General Duke Posted September 20, 2010 Sawtan Boorama wanjalka yaalaa ka badan kii Jigjiga. Ninkii Ina Rayaale iyo qaarbadan oo ka mid ah wasiiradiisii waxa la yidhi waxay Fadhiisteen oo ay ka soo jeesteen Adis ababa, Madaxwayne ku xigeenkii dhamaa ee Saylici-na intuu doraad Hargeysa ka ambabaxay oo uu yidhi waxa aan Xalilayaa arimihii Boorama, ayuu Abaarso ka soo noqday oo uu yidhi Reer Rayaale ayaa Taayiro Holcaya qoorta ii sudhi hadii aan meesha tagi lahaa. Horta waxay ahayd in Rayaale uu dalkiisa iska sii yara joogo oo isaga iyo wasiiradiisu aanay dibada isku daba yaacin. Waa yaabe hadaba iyaguna maxay u haraadanaayeen? Ninkan Saylici-na may ahayn in uu dadkii oo dhan u madax noqday; waxa is badalayna uu yahay maamulkii balse aanay ahayd dawladnimadii Somaliland. Mida kale Gobolkiisan la soo dhexmaray Saylici miyaanu ahayn ninkii wada badalay Ina Xudhuun mooyaane dhamaan Taliyayaashii Booliska, Milatariga, Ilaalada Xeebaha iyo Xataa Kantaroolada? Waa maxay cida kale ee uu wax ku eedaynayaa, ma cidbaa dalka la haysatey markay wax dhacayeen? Quote Share this post Link to post Share on other sites