Mintid Farayar Posted January 27, 2010 26 Janwari, 2010, 12:45 GMT; 15:45 SGA Shir ay baajisay Somaliland Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayey oo ka socda Somaliland ay tageen tuulada Hol Hol ee gobolka Sool ayaa BBC u sheegay in shir ay tuulada ku yeelan lahayeen salaadiinta iyo cuuqasha gobolka Sool la joojiyey. Wuxuu intaas ku daray in ilaa 12 garaad oo tagay Holhol si ay ugu shiraan ay ciidamada Somaliland ka hor istaageen, iyagoo fulinaya amarka Somaliland. Wuxuu u sheegay weriyaha BBCda Xuseen aw-Jaamac Jibriil in ay isku afgarteen hogaamiyayaasha dhaqanka ee halkaa tagay in la fuliyo go'aanka dowladda Somaliland ee ahaa in aan shir lagu qaban karin shir. Wuxuu intaa ku daray in aan wax shir ah ka qabsoomin HolHol, balse ay iyagu kulan la qaateen qaar ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka oo ay kala hadleen "danaha reerka iyo nabadgalyada gobolka", kuwaas oo uu sheegay in ay isku afgarteen , kadibna saaka isimadii ay ka ambabaxeen HolHol, iyaguna ay ka soo tageen. Wararka, ayaa sheegaya in hogaamiye dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka oo ka tagay Puntland iyo siyaasiyiin kale ay tageen HolHol si ay halkaas ugu yeeshaan shir u gaar ah beesha. BBC Link Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mintid Farayar Posted January 27, 2010 Rag 'SOL' ku jira ayey macawiistii ka dhacdey ayaamahan.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 27, 2010 loooooool ^^^^ Quote Share this post Link to post Share on other sites