Sign in to follow this  
General Duke

Analysis: Courts and Alliance are all the same...

Recommended Posts

Maxaakinta Isku Magacaabay Islaamiga ee Muqdisho Iyo Isbahaysiga Isku Magacabay Argagaxiso la Dagaalanka Midna Midka kale Ma dhaamo

Posted to the MOL May 25, 2006, 1:09 pm

 

 

Magaalada muqdisho ee caasimda dalka soomaaliya ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal aad u kharaaraa oo dhex maray Maleeshiyaad isku magacabay kuwa la dagaalanka argagaxisda iyo kuwa kale oo isku magacaabay maxaakinta islaamiga ah waxaana dagaalkaasi uu socday mudu 8 maalmood ah waxaana ku dhintay sid an la soco dad ku dhaw dhaw 160 qof in ka badan 300 oo qofna way ku dhaawacmayn waxaana dadkaasi ay u badnaayeen kuwa rayid ah oo aqaladii ay jiifeen ku habsadeen madaafiic ay ku soo hageen labada dhinac oo aan dan iyo hiilo ka galin umda soomaaliyeed.

 

Dagaalada ka dhacay magaalada muqdisho ayaa waxaa hormud ka ah Maxamed Qanyare afax, Muuse Suudi Yelexow, Bootaan Ciise Caalim, Cumar Maxamuud Cumar Finish, Maxamed Cumar Xabeeb, oo dhamaan ah kuwa is bahaysiga la dagaalanka argagaxisada waxaana kuwaasi oo u mooqda ragii iyagu 15ka sano ku hayay dhibatada umada soomaaliyeed gaar ahaana shabacabka magaalada muqdisho iyadoo ay sidaasi tahay ayaa dhibka ay gaysteen si aysan u soo wadin waxaa laga dhigay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan DFKMG ah balse waxaasi oo idil waxba uma arag oo way ka dhaga iyo indha qarsadeen waxaana arintaasi iyaduu laga doolayo raiisul wasaare Cali Maxmed Geedi wasiiradaasi u qabtay mudu hal asbuuc ah iyadoo aan wax ka soo jabaabay aysan jirin.

 

Dhanka kale Waxaa hormuud ka aha Xasan Daahir Aweys Sheekh Shariif Shiikh Muxiydiin Axmed Yusuuf maxamed siyaad indhacade Aadan Xaashi Cayrow.

 

Dhaman ragaasi oo ah kuwa ah Ururka Diimadka Al Itaxaad waxaana qaar ka mid ah lagu xasuustaa ka qayb qaadashada dagaalada sokeeye ee ka dhacay dalka soomaaliya gaar ahaana deegaanada Puntland waxaana ay dagaalkaasi uga faaiidaysteen magac diimeed iyadoo la soo khalday dhalin yaro aan markaasi iyada ah fahan sanayn jihaadka waxaana dagaaladii ka dhacay Puntland sagaashameeyadii ku dhintay boqolaal qof oo dhalin yaro ah oo labda dhinac Xasan Daahir Aweys ayaa xiligaasi isagu dagaalka qayb ka ahaa oo hormuud u ahaa Ururuka Al Itaxaad.

 

Balse maanta waan aragnaa dagaalada ay ka wadaan magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya waxaana dagaalkaan ay ku tilmaamayn inoo yahay mid jihaad ah balse jihaad ka duwan jihaad waa waxaa uu lee yahay oo islaamku u dajiyay shuruud balse dumar iyo caruur waayeel lagu dul dagaalamo maahan mid soo jireeen ah oo aan horay loo soo arag waxaana dhalinyarada dagaalka qayba weyn ka gaysnayso loo soo sheegay in ay arintaan tahay jihaad jidkii ele loo maray oo jano lagu galyo '' Jiis ama Qof Jiifa oo aan jid oo maro jirn Jiib lagu garaaco miyaa Jano Lagu galayaa '' su'aal miyaa ka taakan in arintu sidaasi tahay oo dagaalku yahay mid jidkii loo tugu talay galay laga leexiyay.

 

Magaca Maakinta islaamiga ah waa mid aad u fiican hadii la marsiiyo wadadii loogu tala galay oo sharci laga dhigo balse iyagu maahan kuwa xaqa masiiyo kan awooda leh iyaguu marsiiyo kuwa aan awooda lahayn tusaale ahaan falkii dila ahaa ee dhawaan lagu qisaasay ninkaas oo aha dadka aan hubaysnayn.

 

Ma Xasuustaan Miyaa Qolada Maxaakinta Islaamiga ah Xadiithka ama Xadiiska Nabiga Naxariis iyo Nabad galyo Hadii ay Faadumo Bintu Rasuululaah wax xadu xadkaa la marsiin lahaa waxaana ay arinaasi ku timid Qisadaan "" haweenay ka dhalatay midka mida qabaa'ilka ugu sharafta badan carabta ayaa wax xadday Alaab waqtigii Nabiga Scw. Saxaabadii waxay yiraahdeen war gabadhas waa qof sharaf leh oo qabil wayn ka dhalatay ee nabigi scw haloo diray ergay halaga cafiyo xadka gacan goynta waxaa loo diray Zayd bin xarith nabigu ergada xadka ilaahay bu ka xanaaqay wuxuuna fuulay manbarka isagoo leh: wallaahay hadday faadumo Bintu Rasuul xadtooyo samayso gacanteeda baan goynayaa"' bal fiiri arintaasi farqiga u dhaxeeyo taas xatooyo bay ahayd tana waa dil iyo kufsi maxaakintu argayan oo ay cidii awood le daynayan cidii aan awood lahayn oo ka dhasha beelaha aan hubaysnayn ku fulinyo waa arin khilafsan Xadiithkasi nabiga NNKH.

 

Hadii ay diin difaacayaan magaca ay sitaan horta ha ka run sheegaan Maxaakinta islaamiga ah waxaana ay u mooqdaan sida muuqta kuwu sida magaca bilaa shaqo ah waxaana markasi ka dib ay ku dhaqaaqi karaan waxii ay si sharci ah u soo maraan oo wadadii loogu tala galay shacabaka soomaaliyeed waan in ay is ilaaliyan.

 

Wasiirada hubaysan ee ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah waa kuwa 15 sano afduub iyo been ku haystay umda soomaaliyeed gaar ahaana kuwa gobolada koonfurta soomaaliya waxaaana haboon in dadka soomaaliyeed ay indha furtaan oo ay cidii wada danta diintooda iyo dalkooda raacda cidii kalna ay iska ilaaliyaan

 

 

 

 

 

Waxaa soo Diyaariayay

 

 

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

 

 

Nairobi Kenya -botaan1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this