Sign in to follow this  
Xoogsade

Ciidamada DFKM oo bililiqeystay warshada Coca Cola iyo Gurayaha Dadka

Recommended Posts

Xoogsade   

Muqdisho 27 Abriil 07 (Beerdhiga ) Ciidamada DFKM ayaa bililiqeystay dhamaan hantidii ay laheyd warshada United Bottling Company Coca Cola ka dib markii ay ciidamada Itoobiya la wareegeen gacan ku heynta goobtaasi.

 

Mid ka mid ah shaqaalaha warshada Coca Cola ayaa Beerdhiga u sheegay in ciidamada DFKM ay ka bililiqeysteen dhamaan hantidii warshada oo ay ka mid yihiin dhowr iyo toban gaari oo ahaa kuwii cabitaanka lagu qaadi jiray iyo kuwa kale, dhamaan qalabkii xafiisyada oo isugu jira Computers iyo Printers iyo waxay kale oo qaateen dhamaan sonkortii ku xareysneyd bakhaarka iyaga oo ku qaatay isla baabuurta warshada.

 

Mar aan la xiriirnay maamulaha guud ee warshada Coca Cola Bashiir Max’ed Caraaye ayaa Beerdhiga u xaqiijiyey in gebi ahaaba hantidii warshada la bililiqeystay.

 

Warshada Coca Cola oo ah warshada ugu weyn ee dalka Soomaaliya waxay ku taalaa wadada warshadaha waxayna u dhowdahay Ex-Control Balcad, warshadu waxay soo saari jirtay cabitaanada kala ah: Coke, Fanta iyo Sprite, waxaana dhidibada loo taagay 2003.

 

Ma ahan warshada Coca Cola oo kaliya goobaha la bililiqeystay waxaa guud ahaanba la bililiqeystay guryaha ku yaala dhulka ay ciidamada Itoobiya qabsadeen maalintii shalay, waxaana ka mid ah goobaha kale ee la bililiqeystay Bedrudiin Super Market oo ku yaala Ex-Control Balcad.

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this