Sign in to follow this  
General Duke

IndaCade switches sides again this time to Sharif Ahmed

Recommended Posts

War deg deg ah: Sheekh Yuusuf Indha cadde oo ku biiray dowlada isaga iyo gadiidkiisa dagaalka

 

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah wasiirada dowlada Soomaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde iyo 17 ka tirsan Gadiidkiisa dagaalka ayaa ku biiray dowlada KMG ah ee Soomaliya isagoo haatan ku sugan Madaxtooyada Soomaliya ee Muqdisho.

 

Indha cadde iyo maleshiyaadkiisa oo xarun ku lahaa warshada baastada ayaa habeenkii xalay ah waxa uu si rasmi ah ugu biiray dowlada Soomaliya, waxaana uu ku wareejiyay 17 gawaarida dagaalka ah iyo ciidamadiisii daacada u ahaa.

 

Lama oga waxa xilligan ku soo beegay in Indha Cadde uu ku biiro dowlada xilli uu hore u sheegay inuu hubkiisa ku wareejiyay walalal oo kal jeeday Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

Hore ayaa waxaa u jiray hishiis hor dhac ah oo ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaliya iyo Yuusuf Indha Cadde Lakiin hishiiskaasi ayaa bur buray ka dib markii uu Indha cadde sheegay inuu hubkiisa u dhiibqtay qof walaal ah.

 

Wixii ku soo kordha wararkeena danbe ayaa kala socon doontaa.

 

Had iyo jeer kala soco wararka xaqiiqda ah jowhar.com

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Yuusuf Indhacade iyo 11-tikniko oo uu wato oo dawlada isku soo dhiibay

17. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )-Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacade iyo gawaari dagaal oo uu wato ayaa xalay saqda dhexe isu soo dhiibay dawlada Somalia kana soo gudbay qadka ay kala fadhiyaan ciidamada dawlada iyo mucaaradka ee Hotelka Ramdaan.

 

Yuusuf Indhacade oo saldhig ku lahaa warsahadii hore ee Baastada iyo daartii Xeyle bariise ayaa waxaa la soo gudbay ku dhawaad 11-tikniko ah .

 

Warar is khilaafsan aya ka soo baxaya sababaha uu dawlada ugu soo galay Yuusuf Indhacade ,waxaana warar ay heshay APL ay sheegayaan in ay isu goodiyeen saraakil Al-Shabab ah oo ku amray in uu so wareejiyo hubka uu sii heysto isna uu ku gacan seeray taas oo ku dhalisay in uu u soo goosto dhinaca dawlada si uu ciidamadiisa iyo gaawaridiisa uga badbaadiyo weerar suurtagal ahaa in ay ku qaadaan xooagaga Al-Shabab.

 

Dhinaca kale warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Yuusuf Indhacade uu soo kala dhex galay is faham la’aan isaga iyo hogaamiyaha mucaaradka Asmara Xasan Dahir oo ay isku qabteen arimo ku saabsan in uu gala dagaalada socdaa oo uu hogaamiyaa taas oo u ku gacan seeray.

 

Dadka Muqdisho ayaa aad uga jahwareeray siyaasadaha Yuusuf Indhacade oo maalin walbaa u ciyaara koox siyaasadeed oo cusub , waxaana aan la ogeyn sida dawlada uu ugu dhex milmi karo maadama dhawaan uu uga baxay heshiis uu la galay.

 

Yuusuf Indhacade oo inta badan wata maleeshiyo ku heyb ah ayaa ah nin ka qeybgalka dagaalada Muqdisho aad looga battay , waxaana dad badan dhawrayaan waxa uu ka badali karo sgaxda dagaal ee dawlada kula jirto mucaaradka.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad Indhacadde oo watta gaadiid dagaal ayaa habeenimadii xalay u galay dowladda KMG Soomaaliy.

 

Sida ay Idaacada Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan oo ku dhow dhow Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadde iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG,sheikh uu watta ciidamo taageersan iyo gaadiid dagaal oo ka bdan 10-gaari oo ah kuwa dagaalka ah ayaa xalay ka gudbay djhinaca ay joogan xoogaga Mucaaradka ee ka soo horjeeda dowladda KMG,isgoo ku biiray Aaga ay ka soo jeedo dowladda KMG.

