Emperor Posted December 23, 2007 Mudahaarad Aad U Balaaran Oo Maanta Kadhacay Magaalada London + SAWIRO Banaanbax Lagu Taageerayo Dawlada Federalka SOmalia Ayaa Maanta Kadhacay 10 Downing Street Oo Ah Xafiiska Raisal Wasaaraha Dawlada Britain Hortiisa. Banaanbax Kii ugu Balaarnaa oo Soomaalidda cariga Ingiriisku isugu Soo Baxdo. Banaanbaxan Oo Ay Soo Qaban Qaabiyeen URurka Somali Peace Council iyo Jaaliyada SOmaliyeed Ee Kudhaqan UK. DIbad Baxan Oo Ahaa Dibadbixi Ugu Balaarnaa Oo Sanadahan Kadhaca Magaalada London ,Oo looka kalayimi Dunida Dacaladeeda iyada oo Ay Qaar kamid Ah Dadka Banaanbaxaayay Ay Diyaarado Sooraacee. Bananbaxan Ayaa waxa Siweyn Uga Dhexmuuqday Bulshada Kudhaqan Magalada Birmingham Oo Yaku Muujiyaya taageerada Ay Uhayaan Dawlada isla Markaasna Soo Kiraystay Basas. Dhinaca Kale Waxa laka kala Yimi Dhamaan Gobalada Wadanka UK. Dadka Kasoo Qaybgalay Banaanbaxaas Ayaa Waday Boorar Ay kusawiranyihiin Sawirada Madaxda Dawlada Sida, Sawirka Madaxweynaha DFS Cabdulahi Yusuf Axmed iyo Sawirka Raisal wasaraha Cusub Nuur Cade iyo Sawiro Kale. Banaanbaxayashaa Aya waday Calanka Somaliya isla Markaasna Qaday Heeso Wadaniya , Waxa kadhexmuuqday Banaanbaxaas Fanaaniin Badan Oo Ay Kamidyihiin , Fanaanada weyn Oo Katirsananjirtay Deegaan Siciid Cabdi Muuse iyo Aaamina Axmed Cabdala (DIYANA). Maxamuud Maxamed Xasan SHire London Uk Boocame Online News Boocame@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted December 23, 2007 WAR DEG DEG AH >> LONDON: Saacadaan Waxaa Ka Socda Fagaaraha Downing Street Banaanbax Kii ugu Balaarnaa oo Soomaalidda cariga Ingiriisku isugu Soo Baxdo !! 22. december 2007 London (AllPuntland)- Dibad bax balaaran oo ay isugu soo baxeen tiradii ugu badnayd Soomaalida ku dhaqan cariga Ingiriiska ayaa xiligaan ka socda fagaaraha loo yaqaan Downing Street ee magaalada London. Dibad baxayaasha ayaa muujinaya taageerada ay u hayaan dadaalka nabadgalyo, midnimo iyo dawladnimo doonka ah ee ka socda Soomaaliya. Soomaalida isu soo baxday ayaa sita Calanka Soomaaliya, boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo iyo sawirada madaxda Soomaaliya. "DOONI MAYNO DAWLAD LA'AAN IN DIB LOOGU LAABTO" ayaa ka mid ah hal ku dhigyada banaanbaxayaashu ku dhawaqaayaan. Dibad baxaan ayaa u muuqda mid Soomaalida halkaani (Ingriisku) ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan in Dawlada Soomaaliya ku guulaysato in dib loosoo celiyo sharci iyo kala dambayntii dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah dibad baxayaasha ayaa AllPuntland u sheegay in dibad baxani yahay fariin ay ugu sii dhiibayaan madaxweynaha Soomaaliya, Soomaalida joogta gudaha Soomaaliya oo ay u sheegayaan in ay tahay in gacamaha la isu qabsado siddii loosoo celin lahaa nabad iyo caano... Saacada banaanbaxani dhacayo waxaa ku sugan isla magaalada London Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed oo hadda dhamaystay baaritaan caafimaad uu u yimid dalkaani Ingiriiska, iyadoo uu dib ugu laabanayo Soomaaliya. Haddii ALLE idmo wararkayaga dambe kula soco faahfaahinta dibad baxaan. AllPuntland, Xarunta Yurub Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted December 23, 2007 Banaanbax aad u ballaaran oo lagu taageerayo madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya iyo guud ahaan dowlada oo goor dhoweyto lagu soo gabagabeeyay magaalada London. Daawo Sawirada Banaabax u muqday kii ugu ballaarnaa oo lagu taageero Dowlada Fedaralka Somalia ayaa waxaa uu goor dhoweyto kusoo gabagaboobay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska. Banaabax u muqday kii ugu ballaarnaa oo lagu taageero Dowlada Fedaralka Somalia ayaa waxaa uu goor dhoweyto kusoo gabagaboobay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska. Banaanbaxaan ayaa goor dhweyto soo dhamaaday,walina ka qeyb galayaashu kama aanay faaruqin goobta banaanbuxu ka dhacayo, waxaana shabakada carmnooyin.com ay aqristayaasheeda u balan qaadeysaa in ay usoo gudbin doonto dhamaan sawirada banaanbixii soo idlaaday wax yar ka hor. Kala Soco Shabakada Carmooyin.com Sawirada Banaanbaxaan oo dhameystiran Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Quote Share this post Link to post Share on other sites