Abdi2005 Posted December 21, 2006 Dagaallo khasaaro badan gaystay ayaa weli waxay ka socdaan duleedka Baydhabo ayadoo ciidamada dawlada oo ay taageerayaan Itoobiyaanka iyo ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ay hataan si aan kala go’ lahayn ugu dagaalamayaan bariga magaalada Baydhabo , gaar ahaan deegaanka u dhaxeeya Baydhabo iyo Moodamoode. Magaalada Baydhabo daafaheeda Bari waxaa si wayn looga maqlayaa guuxa madaafiicda culus oo ay labada ciidan isku garaacayaan. Waxaa la arkayaa dayuuradaha quamaatiga u kaca [helicopters] ee ay leeyihiin ciidamada Itoobiyaanka oo dhaawacyo ka soo daadguraynaya jiida hore ee daagaalka oo ku degaya dhawr goobood oo uu ka mid yahay garoonka dayuuradaha ee Baydhabo. Degmada Buurhakaba waxaa lagu dawaynayaa oo loo qaadayaa dhaawacyada ciidamada Maxaakiimta Islaamiga . Dhinaca Iidaale ee xigta Diinsoor waxaa sidoo kale ka socda dagaal qaraar. Dagaalkan dib u bilowday oo socda maalintii labaad ayaa waxaa uu u muuqdaa mid aan waxba la isula harin. http://baidoa.wordpress.com/ Quote Share this post Link to post Share on other sites