Sign in to follow this  
General Duke

UN: Pulls its staff out of COURT areas?

Recommended Posts

Qaramada Midoobay oo Shaqaalaheeda kala baxday deegaanada ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamiga

Last Updated::2006-10-12 16:07:06

 

Nairobi:- Qoraal maanta oo Khamiis ah kasoo baxay Xafiiska UN/ta ee magaalada

Nairobi ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay dhamaan shaqaalaheeda Ajnabiga ah kala soo baxday deegaanada ay ka taliyaan Maxkamadaha Islaamiga ah.

 

Tilaabadan ayaa lagu xusay warbixinta Bisha ee Qaramada Midoobay oo maanta lasoo saaray.

 

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Shaqaalaha Ajanabiga ah ee ku sugnaa magaalooyinka ay joogaan maleeshiyooyinka Maxkamadaha in halkaasi laga daadgureeyey.

 

Warbixintan maanta soo baxday ayaa lagu sheegay in arrintan ay la xariirto dhinaca Amniga.

 

Mid kamid ah Shaqaalaha QM ee xafiiska Nairobi oo war siiyey Wakaalada Wararka ee Assotiated Press ayaa sheegay in hanjabaad ay shaqaalaha Ajnabiga ah uga timid dhinaca Maxkamadaha magaalada Muqdisho, waa suu hadalka u dhigayee.

 

Ninkan oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in ay horey u jireen qoraal lasoo gaarsiiyey Xafiiska Nairobi oo loogu hanjabayo shaqaalaha Ajnabiga ah in ay isaga baxaan dalka Soomaaliya.

 

Muqdisho

 

Warbixinta sida rasmiga ah uga soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in la joojiyey hawlihii hay´adaha UN/ta ee magaalada Muqdisho si kumeel gaar ah, illaa iyo amar danbe.

 

Dhamaan shaqaalaha ku sugan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa la go´aamiyey in laga saaro dalka sida ku qoran warbixintan.

 

Hanjabaadyo Hore

 

Waxaa horey u jiray qoraalo hanjabaad ah oo loo diray Xafiiska QM ee Nairobi, ayadoo ay taasi keentay in bishii lasoo dhaafay bartamaheedii ay QM shaqaalaheeda kala baxdo deegaanada Puntland.

 

Arrintaasi oo ay si caro leh uga jawaabay maamulka Puntland, ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyey raali gelin ka timid Qaramada Midoobay iyo in shaqaalaha dib loo soo celiyo.

 

Macada in go´aankan cusub ee ku jihaysan Muqdisho iyo gobalada dhexe ay la xariirto hanjabaadyadii hore ama in ay tahay mid cusub.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

NEW YORK: Qarammada Midoobay oo sheegtay inay kala baxeen shaqaalahooda goobaha ay maamulaan Maxkamadaha

Posted to the Web Oct 12, 15:48

 

 

New York (PP) - War ay soo saartay Qarammada Midoobay ayay ku sheegtay in dhammaan goobaha ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Midoobay ay isaga baxeen shaqaalaheeda si ku meel gaar ah.

 

 

Warkaan oo ka soo baxay xarunta Qarammada Midoobay ayaa lagu sheegay in hanjabaadyo aad u fara badan oo loogu sheegayo in la dili doono ay heleen, taasna ay keentay inay isaga baxaan goobaha ay Maxkamaduhu ka taliyaan.

 

 

Qarammada Midoobay ayaa waxay sheegtay inay wadayso howlaha bani'aadamnimo ee ay ka wadaan goobaha ay Maxkamaduhu madaxda ka yihiin, waxaana ay sheegeen inaysan joojinayn marnaba howlaha ay u qabanayaan shacabka Soomaaliyeed ee u baahan gargaarka bani'aadamnimo.

 

 

Sarkaal ka tirsan Qarammada Midoobay oo la hadlayay Wakaaladda Wararka ee AP balse magaciisa qariyay ayaa sheegay in shaqaalaha gargaarka ay hanjabaaduhu kaga yimaadeen dhanka Maxkamadaha Midoobay, waxaana uu sheegay sarkaalkaas in hanjabaaduhu ay ahaayeen kuwo si toos ah uga soo baxayay madaxda sarsare ee Maxkamadaha qaarkood, inkastoo uusan carrabka ku dhufan kuwa ay yihiin.

 

 

Wuxuu sarkaalkaan sheegay in hanjabaadyada ay yihiin kuwo lagu sheegya in lagu dili doono shaqaalaha shisheeyaha ah ee Qarammada Midoobay, waxaana uu sheegay in hanjabaadyadaan ay qayb ka ahaayeen dilkii Sooradii Talyaaniga ahayd ee lagu dilay gudaha Magaalada Muqdisho, isla markaana ay cabsida sii xoogeysay qaraxii lala beegsaday Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo 18-kii bishii hore ka dhacay Magaalada Baydhabo.

