General Duke Posted June 19, 2006 Geedi oo dhaliiceeyey bililiqadii ka dhacday magaalada Jowhar Last Updated::2006-06-19 18:17:31 Baydhabo:- Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa wax laga naxo ku tilmaamay falal isugu jira dhac, kufsi iyo dil oo ay geysteen Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga ee qabsaday magaalada Jowhar. Cali Maxamed Geedi ayaa warkan soo saaray kadib kulan uu magaalada Baydhabo kula yeeshay Golihiisa Wasiirada. Xukuumada Federaalka ayaa sheegtay in ay sameysay guddi kasoo baaraan dega arrimaha la xariira xiisadaha ka taagan koonfurta Soomaaliya iyo wixii waan waan ah oo lala geli karo Maxkamadaha. Cali Maxamed Geedi ayaa nasiib daro ku tilmaamay bililiqo xoogleh oo ay Maleeshiyooyinka Maxkamadaha u geysten xarumihii hore ee Dowlada Federaalka ku lahaan jirtay magaaladii ay kasoo guurtay ee Jowhar, xarunta gobalka Shabeelada Dhexe. Geedi ayaa sheegay in ay falalkan lamid yihiin kuwii ay horey u geysan jireen maleeshiyooyinka qabqablayaasha dagaalka. Cali Geedi ayaa Maxkamadaha ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalada ay wadaan isla markaana dib ugu noqdaan magaalada Muqdisho. Baaqan kasoo baxay Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa daba socda hadalo horey uga soo baxay dhinaca Madaxweynaha C/laahi Yusuf Ahmed oo Maxkamadaha todobaadkan ugu baaqay in ay dib ugu noqdaan magaalada Muqdisho, kana tanaasulaan dagaalada iyo wax loogu yeeray dhul balaarsiga. Waa markii ugu horeysay oo uu si kulul uga hadlo Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi marxalada ay ku sugan tahay magaalada Jowhar oo uu asagu asal ahaan kasoo jeedo. Maanta ayey Maxkamaduhu ku dhawaaqeen maamul u gaar ah oo ay sheegeen inuu si kumeel gaar ah usii maamuli doono magaalada Jowhar. Hogaanka Maxkamadaha Islaamiga ayaa ayagu si weyn u hadal haya warar ay soo saareen oo sheegaya in ay dalka soo galeen Ciidamada Itoobiya, wakhti ay soo badanayaan su'aalaha la iska weydiinayo qaabka ay u dhaqmayaan maleeshiyooyinka Maxkamadaha ee ku fiday qeybo kamid ah gobalka Shabeelada dhexe. Hussein Farah HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites