Emperor Posted May 15, 2008 Wasiirka Gaashaandhiga Wadanka Burundi Niyoyonka oo shir jaraa,id ku qabtay Muqdisho Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhiga ee dalka Burundi ayaa maanta waxaa uu shir jara,id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uuna sheegay in uu soo dhaweynayo shirka ka socda dalka Jabuuti. Wasiirka Gaashaandhiga Burundi Jirmiim Niyoyonkana ayaa waxaa uu rajo ka muujiyey kulanka hada la isku mari la,yahay ee ka socda jabuuti waxa uuna sheegay in soomalida oo dhan ay sugayso. Mr.Jirmiim Niyoyonkana ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada amaanka ee muqdisho waxa uuna sheegay in ay sidii hore dhaanto waxa uuna xusay qaraxii lala beegsaday ciidankiisa ku suganaa Jaamacadii hore ee Ummada waxa uuna ku tilmaamay mid fulaynimo iyo ceeb ah. Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in xaalada amaanka ee Muqdisho ay wax ka qaban doonaan inta karaankoda ah isaga oo xusay in ciidanka AMISOM aysan helin wax taageero ah. Waxaa uu wasiirku kulan la qaatay galabta Raisulwasaaraha DFKM Nuur Xassan Xusen . A/Cawale Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted May 15, 2008 useless *******s, should send more battalions rather then DF. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 15, 2008 Wasiirka gaashaandhiga dalka Brundi oo maanta shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay kaga hadlay hanaanka dib u heshiisiinta dalka iyo in ay kor dhinayaan ciidamada ka jooga Soomaaliya. Dowlada burundi ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in ay natiijo dhaxal gal ahi ka soo baxdo kulamada dib uheshiisiinta ah ee haatan uga soconaya wakiilada dowlada federalka iyo mucaaradka wadanka jabuti. Dowlada burundi ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in ay natiijo dhaxal gal ahi ka soo baxdo kulamada dib uheshiisiinta ah ee haatan uga soconaya wakiilada dowlada federalka iyo mucaaradka wadanka jabuti. Wasiirka gaashaan dhiga dowlada Burundi oo shir jaraa,id maanta ku qabtay garoonka diyaarada ee magaldada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in xukumadiisu ay si aad ah ugu raja wayntahay xal laga gaaro is af-garan waaga udhexeya dowlada federalka iyo mucaaradka ka soo horjeeda iyadoo loo tiigsanayo wada xaajood yada haatan ka soconaya wadanka jabuti ee ay isku hor fadhiyaan wakiilo labada dhinac ka socda. Mr jirmim niyoyonkana wasiirka daafaca dowlada Burundi oo booqasho saddex maalmood ah ku joogay magaalada muqdisho ayaa shaaca ka qaaday ka hor inta usan ka baqoolin garoonka diyaarada muqdisho in intii uu ku sugnaa muqdisho uu kulamo la qaatay dowlada fedralka mas,uuliyiinta ugu sareysa sida madaxweynaha iyo ra,isul wasaaraha isagoo kala hadlay sidii loo hor marin lahaa dib uheshiisiinta iyo in la dhameyo xaaldaha ka jira dalka Somalia. Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay in ciidamda dowlada Burundi iyo kuwa amisom ee ka how gala dalka Somalia ay yihiin kuwo u adeegaya shacabka somaliyed isagoo sheegay in ay aad uga xun yihiin hadii ay dowlada Burundi yihiin weerarkii ugu dambeyay ee lala beegsaday ciidamadooda oo marayay agagaarka jaamacada umada ee magaalada muqdisho. “waa talaabo fulaynimo ah in la beegsado ciidamo u adegayo shacabka somaliyeed” sidaana waxaa yiri wasiirka gaashaan dhiga dowlada Burundi mr niyoyonkana . sidoo kale waxa uu wasiirka ka hadlay dadaalada ay afrikanka sameynayaan ee ku aadan dib uheshiisiinta Somalia isagoo sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo gacan siin lahaa dowlada fedralka Somalia . “shacabka soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay udhaqaaqaan dib uheshiisiin dhexdooda ah si loo dhameyo dhibaatada ka jirta dalka taas ayaana ah furaha kaliya ee xalinta musiibada bani,aadanimo ee ka jirta Somalia”ayuu mar kale yiri wasiirka daafaca dowlada Burundi . si kastaba ha ahaate wasiirka gaashaan dhiga dowlada burundi ayaa waxa uu tibaaxay in loo baahan yahay dhamaystir loo helo xiisadaha ka jira dalka Somalia taas oo ay iska kaashanayaan dhinacyada caalamka iyo somalidaba. Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 15, 2008 Don't they have their own war going on :confused: P.S. I gotta to find out who runs Carmooyin.I don't know if it could be called news site Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 15, 2008 Naxar he's sweeping the road for that, more Burundi peace keeping forces are expected but also he's lobbying for other AU and UN forces... It is good to have such high profile (defense minister) delegation in Mogadishu from the AU states other than Ethiopia... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 15, 2008 Che, what about the Halgan that's the source of the first post, I like to post two or three articles of the same news to just cover all the dimensions... If you need more sources and website let me know because this story is published by almost every Somali website... