Sign in to follow this  
General Duke

Puntland police security operations in Galkacyu + Bossaso

Recommended Posts

Howlgal amniga lagu sugayo oo ka socda Gaalkacyo

Posted to the MOL May 21, 2009, 7:43 am

 

Ciidamada Booliiska maamul Goboleedka Puntland ayaa bilaabay Howlgallo amaan sugida ah oo laga sameenayo magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug

 

howlagadan ayaa siween looga dareemayaa magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi waxaa wadooyinka kalle Duwan ee magaalada iyo xaafadaha ay ka koobantahay lagu arkayaa Ciidamo kulabisan dareeska biliiska islamarkaana bartilmaameedsanayo baabuurta ay ku Dhaganyihiin Bacaha Madoow iyo baabuurta aan lahayn taarikada

Taliska Ciidanka Booliiska oo ka gaabsaday inay Faahfaahiyaan howlagladooda ayaa hadana waxaa lagu waramayaa in ciidamada ay Xabsiga ay Dhigeen ku Dhowaad lawaatan gaari oo ah nooca Raaxada islamarkaana ay ku socdaan baaritaano

 

Mana jiraan intii ay socdaan howlgaladaan wax caqabad ah ay la kulmeen ciidamada booliiska ee ka qaybqaadanayso howlgalkaan

 

dhinaca kalle Howlagaladaan ayaa kuwa la mid waxaa ay si ween uga Socdaan magaalada boosaaso ee Xarunta Gobolka bari iyadoona maamulka Gobolka bari mar sii horeesay uu ka hadlay arinta howlagalada boosaaso uu sheegay inay tahay mid lagu fulinayo wareegto uu soo saaray madaxwaynaha puntland oo faraysay in siwadjir ah loola dagaalamo burcad badeeda iyo tahriibka sharci darada ee ka jira puntland dhinaca kalle dad waynaha ku Dhaqan magaalooyinka ay howlagalada ay sida uga Socdaan ayaa siyaabo kalle duwan uga hadlay iyagoona qaarkoodna ay cabashooyin ay ka muujiyen qaabka ay Ciidamada u wadaan Howlgaladaan iyagoona qaarkoodna sheegay inay si ween u soo Dhoweeyeen

 

Isku soo wada duuboo Howlagalada ay Ciidamada Booliiska ay ka wadaan magaalooyinka waawayn ee puntland ayaa la ogayn waqtiga sida rasmiga loo soo gabagabeenayo iyadoona Ciidamada horay howlgallo kuwan la mid ah ay ka sameeyeen magaalada garoowe ee Caasimadda puntland ay ka gaareen guulo ka dib markii ay burburiyeen Goobo lagu iibin jiray waxyaabaha maanka dooriya.

 

 

Rabiile Cabdikariin Gabanow

 

 

Mudugonline.com Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Puntland oo U Soo Jeestay Wax-ka-Qabashada Xaalada Amaan ee Degaamada uu Ka Taliyo>>>>>

Arbaco 20 May 2009

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland, ayaa baryahan dambe qaaday talaabooyin ay ku qab-qabanayaan waxa ay ugu yeereen kooxo isugu jiray Burcad-baddeed iyo kuwa ayagu dadka ka tahriibiya degaan xeebeedka ku xeeran Puntland.

 

Saaraakiil u hadashay Maamulka ayaa hseegay inay gacanta kusoo dhigeen hub iyo saanad kala duwan oo ay wateen kooxahan oo ahaa kuwo ku howlan sida la sheegay inay maraakiib ka afduubtaan xeebaha Somaliya. xubinkatirsan saraakiisha sare ee Boliska Puntland, ayaa ku macneeyey wax uu ugu yeeray Hawl-galo lagu sugayo amaanka.

 

Xaalada hada kajirta Gobolada Maamulku ka taliyo ayaa ah mid soo hagaagaysa kadib markii ay mudooyinkii ugu dambeeyey ay la tacaaleen hay,adaha amnigu sidii ay wax uga qaban lahaayeen arimahan laxiriira Burcadd-badeeda, tahriibta. afduubka, iyo dhaca, IWM.

