Sign in to follow this  
General Duke

Sensless clan Conflict in parts of Mudug and Galgaduud: Efforts to end it

Recommended Posts

Fighting in central Somalia kills at least 30

 

 

 

Renewed clan fighting in Somalia killed at least 30 people on Thursday, reports said as the conflict-ridden country inaugurated its new cabinet just a day before.

 

The incident occurred in central Somalia's Gelinsor town in the Galgudud region, near the Ethiopian border. Reports said at least 30 people were killed during two days of fighting, and over 70 were injured.

 

The militiamen used rifles, anti-tank weapons and heavy machine-guns in the fighting, sending thousands of Gelinsor residents fleeing.

 

However, the reason of the fighting is still unclear, and there is no confirmation whether the fighting has something to do with the inauguration of the country's new cabinet Wednesday in Kenyan capital Nairobi.

 

The ceremony Wednesday saw Somali Prime Minister Ali Mohammed Ghedi announcing most of his 31-member cabinet, saying he had named a government of reconciliation which he urged to work as a team.

 

"Our people must unite and reconcile for the benefit of peace in Somalia," he said, calling the new cabinet "the group that will resurrect Somalia from the ashes."

 

Somalia has been without an effective central government since 1991 when the regime of Muhammad Siad Barre was toppled, following which the country plunged into anarchy and factional violence.

 

Since the breakdown of the Somali central government, conflict and famine have killed hundreds of thousands of people in the country.

 

Somali National Reconciliation Conference began in October 2002 in Kenya, and Somali Transitional President Abdullahi Yusuf Ahmed was inaugurated on Oct. 14 in Nairobi, while the prime minister was appointed on Nov. 3.

 

However, analysts here say the biggest task facing the government is to disarm thousands of gunmen, some loyal to faction leaders opposed to the peace process, others free-lance bandits, and to return security to the devastated nation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DFKMG ah oo baaq ka soo saartay Dagaallada ka socda Gobolka Galgaduud

 

Nairobi(Allpuntland)-Shir deg deg ah oo Golaha Wasiradu ka yeesheen dagaalka sokeeye ee ka soo cusboonaaday Gobolka Galgaduud ayay waxay ku muujiyeen inay aad uga xun yihiin dhiigga dadka walaalaha ah ee daadanaya xillagan lagu jiro dib u heshiisiin iyo dhisamaha dawlad Qaran.

 

Golaha Wasiiradu waxa ay ku baaqayaan in dagaalka la joojiyo wixii khilaafaad ahna lagu xaliyo nabad iyo wada xaajood.

 

Golaha Wasiiradu waxa ay ugu baaqayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan hirgalinta nabadda iyo ka hortagga colaadaha ummadda walaalaha ah.

 

Ali Mohamed Faqi

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta

Share this post


Link to post
Share on other sites

SHIR BALLAARAN OO LOOGA HADLAYEY DAGAALADA MUDUG IYO GALGADUUD OO NAYROOBI KA DHACAY (Maxaa ka soo baxay kulankaas, mise jirtaa in ciidamo loo diyaariyey…)

 

caato.JPG

 

NAYROOBI, Axad 05/12/04

Shir ballaaran oo looga hadlayey dagaalada ka soconaya qeybo ka mid ah Mudug iyo Galgaduud isla markaana ay ka soo qeybgaleen siyaasiyiinta ****** iyo madaxda dowladda Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa xalay Nayroobi ka dhacay.

Kulankaan ayaa looga hadlay sida loo joojin karo dagaalkaas iyo in gurmad loo galo kala dhexgelidda beelaha ku dagaalamaya deegaanadaas, waxaana ka soo baxay go’aamo arrintaas ku saabsan.

Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo ah wasiirka howlaha guud iyo guriyeenta xalayna u waramayay Idaacada Banaadir ayaa sheegay in la go’aansaday in ciidamo ka ambabaxaya Galgaduud, Hiiraan iyo Muqdisho la kala dhex dhigayo qeybaha dagaalamaya isagoo sidoo kale sheegay in mas’uuliyiinta labada beelood ee Dirirtu ka dhaxayso ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin, isla markaana ay u sii gudbayaan goobaha dagaalku ka dhacayo.

Xildhibaan Max’ed Sheekh Max’ud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa isaguna sheegay in wada hadal ay yeesheen beelaha ay quseyso arrintaan iyo xubnaha dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay in la go’aansaday in la kala dhexgalo dhinacyada dagaalamaya.

(QARAN PRESS)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Mar Kale Ka Billowday Deegaamo Ka Tirsan Galgaduud iyo Mudug

 

Dagaalkan oo socday dhowrkii maalmood ee ina soo dhaafay ayaa xalay saqdii dhexe la soo sheegayaa in uu dagaalkaasi dib uga bilowday deegaamo ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay ka mid yihiin Docolay, Qaydaro iyo degmada Hobyo oo ka tirsan gobolka Mudug.

 

Dagaalka maanta ayaan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, haseyeeshee waxaa la xaqiijinayaa in colaada u dhexeysa Labada beelood ee dagaalamaya ay gaartay meel sare la isuna adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Dhaawacii ka dhashay dagaaladii dhowaan beelahaas ku dhex maray meelo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa qayb ka mid ah la soo dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo halkaasoo lagu daaweynayo.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan dhaawac tira badan oo weli yaalla goobihii lagu dagaallamay. Waxaa jira warar sheegaya in dagaalkii ka dhacay xalay ilaa saaka barqadii deegaanka gallin soor in ka badan 11 qof ay ku dhaawacmeen waxaana la xaqiijiyay in gallinsoor gabi ahaan ay haatan gubatay oo dagaalka hub culculus la isugu adeegsaday

 

waxaa jira baaqyo iska soo daba dhacaya oo dhinacyada is haya ku boorinaya in ay dirirta si shuruud la’aan ah u joojiyaan si xabbada wada hadal iyo walaaltinimo loogu baddalo.

 

waxaa muuqanaysa in labada dhinac ee dirirtu khusayso aanay u dhag raaricinaynin baaqyada kaga imaanaya dhinacyada kala duwan ee bulshada oo culimmo iyo caamiga ka xumaaday dagaal mindhiireedka dadkaasi walaalaha ah i isku xasuuqayaan.

 

warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shalay galab in ka badan 15 tikniko ah oo raacsan mid ka mid ah beelaha dagaallamaya ay ka bexeen magaalada muqdisho kuwaas oo sida dadka dhulka yaqaannaahi sheegayaan galabta ku beegan goobaha dirirta ugu kululi ka jirto

 

C/laahi khadar, Goobjoog, Muqdisho

budbud33@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this