Sign in to follow this  
General Duke

Report: 10 hour clash across Somalia...

Recommended Posts

Dagaal 10 saacadood ka socday Ciida Soomaaliya , 24 Desember 2006-da.

Posted to the Web Dec 25, 02:03

 

 

(Soomaaliya) -Waa waqtigii ugu horeeyey oo ay Soomaaliya ka dhacaan 10 saacadood oo xiriira dagaalo isdaba joog ah , kuwaas oo ka socday deegaano kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan geystayna qasaarooyin kala duwan.

 

Dagaalkii ugu horeeyey ayaa ka bilowday meel udhow Daynuunay , dagaalkaas oo ahaa sida ay xaqiijinayaan Saraakiisha Sar-sare ee DFKS mid ay dib u gurasho meletari ay Ciidamada dowladu sameeyeen, maalin kahor inka aysan soo weerarin Maleeshiyada Maxaakiimtu.

 

Dagaalkaas ayaa bilaawday ku dhowaad 5:30 saacada Geeska Afrikada Bari maalintii Axada , waxaana dagaalka soo qaaday Maleeshiyada Maxaakiimta oo ku hubaysan hubabka waaweyn oo aad u tiro badan oo labadii casho ugu danbeysay laga soo aruuriyey deegaanada Muqdisho, Baraawe, Marka iyo Kismaayo.

 

Masuul sare oo ka tirsan DFKS ayaa sheegay inuu dagaalkaasi uu socday ku dhowaad 4- saacadood uuna ka bilowday deegaanka Daynuunay , ayna si fiican dusha uga mareen Maleeshiyada Maxaakiimta , taasna ay noqotay jabkii labaad ee ugu xumaa ee ku dhaca maxaakiinta.

 

Mauuulkani wuxuu sheegay in dagaalkani uusan ku koobnayd oo kaliya , Dhanka Daynuunay iyo Buur-hakaba oo kaliya ee wuxuu ka dhacay oo kale ayuu leeyahay goobaha Janta Kuundisho, Jawiil, Bandiiradley , iyo teyeglow.

 

Maamulgoboleedka Puntland ayaa iyagu sheegtay in dagaalkaas lagu soo qaaday ayna ku soo qaadeen Maleeshiyada Maxaakiimta ee ka howlgala deegaanada u dhow Bandiirdley. Mar aan la xiriirnay masuul kamida maamulgoboleedka Puntland ayaa dhankiisa ka sheegay in dagaalada ka dhacay Bandiiradley ay yihiin dagaalo la filayey inay mar uun dhici lahaayeen, waxuuna masuulkani sheegay inay Puntland iyo maamulka Gal-mudug ay xaq u leeyihiin inay isla difaacaan deegaanada ay ka taliyaan, taas ay ah mid ay ku jirto nabadgelyaga deegaanadooda.

 

Warar hoose oo diirada ku fiiqaya dagaalada ka dhacay Bandiiradley ayaa sheegaya in dagaalkan uu ahaa dagaal aad u qaraar oo mudo 5 saac ku dhowaada socday oo uu ahaa dagaal teel-teel ah , waxaana dagaalkan la sheegayaa in Maleeshiyada Maxaakiimta ay ku dhacday dhabar-jebin aysan filayn oo kaga timid Ciidamo taageersana Col. Cabdi Qaybdiid , markay fooda iskula jireen kuwa Puntland. Dagaalkaas ayaa la sheegayaa inuu sabababay dhimasho badan , waxaana Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo lagu arkayey maleeshiyo katirsanaa kuwa Maxaakiimta oo ka soo jeeda deegaanada Puntland oo si fiican loogu dhayayey Isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

 

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in la isula baxay dhanka Galinsoor ayna hada gacanta ay ku hayaan deegaanka Bandiiradley ciidamada Puntland iyo kuwo taageersan Col. Cabdi Qaybdiid oo ay wadi-shaqayni ka dhaxayso kuwa maamul-goboleedka Puntland.

 

Beledweyne

 

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa Ciidamada Itoobiya ay ka duqeeyeen ilaa 4 xero oo ay ku taba-baran jireen Maleeshiyada Maxaakiimta ee degmada Beledweyne. Waxaana madaafiicda ay tuurayeen diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay naxdin aan la sadaalin karin ku rideen dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne iyo agaagaarkeeda , waxaana warar aan la xaqiijin karin ay sheegayaan in deegaanada ku dhow magaalada Beledweyne ay ku soo siqayaan ciidamo taageersan Maxamed Cumar Xabeeb iyo Yuusuf Dabageed oo maxaakiimtu ay qasab uga eryeen deegaanada Beledweyne iyo Jowhar.

 

Waxaana wararku sheegayaan in Maxamed Dheere iyo Yuusuf Daba-geed ay deegaanka Qurac-Joome kala yimaadeen ciidamo lagu qiyaasay ilaa 3.000 kun oo 6-dii bilood ee la soo dhaafay halkaas ay ku taba-barayeen Saraakiil sar-sare oo ka tirsan kuwa Itoobiya.Waxaase dadka Soomaaliyeed badankoodu qabaan in dagaaladan Soomaaliya ka curtay ay yihiin dagaalo wadanka ka bilowday waqti xun oo Soomaalida badankeed ay ku jirto dhibaato aan sahlanayn oo ay kamid yihiin daadadkii harqiyey , barakkacna ku sameeyey kumanan-kun oo Soomaali ah.

