya ciidamada Ethiopianka ee ka baxaya gudaha ciida Soomaaliya.

 

Ciidamo kale oo Ethiopian ah ayaa weli ku harsan gayiga dalka Soomaaliya, ayadoo dawladda Ethiopia ay dhegaha ka furaysatay baaqyada caalamka ee ku aadan in ay faraha kala baxdo arrimaha dalka Soomaaliya.

 

Shacabka Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida uu uga soo horjeedo fara gelinta dawladda Tikreega ay ku hayso arrimaha Soomaaliya, ayagoo wacad kumaray in ay gacmaha ula tagi doonaan ciidamadaasi haddii ay ka bixi waayaan gayiga Soomaaliya.

 

 

Qaadisiya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this