 

Inkastoo Sheekh Yuusuf iyo raga la socda aan laga heeyn wax war ah oo ku aadan u wareegistiisa xagga dowladda KMG Soomaaliya ayaa wasiir ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo diiday in magaciisa la soo xigto waxaa uu u xaqiijiyay Idaacada Shabelle in sheikh Yuusuf uu soo maray dhanka dowladda KMG Soomaaliya islamarkaana uu watto 11-gaari oo kuwa dagaalka ah.

 

Sheekh Yuusuf indhacadde ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu kulamo la qaato wasiiro ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo uu kala hadli doono ku soo biiritaankiisa isaga iyo ciidamada uu watto ee dowladda KMG Soomaaliya.

 

Talaabada uu qaaday Sheekh Yuusuf Indhacadde oo calay saqdii dhexe ka soo guuray Warshadii Baastada oo ay ciidamadiisu ku sugnaayeen tan iyo markii ay halkaasi ka soo guureen ciidamada Ethiopia ayaa ku soo aadaysa maalmo kadib markii uu Yuusuf Indhacadde u sheegay Shabelle in uu goostay in uu isaga fariisto howlaha ka socda dalka oo uu sheegay in uusan diin ahaan ku qanacsaneyn,waxaana haatan muuqata in Indhacadde uu ku biiray dowladda KMG Soomaaliya.

 

Dhawaan ayey aheeyd markii xunbo ka mid ah xisbul Islaam Garabka uu hogaamiyo Sheekh Cameey ay kulamo la qaateen Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya markaasoo ay ku baaqeen in hadii ay qadato dowladda KMG Soomaaliya ku dhaqanka Shareecada Islaamka ay go’aansadeen in ay la hadlaan islamarkaana ay suura galtahay in ay ku biiraan.

 

Talaabada uu qaaday Sheekh Yuusuf Indhacadde ayaa waxaa ku wehliya xubnihiisa kula mideysnaa Ururka Xisbul Islaam,waxaana gudoomiyaha Ururkasi Sheekh Xuseen Cameey oo la hadalayay saakay qar ka mid ah warbaahinta uu sheegay in ay u galeen dowladda KMG Soomaaliya.

 

Kubiirista Sheekh Yuusuf indhacadde ee dowlkadda KMG Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili mudooyinkii ugu dambeeyay ay magaalada Muqdisho ka jireen dagaalo u dhaxeeya dhinacyada Mucaaradka iyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya,lamana oga waxyaabaha uu ku soo kordhin doono arintaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Indha-Cadde oo isku dhiibay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

17. maj 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )- Yuusuf Maxamed Siyaad oo ka mid ah shaqsiyaadka hubka ku heystay magaalada Muqdisho ayaa ku biiray dawladda Faderaalka ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed, sida ay sheegayaan warar Madax banaan oo ka soo baxaya magaalada Muqdisho.

 

Nin sheegay in uu yahay gacan-yaraha Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) ayaa usheegay AllPuntland in uu maamulihiisu ugalay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo isku dhiibay, wuxuuna sheegay in ay sababtu tahay markii uu arkay sida loogu baahan yahay in wax laga qabto amaanka Magaalada Muqdisho.

 

Yuusuf Maxamed wuxuu todobaadkii ugu dambeeyey ku jiray jahawareer Siyaasadeed, oo gaarsiiyey in uu Saxaafada Soomaalida ka sheego in uu ka baxay siyaasada dalka Soomaaliya oo uu ka fariistay, wuxuuna sidoo kale wareejiyey qaar ka mid ah gaadiidkiisii dagaal oo uu ku wareejiyey hogaamiyaha ay aadka iskugu dhow yihiin ee Xasan Daahir Aweys oo dagaal adag lagalay dawladda Shariif Sheekh Axmed.

 

Siyaasiinta Muqdisho ayaa wareegitaanka Yuusuf Indha-Cadde ugalay dawladda Soomaaliya, waxa ay ku sheegeen mid aan wanaagsaneyn waxaana ay sheegeen in uu hadalo kala duwan uu todobaad gudihiis ka sheegay gudaha Saxaafada dalka Soomaaliya, isagoo aan ka fiirsan siyaasadaha dhibka badan ee ka taagan dalka Soomaaliya, gaar ahaana Magaalada Muqdisho.

 

Yuusuf Maxamed Siyaad wuxuu horay uga soo mid noqday Hogaamiyaashii Muqdisho oo uu ka baxay markii ay sameysteen Isbaheysi ay awooda ku mideeyeen, ragii ugu sareeyey Maxkamadihii awoodooda la wiiqay, wuxuu ka mid noqday Isbaheysigii Dibu xoreynta, wuxuu ka mid noqday Xisbul Islaam markii la dhisay dawladda Soomaaliya, isagoo ka soo horjeestay dawladda oo maanta isku dhiibay, wuxuuna ugu dambeyntii maalmo ka hor heshiis la galay dawladda Soomaaliya, ka dibna Saxaafada ayuu ka beeniyey marna ka sheegay, Shan maalmood ka hor wuxuu ka sheegay Saxaafada Soomaaliya in uu ka baxay Siyaasada Soomaaliya.

 

Isdhiibitaankiisa waqtigan ee isku dhiibay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxa ay saameyn ku yeelan kartaa xiisadaha dagaal ee ka taagan magaalada Muqdisho, siiba waxaa ay dad badan leeyihiin waxa ay hurin kartaa dagaalada udhaxeeya dawladda Soomaaliya & Mucaaradkeeda sida adag uga soo horjeedo ee uu hogaaminayo waqtigan Xasan Daahir Aweys.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maybe, the rumors that Shabaab wanted Aweys to hand over Indhacade to them were true. The rumors said Aweys initially refused to hand Indhacadde over. Maybe after the battles settled into a certain stalemate in the last 2 days, Aweys decided he needed the full force of Shabaab backing him up. Maybe Aweys told him - "I can't protect you any longer since I need Shabaab as allies".

 

A lot of maybe's, but plausible. If that theory^ is true, Indhacadde had no choice but to save his skin and run back to Sharif and the protection of AMISOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Oday jirjiroole oo naftiisa la baxsaday:

 

Ninka sidii oday jirjirooliha is badalka baddan ee Yuusuf Siyaad

Indhacade oo xalayto mar kale u goostey dhanka DKMG ah ayaa

sheegey in uu difaaci doono dowlada Shariifka, laakiin sida

xogta rasmiga ah lagu hayo ficilkiisa kama badna mid uu naftiisa

ku difaacayo.

 

Dadka Soomaaliyeed ayaa saakay kusoo baraarugey war maad iyo qosol

leh oo ay tabinayeen qalabka warbaahinta Soomaaliya, kaasoo

sheegayay in Yuusuf Indhacade uu u goostey dhanka DKMG ah,

maalmo ka hor ayay ahayd markii isla ninkani uu la kulmey Sheekh

Xassan Daahir Aweys kuna wareejiyey 19 tikniko ah iyo ciidamo baddan,

balan qaadayna in uusan taageereynin DKMG ah, waxaa taasi ka horeysey

in uu la kulmey SH. Shariif kulana heshiiyey in uu taageerayo.

 

 

Markale ayuu dib ugu baxsaday xalay dhanka DKMG ah isagoo watta 12

tikniko ah oo uga badbaadey hubkiisii, waxaa hubkani gacanta ku

hayay Sh. Maxamed Cameey iyo raggii kale ee garankiisa ka tirsanaa.

 

 

Maanta ayuu hadlay Indho Cadde wuxuuna sheegey in uu difaaci doono

DKMG ah maadaamaa uu ku sheegey in ay tahay dowlad islaami ah.

 

 

Wararka aan heyno waxay tibaaxayaan in baxsashada Indhacade ey

la xariirto talaabo uu naftiisa ku badbaadinayo kadib markii ay xarakada

Al-Shabaab wacad ku mareen in ay qoorta ka goyn doonaan Indhacade isla

markaasina aysan aamini doonin xittaa haddii uu soo daahiro, waxay sheegeen

in Indhacade uusan marnaba daahir noqon doonin wax kasta oo dhaca,

sidaasi darteedna uu markasta khatar ku yahay midnimada mujaahidiinta.

 

 

Saraakiil ka ag dhow muqaawamada ayaa noo sheegey in la heley

sirro hor leh oo ku saabsan siriq uu Indhacade maleegayo iyo jariimooyin

uu horey oga galay muqaawamada xiligii maxaakiimta, waxaa la

sheegey in isaga lagu wargaliyey sirta laga hayo, loona sheegey

in aanan la cafin doonin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this