Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso refugee camp burns..Pics

Recommended Posts

Daawo sawiradii dabkii caawa ka kacay magaalada Boosaaso

 

Full story and pics

 

Boosaaso- 09.May.2006 Dabkii xooga lahaa ee caawa burburiyey xerada Qaxootiga ee Boqolka Buush ee magaalada Boosaaso ayaa wuxuu geystey

khasaare aad u balaaran.

 

Xerada Qaxootiga Boqolka Buush ayaa waxaa ku nool in ka badan 5 kun oo qof oo dhamaantood ah dad ka soo barakacay gobolada dalka.

 

Dabkan ayaa waxaa si weyn gacan uga geystey xubno ka tirsan maamulka Gobolka Bari oo uu horkacayey Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf iyo xubno kale.

 

Kooxda dab damiska ayaa kaalin aad u weyn waxay ka qaateen daminta dabka, iyadoo sidoo kalena ciidamada Booliiska ay si weyn u sugayeen amniga goobta dabku ka kacay.

 

Idaacada SBC ayaa waxay kaalin weyn ka qaadatey sidii gurmad loogu fidin lahaa xerada Qaxootiga ee dabku ka kacay, iyadoo Idaacadu hakisey dhamaan barnaamijyadii iyo wararkii jadwalka caadiga ah, waxaana lagu badaley barnaamij toos ama Live ah oo laga soo tabinayey goobta dabku ka kacay.

 

Koox wariyeyaal ah oo ka socdey Tv-ga, Raadiyaha iyo Web Site-ka SBC oo uu hogaaminayey Agaasimaha Guud ee SBC ayaa waxay ku sugnaayeen saacado badan goobta dabku kacay, si ay uga qayb qaataan hawsha gurmadka, oo ay bulshada la socodsiiyaan hadba xaalada dabku uu marayey.

 

Wariyeyaasha C/qaadir Max'ed Nuunow, Aamina Ladan iyo Max'ed Wel-Come ayaa waxay ku hawlanayaan soo gudbinta wararka, iyadoo Maamulka iyo dadweynaha magaalada Boosaaso ay si weyn ugu amaaneen Idaacada SBC kaalinta ay ka qaadatey sidii loogu gurman lahaa daminta dabkan oo xaqiiqdii geysan lahaa khasaare xoogan hadii aan la helin wacyigalinta warbaahinta gaar ahaan Idaacada SBC oo mar kasta u heelan arimaha bulshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this