Sign in to follow this  
xiinfaniin

Daynile gets it!

Recommended Posts

Qormo ku socota isbaheysiga ku sugan ASMARA oo ka biyo diidsan in la galo wax wadahadal ah xilligan DKMG

 

Qormadan gaaban waxaan isku dayayaa inaan ku qanciyo walaalaha ka biyo diidsan in la galo wax wadahaddallo ah xilligan.Arrintaas waxaan iskaga fakir noqon karnaa haddii aan fahamno saddex arrimood:1)- cidda nala diriraysa 2)-waxa ay ku dirirayaan iyo3)- qasdiga ay ka leeyihiin intaba.

 

1)-Cidda nala diriraysa.

 

Dagalka ka fool-kafoolka ah waxaan iska soo horjeednaa waa Ciidanka Itoobiya iyo wixii ay cagaha ku jiitaan,waxaase kor ka maamulaya Qarammada Midoobay oo uu Maraykanku hoggaamiyo.Nuqdada ugu muhiisan halkan waa in ciidanka Itoobiya ka dhimanaya aysan cidna u tirsanayn,waa qawmiyado sida Oromada,Guraaga,Canfar,Amxaaro iyo Soomaali(Kililka Shanaad) oo la soo qafaalay,nin walibana gadaal qori lagala taagan yahay,dadkaasi waxaa hoggaaminaya tiro kooban oo saraakiil Tigree ah,wax qiimo ahna uguma fadhiyaan xukuumadda ka talisa Addis Ababa,marka laga reebo saraakiisha iyo saraakiil xigeennada Tigreega ah.

 

2)-Waxa ay nagula dirirayaan.

 

Qalabka iyo saanadda iyo sahayda ay nagula dirirayaan waxaa bixiya dawladaha reer galbeedka oo uu u horreeyo Maraykanku.Dalka Itoobiya gudihiisa dadku gaajo ayuu ugu baqtinayaa.Itoobiya ma awooddo iney ciidan intaas le’eg dhaqaajiso ama dagaal geliso muddo dheer ayadoo kharashkeeda isticmaalaysa.Bal arrintani,waa Business u furmay xukuumadda Meles Zinawi,oo waxay dallaalaan lacagta lagu siiyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed,sidaas awgeed waxaa la oran karaa waa calooshood u shaqaystayaal(mercenary).Waxaa intaas sii dheer in xukunka dalka Itoobiya ay ku hastaan taageerada ay ka helaan reer galbeedka,kuwaasoo uga hiilliya mucaaradka Itoobiya madaama ay shaqo muhiim ah u hayaan(La daallank argagixisada)..

 

3)-Qasdiga ay ka leeyihiin dagaalka.

 

Qasdiga ama yoolka dagaalka ka socda Soomaaliya wuxuu salka ku hayaa xisaab xagga tirada dadka(demography),waxay aamminsan yihiin in Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dad badan Afrikada madow,iney awooddo markii labo qof ayaga ka dhimato ay ku filan tahay iney hal qof oo Soomaali ah dilaan,aakhirtaankana Soomaaliya noqoto qubuur ay ku aasmaan malaayiin qof,si ay dalka ayagu ugu soo haraan.Sida kale markaan u dhigno 80 milyan oo Itoobiyaan ah iyo 8 milyan oo Soomaali tiradu waxay noqonaysaa toban jibbaar.

 

4)-Maxaa keenay wadahadalka?.

 

Sideedaba,wadahadal waxaa loo gala in wixii aadan awooddaada ku heli Karin aad ku doonato si kale,adoo oggol tanaasul( wax ka tag waxna qaado) waase in waxa kuu soo haray ay ku qancin karaan. Wadahadallada lala leeyahay UN-ka kuma iman codsi ka yimid mucaaradka Soomaalida,balse waxaa keenay in qaar ka mid ah duwalkii isku bahaystay dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed ay la soo xumaatay arrintaasi,oo ay yiraahdeen bal aan si kale arrinta ku eegno.Wadahadalladu ma filayo iney ku billaabanayaa si daacad ah,marna kama foga in wixii dagaal lagugu marsiin waayey lagu dayo farsamo kale,haseyeeshee marka laysku xooriyo xoogagga isbahaystay ee shacabka Soomaaliya lidka ku ah,wadahadalladu waxay u daran yihiin ama dhibayaan xukuumadda Addis Ababa iyo saaxiibbadeed,maxaa yeelay waxaa wax iska baddalayaan qaabkii ay wax ku heli jireen.

 

Haddaba,anigu ma garanayo dhibaatada ay u leeyihiin Xoogagga waddaniyiinta ee dalkakooda xoreynaya,kuwaasoo awoodda in wixii aan u cuntamin iska diidaan.Meesha kuma jirto,sida Madaxda Isbahaysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed u sheegay in la citiraafayo TFGda,taasoo laga yaabo in qaybo ayada ka mid ah ay jeclaan lahaayeen dal Soomaaliyeed oo xor ah,hase yeeshee uu ducfi haysto ayagoon sheegi karin waxa ay rabaan.Ninna kama qarsoona,in hoggaamiyaha ka taliya Itoobiya dhowr jeer ku celceliyey in ciidammadiisu aysan Soomaaliya u iman iney dawlad u dhisaan ee wax keliya ee ay u joogaan uu yahy inaan dawlad Islaam ahi ka dhalan(reuters,21/05/08),taasoo micneheedu yahay in wixii shacaa’ir Islaam ka muuqdo ka dhammeeyo Soomaaliya(inaan Soomaaliya weligeed xasilin).

 

Haddaba,wadahadalka wax dhibaato ah uguma jirto Isbahaysiga,waxay u leedahay faa’iido ah iney kaga baxaan xisaarka dulmiga ku dhisan iyo shaabbada argagixisada ee kuwa Soomaaliya ku soo duulay ay ku hadaaqaan..

 

Waxaa intaas dheer in midnimadu mudan tahay in la dhowro,islamarkaasna lays qanciyo halkii idaacadda laysku marin lahaa farriimo xasaasi ah.Inkastoo halganka Xabashida lagu saarayo uu xaq yahay misana waa in la sii oddorosaa haddii ay Xabashidu baxdo maxaa ku xiga?. Labo uun bey mid tahay::Inaan dawlad dhisanayno iyo in halganku halkiisa kasii soconayo illaa Soomaali Galbeed la xoreeyo amaba Muslinka dulman gaalada laga xoreeyo..

 

Haddii hankeennu ku ekaado inaan dawlad Soomaalidu leedahay dhisno(anoo rajeynaya in badankeennu aan saas rabno) waxaa ku hortaal sidii aad bulshada caalamka uga mid noqon lahayd.Sidaas awgeed,dawlad aan lagula ogeyn ama lagula oggolaan ma shaqaynayso.waxay la mid tahay in “Geed Camba” ah aad ka taagto dhul lama dagaan ah.Siyaasadda caalamka waa laga saaray wixii la oran jiray dawlad madax bannaan(sovereign state),ma jirto madaxbannaani taam ah,dawlado annaga naga waaweyn baa lagu soo duulay..Xittaa haddii aan ka baxsanno in nalagu soo duulo,dawladda aan ka dhisno Soomaaliya ee waxa loogu yeero bulshada caalamku(UN) aysan raalli ka ahayn, dawladdaas waa la silcinayaa,sida dawladda Xamaas ee reer Falasdiin .

 

Waa in aan tixgelinno in siyaasadda caalamka ay hor booddo dawl qura (ama koox qura) oo ay ka taliso(unipolar system) tan iyo markii laga adkaaday xulufadii Ruushku hoggaamin jiray sannadkii 1989kii Qaddiyadda Soomaalida,waa isaga mid caalamku,wax kuu gargaaraya ama ka hor imaanaya talada reer galbeedka ma jiraan.Weliba,kuwa loo yaqaan iney dawlado Muslim ah yihiin ayaa ugu daran oo kharashkooda ku bixinaya inaan dawlad Islaam ah ka dhalan Soomaaliya maxaa yeelay waxay ka baqayaan in shacabkoodu ku daydo Soomaalida(Masar iyo Sacuudiga ayaa ugu daran). Dalka Eritrea,oo iyaga qudhooda ay wax ka maqan yihiin, ayaa noo soo banbaxay.waxaa la oran karaa danaheenna ayaa isku soo dhacay,ee marna meesha kuma jirto jacayl gaar ah oo ay Soomaalida u qabaan(siyaasaddu saaxiib joogta ah ma leh ee waxay leeday dano joogto ah sidaas waxaa yiri English philosopher John Stuart Mill).Dalka Eritrea,ayuu ahaa kii Israiil saldhigga siiyey,deriskiisa Yemen ku duulay oo qabsaday Jaziira Al-Xaniish,Muslimka badan oo dalkiisa ku noolna cadaadiska ku haya.(Naar meel qabow ma leh).

 

 

Waxaan ku talinayaa in mudnaanta koowaad la siiyo in dalka laga saaro cadawga haysta haseyeeshee lagu dadaalo in gaalada aan lays raacin oo intii lakala reebi karo lakala reebo,gaar ahaan in sahayda ay Xabashidu nagula dirirto si xikmad ah looga jaro,taasoo ku imanaysa in gaalada qaarkeed wax laga dhaadhiciyo. War bal isweydiiya,maxaa dhammaan caalamku uga aamusay xasuuqa Soomaaliya ka dhacaya?Sow ma aha in adduunka aan joogno meel qura la shido lagana damiyo! .

 

Culumada Soomaliyeed,aqoon yahanka iyo inta waxgaradka ah,waxaa loo baahan yahay in dalka la badbaadiyo,oo laga fikiro in Xabashi keliya aanan ishayn ee dalkeenna laga haysto dhanka UN-ka,Soomaaliya xoog keliya kuma xoreyn karno,waa in xeel ay wehliso xoogga..

 

Ugu dambeys waa in aan ka fijgnaanaa in arrimaha Soomaaliya aysan ku milmin kuwa ay isku hayaan labada maamul oo ayagu dhaqan ahaan isaga kaaya dhow. .

 

Abdullahi Jaamac

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this