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 15, 2008 Wasiirka Gaashaandhiga Burundi Oo Maanta Ka Dhoofay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Somalia Waxaa Maanta Gadida Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho Ka Dhoofay Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Burundi oo mudo Sadex Maalmood ku sugnaa Magaaladaas isagoona kulamo La Qaatay Madaxda Dowlada Soomaalia, Wasiirka oo Intuusan Ka Dhoofin Garoonka Caalamigaa ee Aadan Cade International ayaa waxaa uu Qabtay Shir Jaraa,id oo uu kaga Hadlayay Arimo Badan oo Ku Saabsan Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga Dalka Soomaalia ee AMISOM, Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay Inay Ciidamo Dalka Burundi Haatan Ka Joogaan Iyagoona u soo Diray Ciidamadooda Sidii ay Uga Qayb Qaadanlahaayeen Nabadayn Dalka Soomaalia, Waxaa uu Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Wasiirku Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaanajaamacadda Umadda oo ay daganyihiin Ciidamada Dalka Burundi Qasaaro aad u balaarana uu ka soo gaaray, Shirkaan Jaraa,id ee uu qabtay wasiirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda Dolwlada Soomaalia Ugu Saraysa,Madaxweynaha Soomaalia C/llaahi Yusuf Axmed Raysulwasaaraha Nuur Xasan Xueen Nuur Cade,Iyo saraakiisha Sar Sare Ee Ciidamada AMISOM ee Nabad Ilaalinta u jooga Dalka Soomaalia, Kulankaas ka dib ayaa wasiirku waxaa uu u Boqoolay Dalka Burundi ee uu horay uga yimaaday, News Without Borders Saciid C/llaahi Kulmiye Nadaara, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 15, 2008 Dowlada Burundi oo Taageero u Muujisay shirka ka socanaya dalka jabuuti. Muqdisho,(WNT):-Dowlada Burundi ayaa shaaca ka qaaday in ay si weyn u taageersan tahay shirka dib u heshiisiinta ee dowlada iyo mucaaradka uga socanaya dalka jabuuti kaasi oo lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaafka ka dhex taagan. wasiirka Gaashaandhiga dalka Ugandha Dalka Burundi Jirmiim Niyoyonkana oo Maanta Muqdisho soo gaaray ayaa shaaca ka qaaday in ay si weyn u taageersan yihiin shirka ka socanaya dalka jabuuti isla markaana u arkaan mid noqon kara mira dhal kana soo baxa wax dan u ah shacabka soomaaliyeed. Jirmiim Niyoyonkana ayaa intaasi ku daray in loo baahan yahay shacabka soomaaliyeed dhinacooda in ay taageeraan shirkaasi si buu yiri uga baxaan dhibaatada xoogani ee mudada dheer ku soo dhex jireen. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in dadaalada ay wado beesha caalamka ay tahay mid dan u ah shacabka soomaaliyeed sidaa darteedka loo baahan yahay in la taagero nabad ka dhalata dalka ay dagaaladu bur buriyeen ee somalia. Wasiirka gaashaandhiga Burundi Jirmiim Niyoyonkana waxaa kale oo uu ka hadlay qaraxii is miidaaminta ahaa ee dhawaan lagu qaaday goob ciidamada burundi kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho isaga oo sheegay in falkaasi uu ahaa mid aad looga naqo. waxaa uu sheegay in waxa la weeraray ay yihiin ciidamo shacabka soomaaliyeed nabad u raadinaya taasi badalkeedana loo baahnaa in la taageero ee aan la weerarin. Si kastaba hadalka Jirmiim Niyoyonkana ayaa imaanaya xili Ciidamada Burudi ee ku sugan Muqdisho lala beegsaday weerar Ismiidaamin ah kaasi oo gaystay khasaarooyin kala duwan ee soo gaaray ciidamada Burundi. C/kariin Xuseen Guutaale. Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 15, 2008 Happy now or you need more... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted May 15, 2008 Not to be cynic at all but sometimes i think the most inefficient people live in africa, the are gonna get paid, why not just send them instead of wasting time on asking the AU, going to Mogadishu or God knows what other bureaucratic steps must be taken. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 15, 2008 ^Its not as easy as that... takes money and accountability, any government have to careftully plan for such huge task... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 15, 2008 Emperor...I'm not particularly picking on it. Most Somali sites are all more or less the same. Of course, some of their news is factual though their views are very skewed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted May 15, 2008 yes it is Emperor, the money is supposedly set aside fro them a long time ago, their just trying to bilk more money from the donor community with their we need transportation and we need equipment. I wonder if we are getting people rounded up from the jungle or solder who already have what they need. What did they use before being sent. The government should reinstate a draft instead. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 15, 2008 Che, being Somali that shouldn't look anything near strange to you, your take on some issues in some cases are hugely diluted by your baised sight focus, partly because you are Somali... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted May 15, 2008 Naxar some of the money you talk about have been allocated but not necessarily released, some of the donor nations have yet to release enough to keep the AU's car in full tank running Business in Somalia... Quote Share this post Link to post Share on other sites