General Duke Posted January 10, 2008 Midowga Yurub oo bixinaya dhaqaalaha xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya Midowga Yurub ayaa daboolka ka qaadey yabooh dhaqaale hor leh oo la siinayao Baarlamanka DFKMG ah ee Soomaaliya,.dhaqaale horleh ugu yaboohay DFKMG ah ee Soomaaliya Ergo ka socotey Midowga Yurub oo ay hogaaminaysay danjiraha Faransiiska u jooga wadanka Kenya Elizabeth Barber, ayaa dhawaan waxay kulan ay la qaateen Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya, isla markaana ah kusimaha madaxweynaha Sheekh Aadam Max’ed Nuur (Sheekh Aadam Madoobe), iyo Ra’isalwasaare Nuur Cade. Kulankaasi ayaa midowga Yurub wuxuu ku balan qaadey in uu bixiyo lacago mushaarad ah oo gaarsiisan 1200 oo doolar oo la siinayo bil kasta xildhibaanada Baarlamanka DFKMG ah ee Soomaaliya oo ka kooban 275 xubnood, taasi oo qayb ka ah qorshe taageero caalami ah oo la siinayo DFKMG ah ee Soomaaliya. Midowga Yurub wuxuu ku xirey shuruud bixinta lacagahaasi mushaaradka ah oo taasi oo ah in dhamaan xildhibaanada Baarlamanka ay goob jog ka noqdaan fadhiyada Baarlamanka uu yeelanayo. Wafuuda Midowga Yurub ee kulankaasi ka qayb galey ayaa waxaa ka mid ah The ergooyin ka socda Britain, Italy, Norway, Belgium iyo Czech Republic. SBC International News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites