Sign in to follow this  
Liibaan

Ururka Al-Islaax oo soo saaray baaq ee Muqdisho

Recommended Posts

Liibaan   

Ururka Al-Islaax oo soo saaray baaq ku wajahan

dagaallada ka socda Soomaaliya

 

 

Waxaa maanta warsaxaafadeed magaalada Muqdisho ka soo saaray xarakada Islaax, iyadoo warsaxaafadeedkaasina uu ku saxiixnaa Sheekh C/llaahi Cali Xeyle oo ah afhayeen u hadlay ururkaasi, wuxuuna u qornaa sidatan:-

 

Dowladda Itoobiya waxay muddo dheer faro gelin dheer ku heysay dalka Soomaaliya iyadoo ka faa'ideysaneysa khilaafaadka siyaasadeed ee jira iyo mudada dheer ee dalka aysan ka jirin dowlad dhexe oo awood leh.

 

Hadana waxaa ciidamada Itoobiya si xoogleh uga dagaalamayaan dalka Soomaaliya gudihiisa, sidaas daraadeed xarakada Islaax waxay ku baaqeysaa qodobadan soo socda:-

 

1)- dowladda Itoobiya waa inay si deg deg ah oo shuruud la'aan ah ugala baxdaa ciidamadeeda dhamaan dalka Soomaaliya

 

2)- shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa inay u midoobaan difaaca dalkooda, ilaalinta madaxbanaanida iyo qaranimadooda

 

3)- dowladda federaalka KMG iyo golaha maxkamadaha islaamiga ah waa inay si deg deg ah wadahadaladooda dib u furaan iyagoo ka amboqaadaya heshiisyadii ay horey ugu galeen Khartuum, dalka Suudaan

 

4)- waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka gaar ahaana Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa, J/carabta iyo m/africa inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaaladda murugsan ee ka aloosan dalka Soomaaliya, kana soo baxaan mas'uuliyadda ka saaran iyaga ka dhowraya farogelinta shisheeye ee dhaawaceysa midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed.

 

ALLAAHU AKBAR WALILAAHIL XAMDU

 

Mahamud Ahmed Hassan xuurshe114@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this