 

Madaxweynaha Maamul-Goboleedka-Pu ntland, Mudane: Max'ed Max'ud "faroole" ayaa waxa uu wareegto u ku amrayo dhamaan qaybaha kala duwan ee laamaha, amniga Puntland uu kasoo saaray xafiiskiisa, islamarkaas si buuxda ugu dhawaaqay in lajoogo xili aan inaha laga qarsan karin kuwa falalka amnidarada ah kawada dhamaan degaamada hostaga DGP. ayna tahay in si dhab ah wax looga qabto.

 

Talaabadan uu Maamulka Puntland qaaday ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xili si aad ah looga warsugayo sida uu maamulka cusub ee uu madaxda ka yahay Madaxweyne faroole wax uga qabankaro arimaha amaan ee Maamul-Goboleedka-Pu ntland.

 

C/casiis (Sankubayo)

 

 

warside1@hotmail.com

 

 

Allidamaale.com

Your Reliable Sources

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bulshada Reer Puntland oo soo dhoweyey amaan sugida ay wadaan ciidamada amaanku‏>>>>

 

Allidamaale News Desk

Garoowe-(Allidamaale )bulsha waynta ku nool Magaalooyinka waawayn ee dawlad Goboleedka Puntland Gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo boosaaso iyo Caasimaa maamulka Puntland ee Garoowe ayaa soo dhaweeyey hawgalo ay Ciidamada amaanku ka sameeyeen Gudaha Magaalooyinkaasi.

Howl Galkaan oo ay ciidamadu ku soo qabqabteen dad dhibaatooyin ka geystay Gobolada Dowlad Goboleedka Puntalnd Siiba Gobolada nugaal iyo Mudug ayaa waxaa Soo Dhoweyey dadka ku nool Puntland.

 

Sidoo kale Hawlgalkaan ay Sameeyeen Ciidamada amaanka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Waxaa soo Dhaweeyey Dadwaynaha ku Dhaqan magaalooyinkaasi waxaana ay ku Tilmaameen Mid wax ku ool ah islamarkaana looga baahan yahay Dadku in ay wax kala qabtaan

 

Hada ka hor ayey ahayd marki ay fuliyeen ciidamada amaanku howl galo aad u xoogan oo loogu tala galay aman sugid aad ugu wanaagsan oo ay wadeen Ciidamada amaanku waxayna sheegeen in la soo afjarayo danbiilayaasha ay ku Raadjoogaan iyo Cidkasta oo Danbi ka Gaysataa Gudaha maamul goboleedka Putland

Waxaana dadku sheegeen in ay kala shaqayn doonaan ciidamada amaanka amaan sugida ay wadaan

 

dadka reer Puntland ayaa waxaa lagu yaqanaa in ay yiihiin dad nabada ku dadaala oo nabada ka shaqeeyan waana dad sida aynu wada ognahay nahay mudadii dalku burburka ahaa iyaga nabada ku dadlayey kana shaqeynayey nabada iyo amaanka iyo kala danbaynta.

 

 

Isku soo wada duub oo Haatan waxaa muuqata in Dadka reer Puntland ay ciidamada amaanka si fiican ula shaqay nayaan oo ay amanka wax badan ka bedeli doonaan Puntland waxaa ay dhaanta Gobolada kale ee Dalka waa meel ay dadkeedu ka wada shaqeeyaan arimha amaanka iyo kala danbaynta.

 

 

Cabdiraxmaan Mohamed Koronto

Shabakada allidamaale.com-Garo owe

kronto12@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The police forces need to be over-hauled and be given better pay then they get today. Remembers the time when Abdullahi was president brother my cousin adopted a child from the orphanage and she got all the childs food paid for by the dawlada hoose. Faroole needs to quickly solidify his prip on all the income-generating points and distribute them to the peoplea and the level of transparency is what separates any bad adminstration from a good one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faroole needs to include the new generation in all positions in the adminstration bro. I have a Nepalese friend who every summer goes back to his country with his friend to do work in their gov. Think of all the diaspora youngsters could do bruh volunteering a week or two of their holidays in the land helping the admin and giving their experiences from the country's they live in

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this