Sign in to follow this  
General Duke

Geedi blames looting on Courts...

Recommended Posts

Geedi oo dhaliiceeyey bililiqadii ka dhacday magaalada Jowhar

Last Updated::2006-06-19 18:17:31

 

Baydhabo:- Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa wax laga naxo ku tilmaamay falal isugu jira dhac, kufsi iyo dil oo ay geysteen Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga ee qabsaday magaalada Jowhar.

 

Cali Maxamed Geedi ayaa warkan soo saaray kadib kulan uu magaalada Baydhabo kula yeeshay Golihiisa Wasiirada.

 

Xukuumada Federaalka ayaa sheegtay in ay sameysay guddi kasoo baaraan dega arrimaha la xariira xiisadaha ka taagan koonfurta Soomaaliya iyo wixii waan waan ah oo lala geli karo Maxkamadaha.

 

Cali Maxamed Geedi ayaa nasiib daro ku tilmaamay bililiqo xoogleh oo ay Maleeshiyooyinka Maxkamadaha u geysten xarumihii hore ee Dowlada Federaalka ku lahaan jirtay magaaladii ay kasoo guurtay ee Jowhar, xarunta gobalka Shabeelada Dhexe. Geedi ayaa sheegay in ay falalkan lamid yihiin kuwii ay horey u geysan jireen maleeshiyooyinka qabqablayaasha dagaalka.

 

Cali Geedi ayaa Maxkamadaha ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalada ay wadaan isla markaana dib ugu noqdaan magaalada Muqdisho.

 

Baaqan kasoo baxay Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa daba socda hadalo horey uga soo baxay dhinaca Madaxweynaha C/laahi Yusuf Ahmed oo Maxkamadaha todobaadkan ugu baaqay in ay dib ugu noqdaan magaalada Muqdisho, kana tanaasulaan dagaalada iyo wax loogu yeeray dhul balaarsiga.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu si kulul uga hadlo Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi marxalada ay ku sugan tahay magaalada Jowhar oo uu asagu asal ahaan kasoo jeedo.

 

Maanta ayey Maxkamaduhu ku dhawaaqeen maamul u gaar ah oo ay sheegeen inuu si kumeel gaar ah usii maamuli doono magaalada Jowhar.

 

Hogaanka Maxkamadaha Islaamiga ayaa ayagu si weyn u hadal haya warar ay soo saareen oo sheegaya in ay dalka soo galeen Ciidamada Itoobiya, wakhti ay soo badanayaan su'aalaha la iska weydiinayo qaabka ay u dhaqmayaan maleeshiyooyinka Maxkamadaha ee ku fiday qeybo kamid ah gobalka Shabeelada dhexe.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this