Jacaylbaro Posted October 2, 2007 hadhwanaag 2007-10-01 (Hadhwanaagnews) Hadhwanaagnews (HWN) - Haddii ciidamo u dhashay Sool oo ay taageerayso Somaliland ay Laas Caanood ka saareen maamulkii Puntland, maxaa hadda xiga? Reer Laas Caanood ma noqon doonaan kuwo ka qayb qaata dejinta magaalada iyo gobolka mise kolba sarkaalkii xanaaqa ayaa hubka soo guran oo Somaliland ama Puntland ku biiri? Sidee bay Somaliland u samayn kartaa maamul deggan oo Somaliland ka tirsana? Reer Laas Caanood se ma ku kalsoonaan doonaan? Fikradda qabiilka ee tollaay sidee waddani loogu beddeli karaa? Waxa habboon in aan caatifad lagu boodin ee gunta loogu dhaadhaco dhibaatadu waxay tahay. In dheer garad reer Somaliland ah ayaa maanta ii sheegay inay u habboon tahay in la sameeyo laba midkood: 1- In reer Laas Caanood in ay ogaadaan in ay dani ugu jirto maamulka Somaliland oo dhismaha magaaladooda kala qaygelaya. 2- In afti dadka laga qaado oo hadday doonayaan inay Somaliland ka go'aan loo oggolaado si nabadda gobolku ay u xasisho. Fikraddan wuxuu ku saleeyey keliya in ay tahay mid la eegayo rabitaanka reer Laas Caanood ee Puntland aanay khasab kaga dhigin maamul qabiil ku salaysan. Haddaba akhriste maxay adiga kula tahay? Sidee looga bixi karaa xaaladdan wareegtada ah ee kolba qoladay reer Laas Caanood la jiraan guul sheeganayso? Fikir kaaga soo dhiibo. Haddii uu wax ku ool noqdo waxa hubaal ah inay siyaasiyiinta maamulku ka faa'idaysan doonaan. Ku soo hagaaji contact@hadhwanaagnews.com Hadhwanaagnews Media *************************************************************** Horta dhamaantiin ramadaan kariim, Fikrad ahaan aniga waxay ila tahay in ciidamada qaranka Somaliland ay sugaan nabadgalyada magaalada Laascaanood ilaa inta booliska iyo maamula kale ee dagmadu si fiican u shaqo qalayaan. Arinta labaad ee aan ku darsanlahaa waxay tahahay in ciidamada qaranku hore u socdaan oo aan mardambe Laascaanood la isku dul qabsan ee hadii meel la isku dul qabsanayo ay noqoto Garowe iyo agagaarkeeda. Reer ******teeniyana dagaal iyo hadalba jawaabtooda oo culus waa in wajiga lagaga dhuftaa. Kamaal USA --------------------------------------------------------------------------------------------------- Ugu horayn waxaan salaamayaa daadihiyaasha doodan iyo kaqayb galayaashaba. Xaalada laascaanood waa mid wajiyo badan soo martay, runtiina siyaasad degen ayaa lagu maamulay ilaa lagaadhay xili ay is nacaan ********ta ******teeniya iyo shacabka reer laascaanood inta nasteexa moodaysay ******teeniya oo maanta ishoodu u macalin noqotay kadib markii dhawr sanadood qayrkood laga reebay ee hortoodana lagu laayay wax garadkoodii. Hadaba sida ugu fiican fikir ahaan tayda ee laascaanood maamul adag oo somaliland ah iyo shicib taageersan oo buuxa loogu samayn karaa waa sidan: 1- in marka ugu horaysa lagaadhsiiyo adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, maamulka wasaaradaha oo shaqeeya si dadka indhahooda lootuso wax qabad muuqda oo kaduwan beentii ay ******teeniya usheegi jireen. 2- in wacyi galin lagusameeyo dadka oo idaacad FM ah ladhex dhigo magaalada laascaanood si dadka loogadhsiiyo wararka iyo wax qabadka dawlada Somaliland. dhiiri galina unoqon doonta ciidamada qaranka ee kusii jeeda xuduuda wadanka. 3-in la kordhiyo xubnaha Dawlada Somaliland kujira ee kasoo jeeda Gobolka Sool, isla markaana abaal marino lasiiyo badhasaabka gobolka ee Somaliland Cali sandule iyo abaanduulaha ciidanka Qaran, iyo xildhibaan Dhakool oo kaalin weyn kaqaatay gacan kudhigida laascaanood. 4- Ugu dambayntii, in hore loogasii socdo, oo maamulka lagusii fidiyo guud ahaanba gobolka Sool, oo aanay dicin in dib loogasoo noqdo. Ahmed Ismail Abdi Malaysia ************************************************************************ dhabtu waxay tahay xitaa hadii somaliland qabsato laaska, ineysan marna qaboobeyn .dagaal jiitama oo qiiqiisu indh tiro ilaa iyo togdheer.*********** lagama yaabo inuu isu dhiibo dadka isugu yedha mujaahid, iyagan u yaqaan ******. runtuse waxay tahay iney dagaalamayaan inta wiil ka noolyahay,wyna ogolyihiin in marna guuleystan marna jabaan ,lakiin natiijadu ku dhamaato sidii ay jecelyihiin , xabada hada socotaan *********** kalgac kuma abuurayso ee waxay keenaysaa, dhiiga oo sii qulqula. darwiish cali ********************************************************************************** hadii aan waxoogaa kataabto waxyaabaha haboon: 1. in lagu dhaqaaqo waxaa kamid ah in ciidamada Soomaaliland ay ku sii ruqaan sadaan aagaga hore ee ilaa Garac lagu dhal isla imika inta ay birtu cusubtahay hadiikale waxay qaadandoontaa sanado danbe iyo dagaalo badan oo ragbadani ku dhintaan sida kuwan ama kuwii kahoreeyayba 2. in lagu maamumulo ilaamudo gaaban xukun meletari silooga baaraande go dhisida maamul dadwaynuhu kukalsoonyahay hogaankooda 3. in lagu dhiso maamul ku meelgaadh ah mudo bil gudaheed ah in reer soomali land uguntadaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen reer laas caanood oodhaqaalo daro iyo tacliin la,aan iyo wax qabad las,aani ku habsatay mudadii ay udhaxeeyeen butland iyo soomaaliland ama ay ubadnaayeen dhinaca ******teeniya oo habayaraatee aan waxba uqaban gobolkaas halka ay dhaqaalaha loogu talogalo rag jeebabka ku qaadan jireen. waa qalinkii xirsi axmed geedi u.s.a . colarado ****************************************************************************** waxa aan ka odhan lahaa fikirkayga ku saab san laascaanood, reer laas caanood haday iskuraacaan labada dawladood ee is haya [midkood] taladu meel bay u dhici lahayd ayaan ku dari laaha hadiikalana waligeed dhabaan mayso waxaasi reer laas caanoodna way u darantahay kala jabnaantaasi runtii. Cabdicasiis Maxamed ************************************************************************ salaan dhamaan inta nabada jecel waxaan leeyey xataa hadhwanaagnews in aad ka qayb qaadataan sidii nabada loo ilaalinlahaa mana taagersani cidanka qaranka hadayna reer laas.. ayna rabin fadlan bil barakaysanbaa lagu jiraa ilaali qalinkaaga KH m a Hargeysa ********************************************************************************* Waad salaaman tahiin bahda Hadhwanaagnews.com. Salaan dabadeed waxay ila tahay aniga in markale aynu aragno dhiig dad Soomaaliyeed oo muslin ah hadana jooga