 

 

Ma jiraan wax war ah oo ku saabsan go'aanka ay qaadatay Qarammada Midoobay oo ka soo baxay dhanka Maxkamadaha Midoobay, waxaase jira in lagu wado in Maxkamaduhu ay ka soo saaraan go'aan hadalkaan ka soo baxay xafiiska Qarammada Midoobay ee New York.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Q.M oo si KMG ah shaqaalaheeda ugala baxday meelaha ay maamulaan Maxkamadaha

 

Mogadishu 12, Oct.06 ( Sh.M.Network) Q.M ayaa maanta sheegtay in si KMG ah ay shaqaalaheeda ugala baxday qeybaha ay maxaakimtu ka taliyaan ee dalka Soomaliya ka dib markii ay heleen hanjabaado qoraal ah, sida ay shaacisay wakaalada wararka ee AP.

 

Sida lagu sheegay warbixinta bil ah ee Q.M ay kaga hadasho xaalada Soomaaliya oo maanta la soo saaray, ka dib markii la dareemay xaalad amaan daro iyo qoraal hanjabaado toos ah oo ka dhan ah shaqaalaha Q.M, waxaa Q.M ay qaadatay go’aan si KM G ah shaqaalaha caalamiga looga saaray koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo sidoo kale maamul goboleedka Puntland.

 

Waxay kaloo Q.M joojisay dhamaan howlaha Q.M ee magaalada Muqdishu ilaa amar dambe.

 

Sarkaal ka tirsan Q.M ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in khataraha ay uga yimaadeen maxkamadaha islaamiga.

 

 

Halisaha amaan daro ayaa soo baxay wax yar ka dib markii sooro Talyaani ah iyo ninkii ilaalada u ahaa lagu dilay magalaada caasimada ee Muqdishu 17-kii bishii hore, iyadoo maalin ka dibna madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo si dirqiya uga badbaday isku day shirqool oo la damacsanaa in lagu qaarijiyo.

 

Wax faahfaahin ah lagama bixin hanjabaadaha iyo tirada shaqaalaha iyo goorta laga daad gureeyey Soomaaliya.

 

Bayaanka ay soo saartay Q.M ayaa lagu sheegay in shaqaalaha caalamiga ay ku soo laabteen Puntland oo ah goob aanay haysan maxaakimta islaamiga oo iyagu hadda gacanta ku haya badi koonfurta Soomaaliya.

 

Inkastoo ay jirto in shaqaalaha laga saaray Soomaaliya, haddana Q.M waxa ay weli fulinaysaa howlaha bani’aadnimada iyadoo loo marayo shaqaalaha Soomaalida.

 

Q.M waxa ay hadda qiimeenaysaa xaalada amaan ee wadanka ay dagaaladu kala gooyeen ee Soomaaliya si loo hubiyo waqtiga ay shaqaalaha caalamiga ku soo laaban karaan wadankaasi.

 

Warbixinat bilaha ee Q.M ayaa sidoo kale lagu sheegay in awooda sii baahaysa ee maxkamadaha ay soo rogtay xaalado khatar ah, waxayna Q.M ka digtay suurtagalnimada dagaal lagu hoobto.

 

Soomaliya horey waxa ay u wajahday xaalad bani’aadnimo oo daran, iyadoo 1.8 milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar sababo la xiriira roobabka oo ku yar gobolka.

 

 

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamadaha oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Q.M

 

Mogadishu 12, Oct.06 ( Sh.M.Network) Maxkamadaha islaamka Somaliyeed ayaa go'aanka Q.M ku tilmaamay mid ka dhan ah horumarka umadda Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in awalba hay'adaha Q.M aanu waxba u qaban jirin shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Gudoomiyaha gudiga fulinta Maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo galabta shir Jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inaaneey garan karin ujeedada Q.M ay go'aankaan u soo saartay, isagoo sheegay in Maxkamadaha islaamka ay u arkaan go'aankaasi mid ka soo horjeeda horumarka shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dhinaca amaanka, isla markaana uu yahay dagaal aan la fahmi karin oo lagula jiro Maxkamadaha iyo shacabkooda oo hortaagan.

 

Sheekh Shariif oo wax laga weydiiyay waxa ka jira hanjabaadyo Q.M ay sheegeen in shaqaalahooda ay Maxkamadaha kala kumeen ayuu gaashaanka ku dhuftay arinkaasi, isagoo sheegay in haddii xitaa ay jirto arinkaasi ay aheyd in madaxda Maxkamadaha islaamka ay la socod siiyaan ka hor inta aanu go'aan laga qaadan.

 

Sheekha waxa uu sheegay in wax qabad balaaran aysan hay'adaha samafalka u sameyn shacabka Soomaaliyeed, iyadoo go'aankaasina uu yahay mid aan laga fiirsan oo wax badan keeni doona.

