Cowke Posted October 6, 2009 Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug Oo Mamnuucay Qaadashada Hubka Gudaha Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Muug. Published on: October 6,2009 Garowe Time 7:53 pm Gaalkacyo(RBC): Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa soo bandhigay digniino ka dhan ah dadka hubka ku dhex qaata gudaha magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. G/sare Muuse Xasaasi oo ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay jiraan dad farabadan oo hubka fudud ku dhex qaata gudaha magaalada waxaana uga digeynaa ayuu yiri in aysan dhici doonin in qof shacab ah uu hub ku dhex qaato gudaha magaalada, isagoo codsi u jeediyay Ganacsatada in ay hubka ay isticmaalaan aysan la soo dhaafin goobahooda ay ku ilaashanayaan. Taliska Qeybta Booliska ayaa intaa ku daray in sidoo kale la joojiyay oo aan hadda kadib la arki karin baabuurta aan laheyn Taarikada iyo kuwa leh bacaha madow ee bensonka loo yaqaan, Ciidamadana amar lagu siinayo in ay howlahaasi dhamaantood hirgaliyaan. Ciidamada amaanka ee ka howl gala gudaha magaalada Gaalkacyo gaar ahaana kuwa Booliska ayaa la arkayay maalmihii la soo dhaafay iyaga oo sameynaya arimo lagu xoojinayo amaanka magaalada, gaar ahaan qabashada baabuurta taarko la’aanta ah, kuwa leh bacaha madow ee benson-ka hase ahaatee wali aysan jirin howlgalo lagu soo qabanayo dadka hubka ku dhex qaata gudaha magaalada Gaalkacyo. Amarka lagu mamnuucayo in hubka lagu dhex qaato gudaha magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee ka soo baxay Taliska Qeybta ayaanan ilaa haatan ka dhaqan galin gudaha magaalada, waxaana wali dariiqyada magaalada lagu arkayaa dadyow garabka ku wata hubka noocyadiisa fud-fudud gaar ahaan qoriga AK47-ka. Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ayaa habeenkii waxaa ay roondo ka sameeyaan gudaha xaafadaha magaalada si ay u xaqiijiyaan amaanka, xilli ay soo badanayaan wararka sheegaya in xaafadaha magaalada qaarkood habeenkii ay kooxo dhalinyaro ah ka sameeyaan dhaca telfoonada iyo kufsiga dumarka. Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites