Cowke Posted July 30, 2010 Garoowe:”Atam & Alshabaab waa isugu kaaya mid” Axmed Doonyaale. 30. juli 2010 Garoowe:(Allpuntland)-Axmed Xusseen Doonyaale oo ah Siyaasi reer Puntland ah islamarkaasna bilo ka hor laga qaaday Xilka Wasiirkii Xanaanada Xoolaha ee dawlada Puntland ayaa dhaliil xoogan dusha uga tuuray Hogaamiyaha Ciidamada ku haystay gobolka Bari,waxaana uu sheegey inuu yahay nin Argagaxiso saaxiib dhow la’ah. Doonyaale wuxuu sheegey in Maxamed Siciid Atam uu ciidamo badan oo Alshabaab ah shaqaaleystay,islamarkaasna Ajaanib aad ubadan uu galiyey buuraha xuduudka ay wadagaan gobolada Sanaag & Bari,waxaana uu sheegey in Alshabaab & Atam ay u simanyihiin lana wada dagaalamayaan. “Atam markii hore wuxuu haysta ciidamo deegaankeena kasoo jeeda,imikase wuxuu soo dhaweystay koox aanan waxba naga dhaxayn oo Ajaanib u badan,Annaga Atam & Alshabaab waa isugu kaaya mid waanuna la dagaalamaynaa”Ayuu yiri Axmed Doonyaale. Wasiirkii hore ee Xanaanada xoolaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed wuxuu sheegey in Ciidamada Puntland ay awood u adeegsandoonaan Kooxda Atam,waxaana uu taas ku macneeyey inay diideen Heshiisyo & Dadaalo nabdeed oo lawaday. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites