Wiilo Posted October 15, 2006 Is this really necessary? SOOMAALI-LAND OO ARRIMAHA MAXKAMADAHA KALA HADLAYSA DALKA ITOOBIYA (Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliland oo Addis ka degay) Abdikarim Ibr. Adan E-mail: ampacalin@hotmail.com C/laahi Maxamed Ducaale Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in garoonka diyaa6radaha magaaladaasi ay maanta gelinkii dambe ka dhoofeen wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda la baxday Soomaali-land. Wafdiga uu horkacayo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaali-land C/laahi Maxamed Ducaale ayaa u ambabaxay dalka Itoobiya oo la sheegay in ay kala soo hadlayaan arrimaha ammaanka nabadgelyada geeska Afrika iyo waxyaabihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay sida koonfurta Soomaaliya oo ay la wareegeen Maxkamadaha Islaamiga sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka Madaxtooyada Abdi Idiris. Warka ayaa intaa ku daraya in uu wafdi la kulmi doono Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi Itoobiya Meles Zenawi iyo Wasaaradda arrimaha gudaha, Gaashaadhigga, Warfaafinta ee dalkaas Itoobiya iyo Mas'uuliyiin ka tirsam Midowga Afrika. Labadii sano ee ugu dambeysay dowladda la baxday Soomaaliland iyo dalka Itoobiya waxaa ay kala saxiixdeen iskaashiga arrimaha ammaanka iyo ganacsiga Quote Share this post Link to post Share on other sites