Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Isbaaro 2.0

Recommended Posts

"Ma howl joojin, mise howlgal ciidan"

 

Muqdisho - Subaxnimadii hore ee shalay dhammaan waddooyinka soo gala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa soo buux dhaafiyey Kumanaan Kun oo ka tirsan ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya waxaana ay howlgal ka sameeyeen gebi ahaanba suuqa oo ay daqiiqado kadib markii ay soo galeen ganacsigii uu gebi ahaanba istaagay iyadoo dadkii suuqa ku jirayna ay noqdeen wax cararay, wax la qabqabtay iyo kuwo si dirqi ah ku baxsaday.

 

Holwgalkan oo aan la sii shaacin si kedis ahna ku bilowday qaab ahaan bilowgii wuu u ekaa howl si taxadar ah looga soo shaqeeyay, isla markaasna shabahayay howlgal ciidan, hase ahaatee waxyar kadib markii ay gudaha suuqa u galeen ciidamada gaar ahaan kuwa dowladda waxaa qadkii ka leexday qorshihii howlgalka waxaana
askartii dowladda Soomaalida ee ka qeyb qaadanaysay howlgalkaasi ay bilaabeen ridista rasaas aad u xoog badan oo qof kasta oo ay u jeedaan la beegsanayaan waxayna qabqabteen dad ka badan 500 qof oo goob qura la isugu keenay intooda badan, kuwaas oo si aan kala sooc lahayn loo qabanayay qofkii la arko
.

 

Dad galay Hoteello, kuwo guryahoodii hoosta ka xirtay iyo guryo maranba waa la galay
waxaana bilowday farateysi iyo in qofkii la qabtaba wixii jeebka ugu jira laga qaato
.

 

Haddaba howlgalkaasi muxuu huwanaa?

 

Qaar ka mid ah dadka ayaa ku fasiray in dowladdu ay awooddeeda ku tuseysay shacabka si ay meesha uga saarto hadallada kulul ee ka soo yeeraya kooxda ku shireysa Casmara isla markaasna loo arko in ciidamada dowladdu ay leeyihiin awood oo sidaasi dhoolatus loogu dhigay.

 

Inkastoo dad badan la farateystay lagana qaatay Mobaylo iyo Lacag
haddana inta badan dadkii la qabtay 90% waa la soo daayay, laakiin howlgalku si dhab ah ayuu uga weekday jihadii saxda ahayd waxaana uu afka saaray waddo qardo-jeex ah waayo qof la tuhmayo iyo qof aan la tuhmeyn waa loo sinaa oo isku si ayaa loo qabanayay, loona handadayay, sidoo kale xitaa qofkii aan dembi lagu heysan looma ogolayn in uu ganacsigiisa sii wadan karo, sidoo kalena lama arkayn cid ka badbaaday howlgalkaas oo gebi ahaanba suuqa saameeyay, markaa haddii howlgalku ujeeddadiisu ahaa in shalay mid taag daran iyo mid wax heysta aanay ganacsan haa howlgalku waa fulay oo saxar dhaqaaqa waa laga waayay gudihii Suuqa, mase aha wax ku cusub dadka ku ganacsada Suuqyada Muqdisho, waayo marar badan ayaa la arkay askarta oo ku jirta gudaha Suuqa iyo dadkii soo geli lahaa suuqa oo laga celinayo tiiyoo aan la arag goobo la fatashayo ama dad la qabanayo, markaas oo lagu fakari karo ma howl joogsi baa mise waa howlgal ciidan.

 

Waxaan ahayn afar nin oo isku hal qol ku jiray markii shalay howlgalku bilowday, waxayna dantu nagu qasabtay in ilaa intii uu howlgalkaasi dhammaanayay abaarihii 3:00 galabnimo ee shalay aynu jilbaha garka ku heyno inagoo kuudadna qol aysan oolin wax googol ah marka laga reerbo alwaax ganacsi loogu talo galay oo qaarkeen milkiilihii Bakhaarkaasi shaxaad u soo doontay, qaar kalena ay salaan u soo mareen si ay meheradahooda uga sii aadaan, hase ahaatee nasiibdarro shaxaadna lama helin, meheradna lama furin, waxaana ku xareysnayn muddo qiyaastii 7 saacadood ku dhow qolkaas oo aan isku xirnay markii aan aragnay xabbad dhacaysa iyo dad yaacaya oo na soo galay si aan xabbadda ugu gabannana aan ku qasbanaanay in aan qolka hoos ka xiranno.

 

Askarta oo muddo badan na hor taagnayd iyo inaga oo baqaynay waxa ay sababtay in qaar ka mid ah raggii aynu kuwada jirnay goobta ay dhul shamiindo ah baakado ku gogladeen kadibna ku gam’een.

