Sign in to follow this  
Cowke

President Farole Opens The Bossaso Water System Project. Pictures

Recommended Posts

Cowke   

Madaxwaynaha Puntland oo Xariga Ka Jaray Dhisme Lagu Siyaadiyey Keydka Biyaha Bosaso

 

May 5, 2010

 

Madaxwaynaha Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray dhisme weyn kaas oo keydinaaya Biyaha isla markaasna ay ku soo dhacayaan 10 ceel oo ku yaala magaalada Bosaso biyahooda, qaadkiisu uu gaarayo 1000m3 ama meter cube, kaasi oo biyo nadiifa siin doona Dadwayna ku nool Magaaladda Boosaso ee xarunta Gobolka Bari.

 

Mashruuca Keydkaan ayaa waxaa maalgaliyay Hay’adda Unicef oo hirgalinta ceelal biyood dhowaanahanba ka waday Gobolka Babri iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland.

 

Munaasabadda Keydka xariga lagaga jarayay oo ka dhacay madaxtooyadda Boosaso ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiiradda Puntland,masuuliyiin ka socday Hay’adda Unicef, Saxaafadda iyo marti sharaf kale.

 

Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda xariga looga jarayay Keydka Biyaha ayaa waxaa uu sheegay in uu soo dhowaynayo Hay’adda Unicef mashruucaasi ay fulisay, isla markaana uga mahad celinaayo.

 

Waxaana uu intaasi ku daray madaxwaynuhu in goobaha baahiyaha qaba Puntland aysan ahayn magaaladda Boosaaso,hasa yeeshe ay jiraan goobo fara badan oo ka tirsan Puntland oo baahiyaha biyo la,aaneed ay salka u dhigeen.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay tan iyo markii la bilaabay biyo gelinta Bosaso ee GUMCo in aysan marna ****olin baahaida biyaha ee Bosaso, taas oo sabab u ahayd baaxadda magaalada Bosaso oo marba marka kadanbeysa sii weynaaneysey, inkasta oo mararkaan danbe ay fiican tahay.

 

Madaxwayne Cabdirixmaan Shiikh Maxamed ayaa saraakiishii Hay’adda Unicef ka socotay fariin ku aadan wax ka qabashadda baahiyaha ugu dhiibay saraakiishii goobtaasi ka joogtay Hay’adda.

 

Keydka Biyaha ku wareejisay Wasiirka Halwlaha Guud iyo Gaadiidka Eng Daahir Khaliif oo ka guddoomay Hayadda Unicef documediga ceelkaasi.

 

Si kastaba Keyka biyaha cusub ayaa waxaa la filayaa in wax wayn uu ka badalo baahiyaha biyo ee ay qabto Magaaladda Boossaso ee xarunta Gobolka Bari.

 

Cabdiqani Cabdullaahi

Horseed Media

Bosaso, Puntland

 

DSC02302.jpg

 

DSC02305.jpg

 

DSC02288.jpg

 

DSC02371.jpg

 

gumco.jpg

 

DSC02306.jpg

 

DSC02289.jpg

 

DSC02312.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Masuuliyiinta Puntland oo Xariga Ka Jaray Mashruuca Ballaarinta Biyaha Boosaaso (Daawo Sawiro)

 

Boosaaso (RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa maanta xariga ka jaray mashruuc lagu balaarinayo biyaha magaalada Boosaaso.

 

Mashruucan oo uu maalgeliyey Midowga Europe waxaa dhameystirkiisa iska kaashaday shirkada biyaha Boosaaso iyo hay’ada tamarta ee PSAWEN. Waxaana xaflad maanta ka dhacday xarunta madaxtooyada Boosaaso oo lagu furayey mashruucan ka qeybgalay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, wasiiro ka tirsan dowlada iyo wafdi ka socday hay’ada Unicef oo dhawaan soo gaaray Boosaaso.

 

Madaxweyne Faroole ayaa kulan kula qaatay wafdiga madaxtooyada iyadoo kulankaasina looga hadlay muhimada uu leeyahay mashruucan iyo sida looga faa’ideysan karo.

 

Madaxweynaha oo munaasabada madaxtooyada ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha biyuhu u leeyihiin nolosha dadka, isagoo sheegay in gaar ahaan degaanada Puntland ay dhul oomane ah una baahan in laga sameeyo ceelal tiro badan.

 

Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in mashaariicda noocan oo kale ah laga wada fuliyo gobolada oo dhan si ay uga wada faa’ideystaan maalgelinta hay’adaha.

 

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa dhinaca kale ka hadlay dhibaatooyinka dadka soo barakacay isagoo sheegay in dadkaasi qaarkood ay amaanka caqabad ku yihiin, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in dadkaasi loo sameeyo meelo gaar u ah oo ka baxsan magaalooyinka.

 

Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay masuuliyiin ka socotay hay’ada Unicef iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada.

 

Kulanka ka dib ayaa masuuliyiinta dowlada oo uu hogaaminayo madaxweyne Faroole iyo wafdiga hay’ada Unicef waxay booqasho ku tageen halka laga hirgaliyey keyd weyn oo biyaha loogu talogalay kaasi oo ka kooban haamo biyo, matooro iyo dhulka biyuhu maraan oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso.

 

Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xaruntan keydka biyaha ee cusub.

 

Keydkan ayaa sida masuuliyiintu sheegeen waxaa dhismihiisu uu qaatay mudo lix bilood ah iyadoo lagu keydin karo biyo ku filan magaalada Boosaaso.

 

Cabdalle Muumin RBC Radio

 

MAD8.jpg

 

biyo011.jpg

 

biyo02.jpg

 

biyo07.jpg

 

biyo09.jpg

 

biyo11.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Good work, laakinse biyaha bosaso wa qararmiraan to be honest and it's very hot most of the time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this