Sign in to follow this  
SOO MAAL

M/wayne ismaaciil cumar geele waraysi qiiro leh iyo oday soomaliyeed,

Recommended Posts

SOO MAAL   

maxaad ka sheegi waxaa ku maqan ina quman oo lixjir ah oo weliba Goojinaysa

 

{Galkacyo} M/waynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele waraysigii uu shalay siiyay Idaacada BBC, Ayaa wuxuu ahaa mid si wayn u soo jiitay Dareenka Dadwaynaha Soomaaliyeed.......... {C/qaadir Jilbis}

 

M/waynaha Jamhuuridda waxaa uu ka hadlay arimo dhawr ah oo dhamaantood ku saabsan Soomaalida, M/waynaha oo wariyihii waraysanaayay uu aad u qodqodayay isagoo ka raadinaya bal in uu mar,uun ka helo hadal uu kaga hor imaanayo in Ciidamo Shisheeye la keeno dalka ayaanay u suuro gelin.

 

M/wayne Ismaaciil Cumar Geele isagoo aad uga qiiraysan isla markaana ay ka muuqato sida uu uga xun yahay Baaba,a iyo jabka haysta ummada Soomaaliyeed ayaa wuxuu si xamaasadaysan u taageeray in Ciidamo Amniga Dawladda suga dalka la keeno isla markaana la tixgeliyo rabitaanka Dawladda u dhalatay Soomaaliya.

 

Mar uu M/waynuhu ka hadlaayay Hogaamiyayaasha Dawladda ku jira ee hadana ka soo horjeeda Go,aanka Xukuumada waxaa uu ku tilmaamay in nasiibdaro tahay M/wayne iyo wasiir kala hadlaaya uusana isagu garan karin wax uu ku tilmaamo, waxaa kale oo M/waynuhu ku tilmaamay hogaamiyayaasha ka soo horjeeda keenista ciidamada shisheye, kuwo dano gaara leh isla markaana ay yihiin kuwii curyaamin jiray Xukuumadihii hore, wuxuuna u rajeeyay in ay ilaahay ka baqaan una tudhaan masaakiintooda dayacan.

 

Meel fagaare ah oo aanu ku dhegaysanaynay warasigaa M/waynaha ayaa Dadkii halkaa tubnaa qaarkood ku hadaaqeen, Alaylehe Ismaaciil Cumar Geele Abaal buu inagu leeyhay oo waa in mar uun loo Abaal gudaa, Oday Reer Buuhoodle oo Halkaa Fadhiayay ayaa Si lama filaan ah ugu Jawaabay,

 

( Maxaad ka sheegi Waxaa ku maqan Ina Quman oo Lix jir ah oo weliba Goojinaysa)

 

wuxuuna ula jeeday in uu isagu qaalintaa Geela ah oo markaa Aad isaga ugu qiimo badnayd in uu ku Bixiyay Gobonimo doonkii Jabuuti.

 

Si kasta ha ahaatee Hadalka M/wayne Geele ayaa u ekaa fariin loo diraayo Hogaamiyayaasha Muqdisho.

 

C/qaadi Cali Jilbis

 

 

http://www.somalitalk.net/cod/waraysi/ismacil.ram

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this