bil ramadaan lagu qubayo si macno dari ah. Waxaa kasii daran in ay reer laascaanood ayagu bixinayaan qiimaha ugu badan ee meeshaas ka dhaca. Waan la soconaa in Maamulada S/land iyo P/land labadaba Addis laga xukumo oo aanay u madax banaaneyn talabaday qaadi lahaayeen. Waxaadna moodaa inay sugayaan inta Addis amar laga soo siinayo kaasoo go'aamiya waxa laascaano laga yeelayo. Hadaba waxaan ku talin lahaa in aan Addis amar laga sugin ee Illaahay laga baqo, dadka loo naxariisto, nabad magaalada lagu soo dabaalo oo xabad joojin la sameeyo, ugu dambayna dadka reer laascaano inta la heshiisiiyo ayaga la weydiiyo siday wax u rabaan. Ahmedeey Toronto, Canada ******************************************************************************** Salaan wacan Masuuliyinta Hadhwanaag oo ah xiligan tan ugu tayadda roon Webebka Somaliland. Hadii aan ku darsadoo dooda laas-caannood wx yar,waxaay ila tahay:- 1-Degmaddu waa Soomaliland oo muran kama joogo. Dal ahaan,dad ahaan, dhaqan ahaan iyo Jogoraafi ahaan intaba. Waa Bulsho muddo dheer ay ka dhexeeyeen dadka Somaliland,wada noolaansho,Guur iyo is-dhalid soo jireen ah oo isku dhafmay. Waa Bulshu dhaqan iyo dabeecad ahaan isku mid ah oo aan la kala sooci karin,iskana xiga Beelaha kale ee soomaaliyeed oo dhan. Taasi awgeed, Beesha laas-caanood danteedu waxaa ay ku jirtaa in ay si dhamaystiran uga mid noqdaan,waxna la qaybsadaan Walaalahood somaliland oo weligood aanay meel kala tegi doonnin,kalana maarmin dhinac kasta oo aad ka eegto,Siyaasadda, dhaqan, iyo dhaqaale intaba. 2-Haddaba, dhibaatada soo jiitantay ee Laas-caanood, waa fikir ay Hogaaminyaa Rag Siyaasiyiin ah oo huwiyey shaadh qabyaaladeed ama *****yeysam. Waa Niman u badan ********** oo doonayaa in ay Degmadda ama Deegaanka Beesha ku qurxiyaan Maamul goboleedka Puntland,balse aan u jeedin dan Beesha Dhulbahanta. Waayo *********** cidi kuma haysato Haybta *****nimo,horena way u ahaayeen,dibnna way ka haan doontaan. 3-Xalana waxaan u arkaa in *********** yeesho wada tashi qoto dheer leh,xaqiiqadana u noqdaan. Beesha *********** waxa ay ka mid yihiin Beelaha leh Hogaan-dhaqameedyadda faca wayn ,isla markaas lagu yaaqaano is-maqal iyo kala damayn soo jireen ah. Taasi awgeed,in ay si wayn u lafo-guraan arrinta Beel ahaan, Odayaal,Aqoonyahan iyo waxgarad intaba ayaa lagama maarmaan ah, iyaka oo ka taxadiraya Siyaasiyiinta Kuraasi doonka keliya ah, Xaaladda taagana abuuray iyaka oo danhooda gaarka ah leh. Kuwaasi oo hadafkoodu aanu marnaba ka turjimaynin danta guud ee Beesha,balse u soo jiidi kara dhibaato iyo burbur aan loo baahnayn in dadwaynaha iyo degaanka ay xiligan u curtaan. salama calaykum. Mohamed Adan Omer U.S.A. ****************************************************************************** Waan idin salaamay dhamantiinba Hadhwanaag marka xigta waxan ahyn wiil ku nool miami florida Rayigayguna waxuu yahay in maanta dadka reer laascaanood ay doonayan maamulka jamhuuriyada somaliland. Waxaanan odhan lahaa somaliland dadkaa idin doonaya ee macaal dagaalka idinla galay wanaajiya oo magaaladooda laascaanood macaal wax kala qabta haday noqoto dhismaha iyo wax barashada iyo caafimaadka. Waxaanan dadka reer laascaanood leeyahay maanta ka baxdeen gumaysigii xumaa ee puqland ee laydunku hayay ee macaal hooyinka yar yar ee danyarta ah cashuur xooga lagaga qaadi jiray hadaba maanta laascaanood people idinka ayay dantiini gacmaha ku jirtaa waaxay ugu jirtaa hadaydaan dhakhso jamhuuriyada somaliland u dooran oo aaminin adigaa cirka roob ku og. Waxay soomalidu ku maah maahda: DAMEERAHA ADARI NINKA DALBADAA ISAGAA RAACA waxaan uga jeedaa hadaad hadana sidiinii isku mulaaqnaataan, it is yours problem not somaliland problem. Waa dhibaatadada maaha somaliland dhibaatadeeda ee walaalayaal fakara oo dadkiina somaliland u hiiliya maantaba waakuwaa cadowgii idinka riday ee ogaada halka ay xaaladiinu taagan tahay. Marka xigta waxaan u soo mahad naqayaa dhaman ciidamadayada aan ku indho doogsano ee walaladayada ah ee raganimada iyo cad goosashadaba yaqaana ee ah SOMALILAND TROOPS I LOVE AYAAN LEEYAHAY. Dadka reer somaliland meel kasta oo ay joogana ramadaan kariim marka xigtana dadka somaliyeed ayaan leeyahay ramadaan kariim hadhwanaagna waa webka kaliya ee walahi aan akhristo wakhti kasta waxaan leeyahay thank u for every thing. SOMALILAND KEEP YOUR PEACE SAVE GOD BLESS SOMALILAND Abdihakim Hassan Ali ******************************************************************************** Dagaalka Laascaanood maaha mid cusub oo maanta bilaabmay anigu sidaan qabo muddo badan baa labada maamul ee Somaliland iyo Putland isku goollaaftamayeen, magaalada Laascaanoodna gaataadhablaynaysay oy rimanayd maanta se ra-yi la dhiibtaa waa meel soke oo (lugtii jeeni dhaaftay) ,ee tallo baa loo baahanyahay dhinac walba ha noqotee, talladaasina waa mid u taala dadka reer Sool ee Somalilandna dhaqan iyo dhul la wadaga, dhinaca kalee Putlana dhalasho la wadaga, waayo? iyagaa go-aanka iska leh oo ciday raacaan ama dhinacay u bataan uun bay soconaysaa teedu. Hadaba tallo iskuma kaa sheegto baa hore loo yidhee mid waxan leeyahay Reer Sool, midna waxan leeyahay Somaliland. Midna waxaan leeyahay Putland. Midaan leeyahay reer sool waxa weeyaan Tallo idinkay idinka go-daaye khayriyada is keena oo dhaha anba Somaliland baan nahay ama Puntland baanu nahay si meeluun la idiinku soo hagaago ama la idiinku tiriyo oo ragu u kala badbaado idina aan nabad iyo kalsooni u heshaan oon la idiinsoo xidhan ama gashana shaadhkaa laba sawir leh ee miduun raaca la idiinku taaglayahay ee marba midi idiinku soo marmarsiyoonayo oo xiisad coladeed ama xurgufo coladeed oo lagu kala adkaan ka dhexwadaan. Markaa af muslim iyo afgaalaad miduun ha loogu yimado reer Sool si ay nabad iyo deganaansho u helaan. Midda labaad Somaliland baan leeyahay. waxanay tahay Reer sool mar walba tixgaliya tallada dadka reer sool oo aayahooda iyo waxay doonayaan uun baa soconaya ee ku xaliya xadka iyo xuduudaan sheeganaysaan waji kale oo aan ahayn xoog. arinta gobolka Soolna waxa lagu xalin karaa hab iyo waji siyaasadeed oo lagu qanciyo dadka taladu ka go-de ee gobolkaas degan... (oodina ab ka dhaw baa yidhi)...ogow Somalindney in marwalba adiga ay tahay miday saamaynayso arinta sool macaan iyo qadhaadh la wada dhadhaminayo eenay ku koobnaanayn Laascaanood kaliya.. Midda ugu danbaysana waxaan leeyahay Maamulka Puntland.. Horaa loo yidhi fiqi cigaal tolkii kama janno tagee yaanay ku qaadin cadifad qabiil oo dhiigu ku kicine, wax waydii walaalahaa Reer sool waxay ka yeelayaan ama go-aankay qaadanayaan ka hor intaanad soo horkicin ama ka dhinac safan, waayo iyagaa tallo ka go-daaye .. Go-AANKA GOBOLKA SOOLNA WAXA ISKA LEH DADKA REER SOOL.. PEACE AND LOVE Qalinkii : Mustafe (shaash)..DK ********************************************************************************* SALAAMU CALAYKU DHAMANTIINBA WALAALAYAAL SALAAN GAARA WAXAAN SALAAMAY BAHDA HADHWANAAG IYO SIDA AY NOOGU SOO GUDBIYAAN WARARKA S/LAND. HADAAN HOOS UGU DAADEGO DHIBAATADA LAASCAANOOD WAXAAN QABAA WAA LABA SHAY OO AANAY REER S/LAND MARNABA IS WAYDIIN WAAYO AQOONTEEDA MALAHA MANA LAGA WARAYSATO DADKA RUUG CADAAGA U AH SOOL. TAN KOOWAAD: WAA DHAQAALE XUMO AY REER SOOL AY DHEER YIHIIN MAGAALOOYINKA AY DERIS YIHIIN HA AHAATO PUTLAND AMA S/LAND. TAN LABAADNA: WAA DADKA REER SOOL OO BAAHI U QABA IN DAWLADA S/LAND DIB UGU SOO IIBISO TAALADII SAYID MAXAMED CABDULE XASAN EE XAMAR LAGA BILIQAYSATAY LOOGANA TAAGO MAGAALADA HARGAYSA TAASNA DAWLADU MARABTO AMA DHAQAALE UMA HAYSO AMA AQOONTAAS MA HAYSO. WAXAAN QABAA HADII SOOL LA DOONAYO INAY KA MID NOQOTO S/LAND WAA IN WAX AY KU SOO HIRTAAN DADKA SOOL LA KEENAA, SACIID BINU SICIID STOCKHOLM SWEDAN ********************************************************************************* marka hore waad salaamantahiin jaalayaaal. ka dibwaxaan idinka codsanyaa in aydaan kalmada jaale darteed u diidin maqaalkeyd. jaale waa kalmad afsoomli ah oo macanheedu yaheysaxib. ok waxaan anigu ra'yigeyga oronlhaa waa in marak hore la xanuujiyaa maleejiyad ******teeniya lagun dhaweeya xaduuda ay leeyahiin waan in hubka lag dhigaa maleeshiyad kale ee reer sool si loo sugo amaank magaalda, macanah dowldinomo maah in kolba reer la shiro ee waa in runta loo shegaa dadka ooy u ogaansamaan dowlda iyo kal danbeynt . waxaan ku soogabgabeynyaa in lagu daaalo in aan mgaalda loo gacan galin maleeshiyo qabiileysan ee waa in inta ciidanka looo tab barayo ay amaankeeda la wareegaan ciidaka somlilanda oo dusha ka eegya. waana in lagu dadaal sidii dhaberka loga jabin lahaa ciidamda u daacada ah col. cabdilahi yusuf axmed. waadsalaamantahiin. By Tahir hussein.(Tahir holland) ********************************************************************************8 Aniga oo ka qaybqaadanaya dooda laascaanood waxaan halkan kaga hadalayaa figradayda. waxa mudo muranka taagnaa gobolka sool kaas oo u dhaxeeyay s/land iyo maamul goboleedka p/land.bahaba waxa muranka keenay oo ah s/land oo ku doodaysa in laascaanood ay tahay gobolka mida lixda gobol ee s/land. ayaa p/land na ku doodaysaa inay dadka sool yihiin dad ay isku hayb yihiin oo aanay aqoonsanayn xuduuda s/land sheeganayso. Hadaba siloo gaadho xal waa in lakala saaraa haybta iyo xuduuda. dadka sool kunoola ay fahmaan inaan haybta iyo xuduudu ahayn laba wax oo laysku qaldi karo. xuduudaha jiraa waa kuwii la sameeyay wakhtigii ingriisku dhulka joogay xududahaas oo ah kuwa aynu u aqoonsanahay wadamada aynu jaarka nahay sida ethiopia iyo jabuuti oo lbadaba ayanu xuduudla wadaagno. Koonfurta waxaa xadka dhexeeya kenya oo xuduudkaana waxaa sameeyay ingiriiska.markaa sida wadamada jaarka inala ah xuduudooda aynaan ugu xadgudbi karin waa in p/land ay ka fogaataa inay ku soo xad gudubto xuduuda s/land oo aanay hayb ahaan dhul ku raadin. sidaynu ogsoonahay waxaa gudaha ethiopia ku nool qabaa il badan oo asal ahaan ah reer s/land ku weaa miyaynu odhan karaa s/land ayaa laydinka xakumaa? jawaabtu waa maya. Markaa p/land haku qanacsanaato in aan hayb dhul lagu raadin ee xaduudo lagu xisaabtamo.qabiil kasta oo ah dadka af somaaliga ku hadlaa waxay ku kala nool yihiin ethiopia iyo kenya iyo jabuuti.markaa haday sool s/land kamidtahay p/land yaanay dhul ku raadin anagaa isku hayba.s/landna waa inay dadka reer sool ku qancisaa inay ka midyihiin walaalahooda kale ee s/land. wasalaama calaykum. Ali Yusuf, UK ******************************************************************************** SALAAMA CALAYKUM Waxaan doonayaa in aan wax yar oo fikradayda ah ka dhiibto arinta Laascaanood iyo dagaalka ka socda, horta marka hore aad baan uga xumahay in ay arintani saamayn ku yeelato Somaliland waayo reer Laascaanood mar horay iska keen diideen oo ay yidhaahdeen anagu ******* baanu nahay oo reer Somaliland shaqo kuma lihi, marka laga reebo in yar oo fara ku tirisa, taasna inagu reer Somaliland ahaan waynu ixtiraamnay (we respected it) oo wax dagaal ah maynaan ku qaadin waayo, hadii ay taasi noqotay rabitaankii dad waynaha reer Laascaanood waxaynu nidhi sidaa ha loo yeelo oo yaan waxba lagu duulin. Hadaba maanta markii uu mid iyaga ka mid ahi afgaran waayey Puntland in aynu soo dhawayno ama aynu dagaalka uu kula jiro ka qayb qaadano oo rageenu ku dhintaan runtii anigu waxaan u arkaa wax aan loo baahnayn. Waayo waxaan ogahay in reer Laascaanood ay beri odhanayaan Somaliland waa **** oo ******* baanu raacaynaa, iminkadaana koley qaar badan baa la socda Puntland. Marka sida uu ninka odayga ah eed waraysateen sheegay waa in afti iyaga laga qaado oo ay sheegaan ciday doonayaan inay raacaan waayo rageenu uma dhimanayaan gar iyo magla'aan. Hubkeenana waynu u baahanay in aynu iskaga difaacno cadoyga badan ee Somaliland leedahay Allah wakiil Saado Xasan Ottawa ********************************************************************************* Marka hore dhamaantiinba Ramadaan Kariim, Ugu horayn waxaan fikrad ahaan qabaa in ciidamada qaranka Somaliland ay sugaan nabadgalyada oo ay gacanta ku hayaan magaalada Laascaanood ilaa inta boliiska iyo maamulka kale ee dagmadu si fiican u shaqo galayaan. Arintakale ee aan fikrad ahaan soo jeedinayaa waxay tahay in ciidamada qaranka Somaliland ay hore ugu gudbaan Nugaal oo aan mardambe Laascaanood la isku dul qabsan balse hadii meel la isku dulqabsanayo in Garoowe dusheeda ay ka dhacdo. Ugu dambayntiina waxay ila tahay in reer ******teeniya waajibkooda la mariyo oo hadal iyo dagaalba jawaabtooda oo culus wajiga lagaga dhufto Kamaal USA Quote Share this post Link to post Share on other sites