 

Waxyaabihii layaabka lahaa ee howlgalkaasi ka mid ahaa waxaa laga xusi karaa guryo laga maqnaa qaarkoodna laga qaxsay oo askartu ay garaaceen albaabadooda kadib markii laga furi waayay ay doonteen Jaranjar ay ku koraan
iyagoo kuwo kale albaabkooda xabbado shaandho kaga dhigay markii laga furi waayay
.

 

Waxaa jiray rag naxariis leh sida aan maqlayay oo askarta ka mid ahaa kadib markii haween iyo carruur u ogolaaday inay waddada gudbaan oo go’doonka ay galeen ka baxaan
hase ahaatee markii uu u tilmaamay waddo ay maraan ayaa waxyar kadib waxaa xabbad ku soo riday askari dhinaca kale ka joogay waddada oo kolba naxariis darnaa, kuwo kale insaannimada ayaa ka guurtay waxaana arkay iyagoo haween baaraya oo aan gacanta kala xishoonayn, waxayna tiri mid ka mid ah inta qeylisay 100-kaas Kun ayaan heystaa oo biil aan Ilmaha uga dhiganayo iyadoo codka dheereynaysa, hase ahaatee isagu wuxuu oranayay soo saar hubka aad waddid waxayna ku dhawaaqaysay hub ma wato ee waxaan wataa lacagtaas
, ma ogi inuu ka qaaday lacagtaas laakiin rag badan oo markii howlgalku dhammaaday aan
is wareysanay ayaa ii xaqiijiyey in lacago iyo Mobaylo u badbaadin, welibana rag kale oo aan aqaano ii sheegay in laga qaatay
.

 

Askartu isku mid ma ahayn, way jireen qaar aan waxba qaadanaynin, hase ahaatee
kooxo labo labo iyo saddex saddex u socda oo askarta ka mid ahaa oo howlgalka dhinac uga leexday ayaa farateysiga koow ka ahaa
, waxaana u maleeyay in koontarool la’aan xagga taliyeyaasha ciidanka ah ay taas sabab u ahayd, haddii aanay heshiis kula ahayn falka ay samaynayaan waxaa hubanti ah in Taliyaha ciidanku uu ogaan karo ugu yaraan marka uu qiyaaso goobta wax lagu dhacay iyo ciidanka goobtaasi ka howl galayay raga sheekadaasi fuliyey.

 

Ma muuqato inuu jiro dabagal lagu koontaroolayo ciidamada howlgalka sameeya waxaana hadda qaati laga taagan yahay, howlgallada oo qofka maqla ay ku soo degdegeyso inaysan jirin hub iyo saanad la baarayo balse ay qaar ka mid ah askartu baarayaan jeebabka dadka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta [siteember 24] baaritaan ku saameeyey xarunta Jaamacada Muqdisho oo ku taala inta u dhexeysa qabuuraha Barakaat iyo iyo Isgoyska Carafaat ee wadada warshadaha xilli ay halkaasi waxbarasho uga socotay arday aad u fara badan oo duruus kala duwan halkaasi ku qaadaneysay.

 

Ciidamada DF oo iyagu ku hormaray gelitaanka gudaha Jaamacada Muqdisho ayaa galay fasalada iyo qeybaha kala duwan ee Jaamacadaasi ay ka kooban tahay oo xiligaasi ay ku sugnaayeen arday aad u fara badan iyo xubno ka tirsan maamulka Jaamacadaasi, waxayna ciidamada oo circa u ridayey rasaas argagax gelisay ardayda jaamacadaasi ee gudaha ku jirtay oo waxbarashadoodii ay hakad gashay maanta intii uu howlgalkaasi socday, waxayna amar ku bixinayeen in loo furo meel walba oo xiran taasoo keentay in la jebiyo qolal ka mid ah xarunta Jaamacadaasi oo xirnaa furayaashoodana ay hayeen xubno xiligaasi ka maqnaa oo ka tirsan maamulka Jaamacadda.

 

Ciidamada DF ayaa ardayda Jaamacadaasi ku sugneyd ka urursaday telefoono mobile ah oo ay heysteen iyo qalab kale, kuwaasoo ay ka buuxsadeen kiishash ay wateen, waxaana arinta la yaabka leh ee halkaasi ka dhacday ay aheyd markii ciidamada DF ay ka baxeen Jaamacadda ayaa ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee dibeda joogay ay ka soo qaadeen telefoonadii iyo alaabadii kale, iyagoo dibna ugu soo celiyey ardaydii laheyd ee gudaha ku jirtay taasoo ka yaabisay ardayda
.

 

-------------

 

Mooryaaan aan xishood, damiir bini'aadenimo iyo ixtiraam toona lahayn kii u dhiibtay inay wax maamulaan ka gardaran. Xataa heer Xabashadii ka xishoodsiiyaan gaareen. Xabashadii ayaaba la yaaban. Waxaas ayaa Soomaali sheeganaayo.

 

Disgusted.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this