Maaddeey Posted July 30, 2010 Soomaaliya waxaa ka maqan dad naf, maal iyo waqti u hura, oo dantooda shaqsiga ama qoyskooda ka hormariya danta Dalka iyo Umadda Soomaaliyeed. Sida la arko, dadkii wax galka ahaa oo Cilmi, Xikmad iyo Khibradba lahaa way ka soo carareen Waddanka markii ugu baahi badnaa, waxaa meeshii isugu soo haray, dad wax ma garato ah oon caqli iyo danimoba lahayn, maadaama qof ka xiga ama ka ceshanaya aysan lahayna iyagaa waddankii hoggaan u noqday. Kuwii soo cararay, waxaa u muuqanaya qaladaadka faraha badan ey wax magaratadu sameynayaan, wayna ka xumaanayaan oo ka dhiidhinayaan, markey meelaha ay isugu yimaadaan ku sheekeysanayaan. Waxay la mid tahay Niman Culimo ah, oo Qur'aanka korka ka xifdisan lakin diiday iney Imaam Masjidka local-ka ka noqdaan, iyagoo ka cararaya commitment'ga, markii la keeno rag kale oon Quraanka xifidsaneyn ama Tajwiidka garaneynna way dacweeyaan, mid kasta oo la keenona waa uun sidaa. Xalku muxuu yahay?, In Culimadu iyagu dadka tujiyaan, sax?. Sidaa oo kale kuwa Waddankii ka soo cararay ee Rag Rag dhalay ah ee daacadda ah, caqli iyo xikmadna u saaxiibka ah dalkii ku laabtaan, taladana majaraha u qabtaan. Maxay idinla tahay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 30, 2010 ^^talada ah inay somaliya dad caqli u saaxiib ah u baahantahay waxay nala tahay in talo fiican tahay, dadkaasi ama dibad ama daakhil kay rabaan ha joogeene. laakiin dadka fiicani markay laabtaan sow wiilasha qoryaha xanbaarsana sidoodii markii ra'yi lagu khilaafo oo reerka ka fariista la yiraahdo sow layn maayaan oo gawrac ugu jiidi maayaan, alshabaab, iyo jawaasiista mashruuca ka dhigatay iibinta dadka fiican maxaa laga yeeli? Maaddeey S na maxaa laga yeeli? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted July 30, 2010 ^^Khalliinii amshii calaa darbii sawiyyan, mush caaws altafit yumnatan aw yusratan ka iltifaatat al thaclab, khalliinii xattaa adruka ghaayatii aw amuuta fa'uctharaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted July 30, 2010 Xiin, waxaad mooddaa mushkiladda Soomaaliya dhan in aad ku soo uruurisay dhalinyarada mayalka adag. Qolooyinkan madaxa adag le ka hor dhibaatada way jirtay oo cawa-timaaddo maaha, 20 sano ay soo socotaa sxb. Soomaaiyana caqli iyo xikmad kaliya uma baahna, ee waxay kaloo u baahantahay "sacrifice", balse nasiib darro iima muuqato cid diyaar u ah in ay isu taagto arintaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 30, 2010 adeer koonfurta somaliya siyaasiyan waxa ay ka degi la'dahay waa shabaab, waxa duulaanka ha waa shabaab, dadka kale waa gacan ku gabad marka koonfurta laga tago waa runtaa oo arrimo badan oo xal u baahan oo shabaab ka madax banaan baa jira, laakiin meesha sartu ka quruntay waa dhulka muhiimka ah ee caazimadu ku taal Quote Share this post Link to post Share on other sites