Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Tfg parliamanterian arrested in hargeysa Somaliland

Recommended Posts

Xildhibaan ka tirsan dowlada Federaalka ee Somalia oo masuuliyiinta Somaliland ku xidheen Hargaysa

Warkii 27-Feb-2009 iyo Qormadii: C/naasir C/laahi

Gudoomiye ku xigeenkii Gobolka Sool ee Maamulka Somaliland hadana ah xildhibaan ka tirsan dowlada federaalka ee Somalia Maxamed Maxamud Faarax (Indhabuur) ayaa shalay lagu xidhay magaalada hargaysa ee xarunta Somaliland…………….

 

 

Mr: Idhabuur ayaa 25 bishii January ee sanakan ka baxsaday maamulka Somaliland isagoona ka qaybgalay shirkii isku darka baarlamaanka Somalia halkaas oo uuka helay xubin baarlamaan waxaana uu isla magaalada jabuuti kaga qaybqaatay doorashadii Madaxaynaha Somalia.

 

 

 

indhabuursawir.jpg

 

Xildhibaan Maxamed Maxamuud faarax (Idhabuur) ayaa markii uu ka soo kicitimay magaalada jabuuti isku dayey inuu ka soo dego magaalada Boosaaso ee Dowlad Goboleedka Puntland balse masuuliyiinta gobolka Bari ayaa udiiday isagoona ka soo degay magaalada hargaysa oo uu hada ku xidhan yahay ..

 

 

 

Masuuliyiinta Somaliland ayaan ilaa hada ka hadlin xadhiga xildhibaankaasi waxaanuna xidhiidho la samaynay taliska booliiska hargaysa noo sheegeen in maxkamada ay u gudbin doonaan , dhinaca kale ma jiro isna war ku sabsan xadhiga xildhibaan indhabuur oo ka soo baxay dowlada midnimada qaran ee magaalada Mogadishu.

 

 

 

Wixii waree ka soo kordha haka fogaan www.afnugaal.com

 

 

 

C/naasir C/laahi Cali

 

Afnugaal.com

 

Faatax08@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga Dhigtay Guddoomiye-Xigeenkii Hore ee Sool oo ka Mid Noqday Baarlama

Written by Qarannews

Feb 27, 2009 at 05:23 AM

Xukuumadda Somaliland oo Xabsiga Dhigtay Guddoomiye-Xigeenkii Hore ee Sool oo ka Mid Noqday Baarlamanka IMBAGATHI

 

Hargeysa (Qarannews) - Waxa maanta laga qabtay madaarka Hargeysa ee Cigaal Moxamed Moxamoud Faarax (Indhabuur) oo hore u ahaan jiray Guddoomiye-Xigeenka gobolka Sool ee JSL. Waxana loo taxaabay saldhiga dhexe ee Hargeysa halkaas oo weli uu ku xidhan yahay.

 

Sida wararku sheegayaan waxa Indhabuur ka soo kicitimay Djibouti isaga oo tagay Bosaaso laakiin maamulka Puntland ayaa dib ugu soo celiyey diyaaradii uu la socday. Markii diyaaradii Hargeysa dib ugu soo laabatay ayey ciidanka ilaaladda gegedda diyaaradaha ee Cigaal ay halkaa ku qabteen.

 

Warar ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee JSL waxay sheegayaan inuu Indhabuur fasax gaaban ka qaatay xilkiisii laba bilood ka hor, ka dibna ay ku war heleen isaga oo ku biiray Barlamanka TFG-da qaybta dhawaanta lagu kordhiyey ee garabka Sheikh Sharif.

 

Waxa lagu eedeeyey Indhabuur: Khiyaamo qaran iyada oo aan sharciga JSL ogolayn muwaadiniinta reer Somaliand inay ka qayb qaataan shirarka ku lid ah jiritaanka Somaliland

 

Lunsi hanti ummadeed isaga oo gaadhigii qaranka iyo hanti kaleba daayacay.

 

 

 

Waaheen

Share this post


Link to post
Share on other sites

It means that puntland did great a guy who they could punish inside bosaso they send him back to hargeysa. Because ninkani danbi puntland wu ka gallay waaaki Somaliland oo fadhiye gobolka sool kuxigeenka cali sandule. There for he is a treat to puntland.

 

Second he became part of the parliament of the sharifs government in Djibouti so he was a treat to Somaliland so Somaliland arrested him

Thank you puntland for giving back our citizens . who did khiyaamo qarran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this