 

Diinsoor iyo Iidaale

 

Wariyaheena ku sugan deegaanada Bay ayaa sheegaya in deegaanada Iidaale iyo Diinsoor aysan ka jirin wax dhaq-dhaqaaq ciidan ah, waxayna Saraakiisha Sar-sare dowladu ay sheeganayaan inay gacanta ku hayaan deegaanada ku hareeraysan degmada Diinsoor, ayna kala fadhiyaan Ciidamo ka tirsan kuwa DFKS oo ay kala hogaaminayaan Wasiirka Gaashaandhiga DFKS Col. Barre Maxamed Shire (Hiiraale) iyo Col. C/risaaq Af-guduud.Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Degmada Diinsoor ay tahay waqtigan mid eeri go’ana ayna goobtaas ku sugan yihiin Maleeshiyo badan oo dhaawac ah oo ka tirsan kuwa Maxaakiimta.

 

Wararka ka soo baxaya goobahaasi ayaa sheegaya inay aad u adag tahay in la helo xogta rasmiga ah ee Deegaanka Diinsoor oo aysan Ciidamada Dowladu aysan ogoleyn in goobahaas la galo.Dagaaladan ka soo cusboonaaday geyiga Soomaaliya ayaa ah dagaalo ay filanayeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay bur-bureen wejigii nabada ee dhex-taalay maxaakiimta iyo DFKS.

 

Madaxweynaha DFKS iyo Raysal-wasaarihiisa Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa labaduba Asbuucyadii la soo dhaafay niyad xumo ka muujiyey wejiga siyaasadeed ay Soomaaliya ku socoto , waxayna Maxaakiimta ku tilmaameen inay yihiin kuwa ay doonayn inay nabad ka dhalato Soomaaliya, waxayna ku adkaysteen labada Masuul in DFKS , aysan marnaba noqondoonin , kuwa Xabada ridideeda ku hormara.Waa siday tahaye Maxaakiimtu waxay noqdeen kuwii ugu hoyeeyey ee xabada bilaabay , dowladuna waxay u muuqataa mid adeegsatay wejiga kaliya ee looga hortagi karo Maxaakiimta.

 

Kala duwanaanshaha Maxaakiimta iyo Dowlada marka la eego awoodaha ay isku halaynayaan.

 

Awooda Dowlada Federaalka Soomaaliya:

 

DFKS waxaa lagu aasaasay Wadanka Kenya mudo laga joogo 2 ½ , Waxaa laga aqoonsan yahay aduunweynaha oo dhan, waase dowlad tabar daran oo aan weli jaanis u helin inay hesho dhaqaale ay ku abuurto ciidamo Soomaaliyeed.Taageeradeeda ugu badan waxay ka heshaa Maamul-goboleedka Puntland iyo magaalada saldhiga u ah ee Baydhabo, Waxaase dowlada si fiican u taageerta Dowlada Itoobiya oo katirasan dalalka IGAD. Waxay dowlada Itoobiya ugu deeqdaa DFKS , Tababaro la xiriira nooc kasta oo ay u baahan yihiin Ciidamada DFKS.Dowladani waa dowlad qaran oo hadalkeeda maanta ay u dhega nugul-yihiin dowladaha Aduunku, maadaama ay tahay dowlada kaliya ee laga aqoon san yahay Soomaaliya. Waxaana cadaynaya khafiifintii Cuno-qabataynta hubka oo ay dowladu ka codsatay Qaramada Midoobay. Waaxaana dowladani loo aqoonsaday mid wakiil ah shacabka Soomaaliyeed , inta waqtigeeda uu ka dhamaanayo.

 

Maxaakiimta :

 

Waxaa horay loo oran jiray ururkii Al-itixaad , waxayna dagaaladii ka dhacay gobolada Waqooyi Bari Soomaaliya (SSDF) oo ay dagaal isla galeen looga awood badiyey 1992-dii kaddib ,ay isugu soo biyo shubteen deegaanada Koonfutra Soomaaliya , halkaas oo ay ka asaaseen Maxkamado siiba magaalada Muqdisho.Waqtiyadaas qabiil-kasta oo Muqdisho ku nooli wuxuu samaystay maxkamado u gaara oo metala beel walba si ay isugu xukumaan oo ay uga badbaadaan dhibaatooyinkii ka jiray Muqdisho. Maxakamadahan ayaa dhamaantood midoobay kaddib markay qab-qablayaashii Muqdisho ay isaga hor-yimaadeen masraxa Siyaasada.

 

Waxay si toosa isaga hor yimaadeen qab-qablayaashii Muqdisho, waxayna taageero ka heleen Shacabka Soomaaliyeed iyo DFKS. Waxay si toosa gacanta ugu dhigeen magaalaada Muqdisho oo ay amaan ku soo dabaaleen.Maxaakiimtu waxay iyada oo ay dowladu jirto ka weecdeen jidkii nabada , waxay isku balaariyeen iyagoo hubaysan , hantayna hubkii qab-qablayaasha gobolo badan oo Soomaaliya ka tirsan, iyagoo kaashanaya Mujaahideen banaanka ka yimi iyo ciidamo ka socda dalka Eriteriya.Waxayna aamineen maxaakiimtu hal mar inay yihiin awooda kaliya ee wadanka ka hadli karta.

 

Waxayn labo jeer oo la isugu tegay Khartuum ay qaadaceen inay wada-hadal la galaan DFKS, waxayna aamin sanyihiin waxaan iyaga ahayn mooyee inaysan ahayn Islaam, Waxayna isku haystaan inay yihiin awooda kaliya ee ka jirta wadanka Soomaaliya , taas oo keentay soo de-dejinta dhiiga ku daadanaya maanta Soomaaliya.

 

Maxamed Jaamac

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this