 

Gudoomiyaha golaha fulinta Maxkamadaha islaamka Sheekh Shariif oo wax laga weydiiyay arimaha Q.M ay ku sheegtay in dilkii Soora Lionella iyo qaraxyadii Baydhabo ay sababtay in howlahooda Somalia ay si KMG ah u joojiyaan ayaa waxa uu sheegay in dillkii soorada dad loo qabqabtay, walina baaritaan lagu hayo, qaraxyadii Baydhabo ka dhacayna aanu ka dhicin goobo ay maxkamaduhu maamulaan.

 

Dhinaca kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyay warar sheegaya in Maxkamaduhu heleen decuenti sir ah oo Maxkamaduhu heleen oo sheegaya in ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha Somalia, 15-20 ka bishaan ay weerar saf balaaran ku soo yihiin magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho ayuu sheegay in maantaba howlahaasi ay maanta ka bilaabeen deegaanada Puntland, ka dib markii ciidamo fara badan ay soo galiyeen magaalada galkacyo, isagoo sheegay in dadka ay kula talinayaan in ay dagaalamaan, puntland na ay diyaarisay ciidamo Ethiopianka kala qeyb qaata howlahaasi.

 

Hadalka ka soo yeeray Gudoomiyaha gudiga fulinta Maxkamadaha islaamka ayaa ku soo beegmay xilli maanta Q.M ay sheegtay in si KMG ah shaqaalaheeda caalamiga ah ay ugala baxday gudaha Somalia gaar ahaan meelaha ay maamulaan Maxkamadaha islaamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

UN pulls staff out of Somalia

 

 

Somalia has been wracked by fighting since June

The United Nations has pulled out its international staff from parts of Somalia controlled by Islamic fighters, after receiving what it described as "direct written threats".

 

 

The threats were issued shortly after an Italian nun and her bodyguard were gunned down in the capital, Mogadishu on September 17.

 

 

 

The president of Somalia's weak interim administration, Abdullahi Yusuf Ahmed, narrowly escaped a suicide car bombing a day later.

 

 

 

Although no-one has claimed responsibility for the attacks, suspicion has fallen on the Islamic militias currently controlling wide swathes of the south and centre of the country, which deny involvement.

 

 

 

"Given the insecure environment and the subsequent direct written threats against UN staff, a decision was taken to temporarily relocate all UN international staff members from southern and central Somalia until further notice," the organisation said in a statement.

 

 

 

The UN said it had also pulled its global staff out of the autonomous state of Puntland, while all UN missions in Mogadishu had been suspended until further notice.

 

 

 

Stability risk

 

 

 

No details were given of the nature of the threats, nor the numbers of staff or when they were withdrawn.

 

 

 

"The rapid expansion of the influence of the Islamic courts... has posed a serious challenge to the status quo"

 

UN statement on Somalia

 

 

The organisation said it is assessing the security situation in the country to see when its international staff can return.

 

 

 

Operations using Somali staff, meanwhile, are continuing, it said.

 

 

 

The UN also warned that the growing power of the Islamic militias, who have seized control of large swathes of the country from US-backed secular warlords in recent months, was posing a risk to the country's stability.

 

 

 

"The rapid expansion of the influence of the Islamic courts ... has posed a serious challenge to the status quo, the consequences of which could have serious access and security implications if responded to militarily," the UN report said.

 

 

 

It added that it was making contingency plans with other relief agencies to carry on humanitarian work in Somalia "given the possibility of wider conflict, which could pull in neighbouring countries".

 

 

 

The Islamic militia group has recently declared a holy war on Ethiopia, after Ethiopian forces reportedly helped Somali soldiers to seize control of a town in southern central Somalia.

 

 

 

Meanwhile, a group of clerics in the breakaway republic of Somaliland urged its government on Thursday to apply Islamic sharia law and to stop promoting itself as a secular state, Somaliland's Awdalnews agency reported.

 

 

Agencies

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

we all know that TFG is behind U.N pull out and just like how they are deceiving and lieing to the people of jubba to migrate to kenya for safety,spreading propaganda there is goin to big battle in the jubba scaring the people away, just undermine the Icu credibilty and achievment , also to make icu look bad in the international world.

 

General duke, tell me how the U.N was operating underwarlords , when xaamar and surround was in chaos and no law and order, where milities were kiling each other almost everyday, where you can die for less then $ 1.

they pull out when there is peace and stability how ironic, that shows that there are lot of players behind destruction of whats called somalia and is deeper then clan issue

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You do protest too much. The UN have left other areas before due to threats and what not.

Also blaming the government for the clan courts aggression is another matter.

 

It seems the courts are losing the plot, fake Jihad calls and confused statements have become the order of the day.

 

Do not blame others for your own problems.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

the jihad was declared when abdulahi yusuf miss led milities and ethiopian army cross their bondery, and jihad did work , the local attack the agressors and won. for the U.N to leave Marka,barawa, xaamar,johar,beleweyn can not be justified are their security in more threat today then warlord era answer is no . the reasone is the Tfg are igad are trying to decieve the people,.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this