Liibaan Posted December 24, 2006 Ururka Al-Islaax oo soo saaray baaq ku wajahan dagaallada ka socda Soomaaliya Waxaa maanta warsaxaafadeed magaalada Muqdisho ka soo saaray xarakada Islaax, iyadoo warsaxaafadeedkaasina uu ku saxiixnaa Sheekh C/llaahi Cali Xeyle oo ah afhayeen u hadlay ururkaasi, wuxuuna u qornaa sidatan:- Dowladda Itoobiya waxay muddo dheer faro gelin dheer ku heysay dalka Soomaaliya iyadoo ka faa'ideysaneysa khilaafaadka siyaasadeed ee jira iyo mudada dheer ee dalka aysan ka jirin dowlad dhexe oo awood leh. Hadana waxaa ciidamada Itoobiya si xoogleh uga dagaalamayaan dalka Soomaaliya gudihiisa, sidaas daraadeed xarakada Islaax waxay ku baaqeysaa qodobadan soo socda:- 1)- dowladda Itoobiya waa inay si deg deg ah oo shuruud la'aan ah ugala baxdaa ciidamadeeda dhamaan dalka Soomaaliya 2)- shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa inay u midoobaan difaaca dalkooda, ilaalinta madaxbanaanida iyo qaranimadooda 3)- dowladda federaalka KMG iyo golaha maxkamadaha islaamiga ah waa inay si deg deg ah wadahadaladooda dib u furaan iyagoo ka amboqaadaya heshiisyadii ay horey ugu galeen Khartuum, dalka Suudaan 4)- waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka gaar ahaana Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa, J/carabta iyo m/africa inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaaladda murugsan ee ka aloosan dalka Soomaaliya, kana soo baxaan mas'uuliyadda ka saaran iyaga ka dhowraya farogelinta shisheeye ee dhaawaceysa midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed. ALLAAHU AKBAR WALILAAHIL XAMDU Mahamud Ahmed Hassan xuurshe114@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Midnimo Information Center wararka@midnimo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites