Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Newly trained Somali military forces take up responsability

Recommended Posts

melatariga.JPG

Muqdisho: Ciidamo xoog leh oo ku sii qulqulaya Magaalada Muqdisho.

3. januar 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- 48 Saac ee lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ku sii qulqulyay ciidamo fara badan oo ka imaanayey dhinaca Magaalada Baydhabo ,ayagoo halkaasina joogey bilihii ugu danbeeyey ,lamana yaqaan ujeedka waqtigan keentey socodkooda.

 

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaal oo fara badan ayaa hada ku sugan Isgoysyo badan oo kuyaala Magaalada Muqdisho ,isla markaana halbowle u ah Isku socodka Magaalada ,mana jiraan wax howlgalo ah oo ay sameeyeen.

 

Ujeedka ciidamadan ku sii qulqulaya magaalada Muqdisho ayaysan jirin cid ka mid ah Madaxda dowlada Soomaaliya oo ka hadashey ,waxa ayna tani ku soo aaday ayadoo Magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyey ay tagayeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

 

Cutubyadan ka mid ahaa ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa qaadanayay mudooyinkii ugu danbeeyey tababaro kala duwan ayagoo ay qaarkood ku soo tababarteen dalkaasi Itoobiya ,waxaana loo soo tababaray dagaal laga sameeyo Magaalooyinka waa weyn iyo Guryaha isku rarankaa.

 

Dowladu waxa ay sheegtay in ay hada inta Caasumada Soomaaliya nabad tahay ,ayna hada la tacaalayso sidii ay ula wareegi lahayd amaanka ,isla markaana ciidamada Itoobiya ugala wareegi lahaayeen sugida amaanka goobaha Muhiimkaa.

 

Milateriga dowlada Soomaaliya ayaa intooda badan waxa ay hada banaanka ka joogaan magaalada Muqdisho,taasna waxa ay ka danbeysay wada xaajoodyo ay yeesheen madaxda dowlada faderaalka ee Soomaaliya iyo isbadaladii Magaalada ka dhacay ,wixii ka danbeeyey dagaaladii dhacay Sannadkii hore bartamihiisii.

 

Warar hoose oo ay AllPuntland heshay ayaa xaqiijinaya in ay ciidamadan howlgalo xoog leh ka sameynayaan magaalada Muqdisho ,kuwaasoo ay dowladu ku dooneyso in ay sannadkan amaanka Magaalada dib uhagaajiso una sameyso baaritaano ku aadan hubabka Sharcidaradaa ee Magaalada dhexyaala.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda oo Baadi Goob ugu jira hoggaamiye yaal argagixisoo oo la tuhun san yahay in lagu Qarinaayo Gobolo kamid ah dalka Soomaaliya.

 

Wariyaha carmooyin.com ee magaalada muqdisho, oo warar xogogaal ah ka helay ilo aad ugu dhaw wasaarada gaashandhiga dowlada federaalka soomaaliya ayaa sheegaya in ciidan u tabaran baadigoobka dawlad diidka iyo argagixisada aduunku ay wadaan ugaarsi aad u weyn oo la doonayo in gacanta lagu soo dhigo haraadiga hoggaamye yaal ka tirsan kooxdii argagixisada Soomaliya ee maxkamadaha islaamka sheegan jirtay.

 

Sarkaalkan ayaa u sheegay wariyaha carmooyin.com in ay ciidamda sirtu adeegsanayaan xeelado casri ah oo loogu talagalay qolooyinka argagixisada si deg deg ay gacanta ugusoo galaan.

 

”nimankan maleh awood weyn oo qatar ku ah dowlada hadana waxaan laga fursaneyn in lasoo qabto oo maxkamad la soo taago si sharciga loogu qaado madaama ay galeen danbiyo dagaal, waana ognahay in ay ku dhuumaalatsanayaan guryaha shacabku daganyahay”ayuu yiri sarkaalkan u hadlay dowladda Soomalaiya wasaaradeeda gaashaandhiga waaxda ugu qaabilsan la dagalanka iyo cirib tirka argagixisada.

 

 

Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com e Muqdisho.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmoyin@gmail.com

 

Email Story Printable View

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda oo Baadi Goob ugu jira Indhacade iyo Abuu-Mansuur oo latuhunsanyahay in lagu Qarinaayo Gobolo kamid ah dalka Somaliya.

Posted to the Web Jan 03, 04:07

 

Wariyaha idamaale ee magaalada muqdisho ciska, oo warar xogogaala ka helay ilo aad ugu dhaw wasaarada gaashandhiga dowlada federaalka soomaaliya ayaa sheegaya in ciidan u tabaran baadigoobka dawlad diidka iyo argagixisada ay ku jiraan sidi loo soo qab qaban laha labo kamid ah maxaakiimtii hardigoodii waa abuu mansuur iyo indha cadde.

Sargaalkan ayaa sheega in ay isticmaalayaan dabagalka aaladaha isgaarsiinta ey isticmaalayaan, aygoo dawlada federaalka ay kaashanayso hayadaha calamiga dagaalamka argagixisada,

nimankan maleh awood weyn oo qatar ku ah dowlada hadana waxaan laga fursaneyn in lasoo qabto oo maxkamad la soo taago si sharciga loogu qaado madaama eey galeen danbiyo dagaal, waana ognahay in ay ku dhuumaalatsanayaan guryaha shacabku daganyahay.

 

Idamaale News

 

Wariyaha muqdiso, ciska

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Hawalgalo aan horey loo arag oo eey Cidamada Dowladda Somaliyeed kasameyeen Xafado kamid ah Gobalka Banaadir.

Posted to the Web Jan 02, 02:54

 

Muqdisho Ciidamada dowlada Soomaaliya oo maalmahaan si weyn ubartilmaamed sanayaay koxaha argigixisada ee kudhuumaalesta magaalada Muqdisho ayaa manta (01.01.2008) soo qabtey koox Dowlad diid ah iyo hub fara badan oo eey adeegsanayeen.

 

Kooxaha dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda, ayaa laga soo qabtey degmooyinka gobalka Banaadir ayagoo Farah kulajira howlo kadhan ah amniga Gobolka, Ciidamadu waxa ay saaka howlgal balaaran ka sameeyeen deegaano ay ka mid yihiin degmada Dharkiinleey, ayagoo halkaasi ka soo qabtey hub fara badan oo iskugu jira Bambooyinka gacanta laga tuuro Hoobiyayaal iyo Waxyaabo kale oo dhamaantood ka mid ah waxyaabaha loo adeegsado dilka iyo barakicinta shacabka Somaliyeed.

 

Mid kamid ah Saraakiishii hawalgalkaas fuliyeey ayaa usheegay Idamaale in ay qabteen hubkaan kadib markii ay heleen Warbixino ku aadan in kooxaha hubkan heystaa yihiin kuwa inta badan dhibaatada ka wada Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in haatan lasoo qabtey dadkii iyo Hubkii ay adeegsanayeen.

 

Sargaalkaas wuxuu kaloo carabka kudhuftay in ay gacanta ku soo dhigi doonaan Xubno wali looga shakisan yahay amnidarada Magaalada Muqdisho, isagoo taasna sheegay in mar dhaw Saxaafada loo soo bandhigayo marka lugu guuleysto in lasoo qabto.

 

Kumanaan dad ah oo maanta iskugu soo baxay Saldhiga degmadaasi ayaa loo soo bandhigey Hubkaasi fara badnidiisa iyo Noocyadiisa, isagoo uu halkaasi hadal wacyigalin ah ujeediyey dadka taliyaha ciidamada Booliska ee degmadaasi Gaashaanle dhexe C/laahi Xasan Bariise, wuxuuna ugu baaqay in ay dadku soo sheegeen Nabad diidayaasha ku dhuumanaya deegaanada gobalka Banaadir guud ahaantiis gaar ahaana degmada ay joogaan.

 

Taliyuhu wuxuu sheegay in ay ciidamadu wadayaan howlgallada ay ku soo qabanayaan Hubabka Sharcidaradaa ee loo adeegsanayo amaandarida Soomaaliya iyo Kooxaha adeegsanaya oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda Israaca Umada Soomaaliyeeed.

 

Waxgarad iyo Duqowda dhaqanka ee degmadaasi oo halkaasi ka hadlayay ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey ciidamada Booliska Soomaaliya, ayagoo sheegay in ay yihiin kuwa u adeegaya Shacabkooda Somaliyeed doonaayana in dalkoodu gaaro nabad waarta, taasna ay ku mudan yihiin in lagala shaqeeyo.

 

Shacabkii isugu soo baxay meshaas ayaa shaaca ka qaaday in ay dantoodu kujirto gacansiinta ciidamada dowlada Soomaaliya, isla markaana ay sharci tahay in lasoo gacangaliyo cid walba oo ka soo horjeeda amaanka Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ee muqdisho.

 

Hubkii maanta lasoo bandhigey ayaa ahaa kii ugu faraha badnaa ee laga soo qabto degmada Dharkiinleey, ayagoo ay dadweynuhu soo dhaweeyeen talaabada geesinimada leh ee ay ciidamadu Sameeyeen ee ku aadan soo qabashada hubabkan.

 

 

Idamaale News

 

 

Abukar (Jabka)

 

 

Jabkka111@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Nawaaxiga Suuqa Bakaaraha oo lagu dilay askari Itoobiyaan ah iyo 2 ka mid ah ciidamada dowladda Embagathi

 

-------------------------------------------------

 

 

Here they are getting thrashed. Welcome to Muqdisho.
icon_razz.gif

 

u_2d_2008-1-3-11-55-58f_mugadisho.jpg

 

 

(Nawaaxiga Suuqa Bakaaraha oo lagu dilay askari Itoobiyaan ah iyo 2 ka mid ah ciidamada dowladda Embagathi)

hadhwanaag 2008-01-03 (Hadhwanaagnews) Mugadisho-(HWN)- Kadib markii subaxnimadii hore ee saakay ay waddada 30-ka ee ku dhow Suuqa Bakaaraha soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah kuna soo faafeen xaafado kulaala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa ciidamadaasi waxa iska horimaad uu dhex maray iyaga iyo kooxaha joogitaanka ciidamadaas ee Soomaaliya ka soo horjeeda.

 

Warku wuxuu sheegayaa in Ciidamada Itoobiyaanka iska horimaadkaas looga dilay hal askari mid kalena looga dhaawacay, waxayna muddo kadib dib ugu laabteen fariisinkii ay ka soo bexeen ee Garoonka Cayaaraha ee Stadium Muqdisho.

 

Dhinaca kale ciidamo ka tirsan dowladda Embagathi ee Soomaaliya iyo kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta waxa ay ku dagaalameen waddooyinka 1-aad iyo 2aad ee suuqa bakaaraha, waxaana iska horimaadkaas ku geeriyooday 2-askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Dagaalka oo ka bilowday xaafadda Geed Jacayl ee ku dhow waddada 2aad ee Suuqa Bakaaraha ayaa ku soo faafay waddooyinka 1aad iyo 2aad ee suuqa Bakaaraha ku dhow.

 

Dagaallada ka dhaca waddooyinka 1aad iyo 2aad ee suuqa Bakaaraha ee dhex mara ciidamada dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa noqday kuwo mar walba soo laalbaata oo joogto ah, kuwaasoo dhimasho iyo dhaawacba sababa, isla markaana hakad geliyay goobaha ganacsiga ee ku dhow dhow iyo isku socdaka gaadiidka iyo dadka, mana la oga waxa ay ciidamadu ka qabtaan waddooyinkaas.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Then you will cry civilians when their militias get shott loose.

Those old pictures highlight the enemy we are dealing with, it makes threats, promises jihad then hides behind women and children.

 

we [TFG] have been in power in Mog for a year now and we aint going any where

Any how the TFG controls Mogadishu, how long can they hide under civilian homes? Not long.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

No one is hiding on this side. It's evident who cried help to the international community when the ICU forces were on the out skirts of Baydhabo. It's well known to anyone who is crying help for more AU forces and UN 'peacekeeping forces' though Ethiopians are still there.

 

The weak, the unable to fight his own fights is well known. It's clearly not the men whose bravery even attracted U.S AC gunships. A coward and a weak would have never been fought that hard against.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer they do not manufacture AK's in Somalia. thus were one gets weapons is not important. The truth is simple, you act big start a war and then loose.

 

The TFG uses diplomacy, and wins, the clowns use secessionists and fake religious declerations and loose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Two more were killed on the new year's day: I gues not much of celebration there for daba dhilifs. Tough luck. They shouldn't have been there in the first place.

 

Iskahorimaad barqannimadii maanta ka dhacay Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ee ah waddada 1aad ee suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku geeriyooday labo ka mid ah askarta isgoyskaas ku sugan.

 

Dhimashada Labadaa askari ayaa waxay ka dambeysay kadib markii ciidamada dowladda ee Isgoyskaasi ku sugan iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda siyaasadda dowladda KMG Soomaaliya uu iska horimaad halkaasi ku dhex maray.

 

Sidoo kale waxaa is rasaaseyntaasi ku geeriyooday hal qof oo rayid ah, mid kalena waa uu ku dhaawacmay, waxaana la ogeyn khasaaraha gaaray kooxaha weerarka ku qaaday ciidamada.

 

Daqiiqadihii uu iska horimaadku socday ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay howlihii ganacsiga ee nawaaxiga Isgoyska Howlwadaag iyo isu socodka Gaadiidka, kuwaasoo dib si aayar aayar ah howlahoodii u bilaabay markii uu si iskiis ah u hakaday iska horimaadku.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by General Duke:

^^^Adeer they do not manufacture AK's in Somalia. thus were one gets weapons is not important. The truth is simple, you act big start a war and then loose.

 

The TFG uses diplomacy, and wins, the clowns use secessionists and fake religious declerations and loose.

Sorry I am having hard time understanding you. The TFG has never been in contact with diplomacy. If they had any of that sort they would have dealt with its people rather than foreign powers who are bent to using them. So far that is the only thing you gotten foreign usage of TFG thugs, however the somali people at large have different agenda, which is how to get rid of them and their helpers for once and for all. You better believe that somali people will not lose a war, specially a war for their survival and for the revival of their country free of thugs like AY, Mo dheere, Qaybdiid. Just let me note however it takes.

 

 

EThiopians are EThiopians, they will leave voluntarily or will be forced out, however those thugs like AY, Qaybdiid, Mo dheere will stay to face the knife. You better believe it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer diplomacy is gaining support from the world hence the arms advantage.

 

As for these criminals when they get killed they say "civilains"

 

Ciidamo katirsan dowladda oo qof rayid ah saaka ku diley Degmada Waabar.

 

(Mogadishu, January 3 , 2008 HornAfrik Media)

 

Ciidamo katirsan dowladda kmg ah ee soomalia ayaa saaka qof rayid ah ku toogtay xaafada laabeeriya ee Degmada Waabari Magalaada Muqdisho kadib markii ciidamadaasi ay saaka isku gadaameen guri uu leeyahay nin ay halkaasi ka wateen.

 

ciidamadaan oo watay gaadiidka dagaalka ee loo yaqaano tiknikada ayaa gaaray xaafada laabeeria ee degmada waabari halkaasi oo ay ka wateen mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan la ogeyn sababta ay u wateen,hase ahaatee inta aysan ciidamadaani ninkaasi aya waxa ay dileen qof rayid ah oo lagu magacaabi jiray c/fitaax sida dadka deegaanka ay Idaacada hornafrik u sheegeen.

 

"ciidamada tuuteysan oo katirsan dowladda kmg ah oo wata gaari c/bille ah iyo roneed ayaa yimid saaka xaafada waxaana ay raadinayeen nin ilaa xalay ay baadi goobayeen" ayuu yiri qof goobjooge ah oo qariyay magaciisa sababo ammaan dartoo.

 

xariir aan la samayney saraakiisha dhanka booliska u qaabilsan saxaafadda ayaan la helin si wax looga waydiiyo sababta ninka la sheegay loo watay islamarkaana ciidamada dowladda ay u dileen qofka rayidka ah.

 

ma ahan markii ugu horeysay oo dhibaato dhimasho iyo dhaawac leh ay ciidamada dowladda kmg ah iyo kuwa itoobiyaanka u gaystaan dadka rayidka ah xilyada ay howlgalada ka sameynayaa deegaanada kala duwan ee magaalada muqdisho.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thus all these civilains is code named for the criminal gangs.

 

Anyhow one year and they can not capture anything Mogadishu and the south is gone for the clowns and their supporters can keep crying from the cold streets of USA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Why is it that the secessionist are always the only group that passionetly cry out load against the progress of the TFG in the South.... Ma saas bay Nationalist and love for the South ubadneed?

 

Red Sea so much for your Somalinimo and love for Mogadishu? Aren't you protesting way too much...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this