Gabbal Posted September 9, 2004 Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo Yuusuf Mire (Seeraar) oo ka mida xildhibaanada hubeysan ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta imaanaya Gobolada Jubbooyinka si ay isaga difaacaan weerar ka soo fool leh Jen. Moorgan oo ku soo jeeda sida la sheegay Gobolada Jubbooyinka. Labadan xildhibaan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay qoraalo iyo dacwado is daba joog ah u gudbinayay IGAD iyo beesha caalamka iyagoo ku doodaya inuu abaabul colaadeen ku soo wado, waxayna wararku sheegayaan inay ugu dambeyntii IGAD u ogolaatay inay dib ugu noqdaan degaanadooda. Barre Hiiraale ayaa laga filayay maanta magaalada Baardheere, iyadoo Yuusuf Seeraar isna tegayay magaalada Kismaayo, iyagoo hogaamin doona maleeshiyooyinkooda ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee difaac ay kala hartagaan Jen. Moorgan iyo maleeshiyadiisa. Dib u soo laabashada labadan xildhibaan iyo xaalada ka aloosan Koonfurta Soomaaliya ayaa durba noqotay caqabad weyn oo ku hor gudban nabaddii la filayay inay Soomaaliya dib ugu soo laabato iyo dowladii loo dhammaa ee Umadda Soomaaliyeed uga fadhiday shirka Kenya . Waxaa soo diyaariyay Cabdishakuur Cilmi Xasan Cabdishakuur48@hotmail.com Qaranimo.com Nairobi, Kenya Quote Share this post Link to post Share on other sites