Sign in to follow this  
Liqaye

Ilaalada garoonka dayuuraha oo qabtay dad ajnebi ah oo garoonka ka dhoofayey

Recommended Posts

Liqaye   

Ciidamada nabadsugida dowladda federaalka ayaa maanta ku qabtay garoonka dayuuradaha 8 nin oo ajnebi ah, una kala dhashay dalalka Suudaan & Bakistaan, waxaana qabashada raggani ay ku soo beegantay kadib markii maalintii ugu horreysay ay ku soo degeen garoonka dayuuradaha duulimaadyadii dayuuraha rayidka ah tan & markii magaalada Muqdisho ay la wareegeen ciidamada dowladda federaalka & kuwo Itoobiya oo ka awood roonaaday ciidamadii golaha maxaakiimta.

 

Raggan la qabtay ayaa 4 ka mid ah waxey dhalashadoodu tahay Suudaan, halka saddexda kale ay ahaayeen Bakistaan, waxaana lala qabtay nin turjubaan u ahaa, waxeyna wararka ka imaanaya garoonka ay sheegayaan in lagu hayo baaritaan lagu sameynayo sababaha ay Muqdisho u joogeen & waxa ku soo beegay xilligan inay dalka ka baxaan.

 

Xubnahan ayey wararka qaar sheegayaan in ay ahaayeen macalimiin wax ka dhigayey Jaamacadaha Muqdisho, waxaana sarkaal ka mid ka mid ah mas'uuliyiinta garoonka dayuuradaha uu sheegay in labaarayo, haddii wax dembi ah lagu waayana la sii deynayo .

 

 

Cabdixakiin Cilmi Xasan , Muqdisho, Somalia

Cabdixakiin44@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this