Jacaylbaro Posted January 30, 2008 Diyaarad siday saraakiil milatari oo la sheegay inay ahaayeen Maraykan iyo ilaaladooda oo hubaysanaa ayaa barqadii shalay ka soo degtay madaarka Cigal Airport ee magaalada Hargeysa. Diyaaradaas oo ahayd mid gaar ah, waxa la sheegay inay siday lix ruux oo qaar ka mid ahi siteen dirayska ciidamada iyo qoryaha fud-fudud qaarna siteen dhar shicib... [size=]Diyaaradani waxa ay madaarka soo cago dhigatay abaaro 11:00 barqanimo, waxaana ka soo degay lix qof oo saddex ka mid ah si gaar ah loo ilaalinayay. Sida ay Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen dad goob joog ahaa xilligii diyaaradu soo cago dhigatay, waxa saraakiishaas iyo ciidankii ilaalinayayba madaarka ku soo dhaweyay Wasiirada duulista iyo Hawada Md. Cali Maxamed Warancade, Arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo dhawr sarkaal oo ka tirsan hay’adda sirdoonka Qaranka. Shan ka mid ah dadkii diyaaradda la socday oo kala ahaa laba askari oo hubaysnaa iyo saddex sarkaal, waxa ay madaarka u soo dhaafeen dhinaca gudaha magaalada Hargeysa, iyadoo hal askari oo aan wax hub ah sidana lagaga yimid diyaaradda hoosteeda oo kursi cad loo dhigay. Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan saraakiishaas iyo ujeedada socdaalkoodana toona, balse ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inay shir qaatay dhawr saacadood mid ka mid ah hoteelada Hargeysa kula yeesheen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, kuwaas oo aan ilaa hadda la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen. Laakiin waxa kulankaas labada dhinac lagu macneeyay inuu ahaa mid lagaga wada hadlayay arrimo amniga ku saabsan. Weriyayaal ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika, oo abaaro 12:30 duhurnimo ee shalay tagay madaarka Hargeysa, ayaa indhahooda ku soo arkay diyaaradda raggaas siday oo uu xilligaas hoos fadhiyay nin ka mid ahaa askarta ajaanibka ah ee diyaaradda la socotay oo diyaaradda hoosteeda loo dhigay kursi, balse aan kursiga ku fadhiyin xilligaas una muuqday nin feejigan oo lagaga tagay ilaalinta ammaanka diyaaradda. Abaaro 1:50 duhurnimo, oo ay weli madaarka ku suganyihiin saxafiyiinta Geeska Afrika, ayaa waxa garoonka dib ugu soo laabtay saraakiishii iyo ciidankii ilaalinayay oo ay galbinayeen Labada Wasiir ee Daakhiliga iyo Duulista Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Cali Maxamed Waranacade iyo weliba dhawr sarkaal oo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka, kuwaas oo watay baabuurtoodii shaqada. Weriyayaasha umay suurto gelin inay la kulamaan saraakiishaas Maraykanka ah, ka dib markii ammaankooda aad loo adkeeyay, laakiin sawir qaade ka tirsan Wargeyska ayaa ku guulaystay inuu dhawr sawir ka qaado diyaaraddaas iyo muuqaalka guud ee markii ay raggaasi diyaaradda sii fuulayeen. Source: Wargeyska Geeska Afrika Quote Share this post Link to post Share on other sites
A.J. Posted January 30, 2008 My somali is not the best so do you know what they're purpose is JB,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 30, 2008 Not yet ,,, they held talks with Some ministers and Secret service officers ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
A.J. Posted January 30, 2008 Oh ok thats good i suppose Thanks JB Quote Share this post Link to post Share on other sites
Biixi Posted January 30, 2008 Masters visiting their Slaves...How many innocent muslims did they take this time? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 30, 2008 dont hit da roof sxb ,, this is called politics Quote Share this post Link to post Share on other sites
Biixi Posted January 30, 2008 ^^^ Write something that make sense. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 30, 2008 I would be glad if you do the same Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 30, 2008 Any pics? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gordon Gekko Posted January 30, 2008 Pics? Nay. It was the "secret services" Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted January 31, 2008 Any pics? Apparently camera's are band in that province! We must take the word of the noble Wargeyska Geeska Afrika. Pics? Nay. It was the "secret services" Believe me.....US Military officials are frequent visitors to all corners of Somalia!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted January 31, 2008 You two above are making something out of nothing. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 31, 2008 No pics? , lool. Like the older story of Riyaale visit to Washington which became a farce... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted January 31, 2008 Lol, I still can't believe they would have no pics of him getting off the plane and being welcomed by "his people". All we got was a pic of some guys standing near cars. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AfricaOwn Posted January 31, 2008 Originally posted by somalipride: Lol, I still can't believe they would have no pics of him getting off the plane and being welcomed by "his people". All we got was a pic of some guys standing near cars. I thought the pictures were all over the net :confused: http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=660&Itemid=65 Quote Share this post Link to post Share on other sites