Sign in to follow this  
General Duke

Mayor Cade Gabow: The people should demontstrate against peace haters

Recommended Posts

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah xildhibaanada oo ugu baaqay bulshada Muqdisho inay ka banaan baxaan kuwa mudada 15-ka sanno diidan nabad ka dhalata Soomaaliya.

 

September 24, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxmaud Xasan Cali Cadde Gaabow ayaa ugu baaqay bulshada magaalada Muqdisho inay ka banaan baxaan waxa ay ugu yeereen kuwa mudada 15-ka sanno hortaagnaa nabad ka dhalata dalka Soomaaliya.

 

Hadalkan ayey ka sheegeen mas’uuliyintan kulan ay maanta ku yeesheen hoteelka Ramadaan oo ay ka soo qeybgaleen xildhibaano ay ka mid ahaayeen C/laahi Geeddi Shadoor, Cabdulaahi Afrax, Hilowle Imaan Cumar, waxgarad iyo nabadoono kale iyo weliba guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Gaabow.

 

Guudoomiyaha ayaa kulankaas ka sheegay in weli ay dalka joogaan dad aan ogoleyn in dalka uu ka baxo xasilooni darada ka jirta mudada 15-ka sanno ah iyadoo Guddoomiayah gobolka Banadir Maxamuud Xasan Cadde Gaabow uu ugu baaqay dadka ku dhaqan gobolka Banadir inay banaanbax ka dhigan kana hortagaan dadka diidan dowladnimada iyo nabad ka dhalata dalka.

 

Sidoo kale mas’uliyiintii kulankaas ka hadalay ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan Hilowle Imaan Cumar oo sheegay inay qalad aheyd wareysigii uu shalay siiyey HornAfrik wasiirka amniga Qaranka Maxamed Qanyare kaas oo ahaa in hey’adaha Qaramada Midoobay ay isaga baxaan magaalada Jowhar.

 

Sidoo kale mas’uuliyiinta wax ay ku tilmaameen kulanka lagu wado inuu ka dhaco berri degmada Balcad mid aan xiligan la garaneyn waxa uu ku soo kordhin kara xaaladda ka jirta dalka.

 

Dhinaca kale siyaasiin iyo aqoonyahno ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ku sheegay kulanka ka dhacay hotel Ramadaan mid aan sharci aheyn.

 

Cabdulaahi Sh. Xasan oo ka mid ah siyaasiintaas ayaa sheegay inay lama huraan tahay u hogaansamida Axdiga KMG ah ee lagu soo dhisay dowladda fedraalka Soomaaliya.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this