Liqaye Posted January 4, 2007 Ciidamada nabadsugida dowladda federaalka ayaa maanta ku qabtay garoonka dayuuradaha 8 nin oo ajnebi ah, una kala dhashay dalalka Suudaan & Bakistaan, waxaana qabashada raggani ay ku soo beegantay kadib markii maalintii ugu horreysay ay ku soo degeen garoonka dayuuradaha duulimaadyadii dayuuraha rayidka ah tan & markii magaalada Muqdisho ay la wareegeen ciidamada dowladda federaalka & kuwo Itoobiya oo ka awood roonaaday ciidamadii golaha maxaakiimta. Raggan la qabtay ayaa 4 ka mid ah waxey dhalashadoodu tahay Suudaan, halka saddexda kale ay ahaayeen Bakistaan, waxaana lala qabtay nin turjubaan u ahaa, waxeyna wararka ka imaanaya garoonka ay sheegayaan in lagu hayo baaritaan lagu sameynayo sababaha ay Muqdisho u joogeen & waxa ku soo beegay xilligan inay dalka ka baxaan. Xubnahan ayey wararka qaar sheegayaan in ay ahaayeen macalimiin wax ka dhigayey Jaamacadaha Muqdisho, waxaana sarkaal ka mid ka mid ah mas'uuliyiinta garoonka dayuuradaha uu sheegay in labaarayo, haddii wax dembi ah lagu waayana la sii deynayo . Cabdixakiin Cilmi Xasan , Muqdisho, Somalia Cabdixakiin44@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites