Liibaan Posted June 25, 2010 Meles Oo Ku Tilmaamay Sayid Maxamed Halgame geesi Ah Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa sheegay in Sayid Maxamed Cabdule Xasan uu ahaa Halgame Naadir ah. Mar uu Ra’iisal Wasaaruhu ka hadlayay kulan Video Conference ah oo uu la yeeshay Xukuumada Degaanka Soomaalida Ee Ethiopia oo todobaadkan horaantiisii lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan ayuu kaga Warbixinayay Taariikhda ay leeyihiin dadka Qowmiyada Soomaalida Wuxuu sheegay in shacabka Soomaalidu uu yahay shacab dhiiran oo geesi ah oo soo maray halgan ku dayasho mudan. Wuxuu Ra’iisal Wasaare Meles sheegay in Sayid Maxamed Cabdule Xasan lagu tilmaami karo Aabihii Halgamada Qaarada Afrika. “Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo reer Galbeedku u yaqaanaan “The Mad Mullah”, wuxuu ahaa geesi, gabyaa, xaq u dirir ah oo u dhashay Degaanka Soomaalida”. ayuu yidhi Meles Zenawi Isagoo hadalkiisa sii wata, waxaa uu Ra’iisal wasaare Meles uu sheegay “Ilaa iyo wakhtigan casriga ah waxaa laga Amakaagaa mucjisana ah, Aftahanimada, xeel dheerida & garaadka uu lahaa Sayid Maxamed Cabdule Xasan. gabayadiisa oo luqado badan lagu tutjumay ayaa daafaha dunida oo dhan laga wada yaqaanaa” Wuxuu Ra’iisal wasaare Meles uu sheegay in loo baahan yahay in la dhawro Taariikhda & hidaha Shacabka Degaanka Soomaalida Hadalka Meles Zenawi ayaa ku soo beegmaya iyada oo Xukuumadda degaanka Soomaalida Ethiopia aay wodo dadaalo lagu doonayo in la helo Lafahii Sayid Maxamed Cabdule Xasan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chief_Aaqil Posted June 25, 2010 Inu Sayidka geesi yahay la isku ma heysto. Laakinse adigu maxaa tahay. ninka marna dagaal somali dhexdiise u sacbiniya, sagoo wadan ajanabi jooga. Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted June 25, 2010 “Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo reer Galbeedku u yaqaanaan “The Mad Mullah”, wuxuu ahaa geesi, gabyaa, xaq u dirir ah oo u dhashay Degaanka Soomaalida ”. Mr Liibaan, you missed the points Melez was trying to convey, he was making the point that the "Deegaanka Soomaalida" is still and will always be part of Ethiopia. It is unfortunate case that many Somalis fall for Melez's trap, he is master tactician and can score great goals without harming anyone, who in turn, will convey and deliver what he said, as was the case of this thread! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 25, 2010 Abdisamad cali shire shamed the dervish legacy , when he said We will tell our children how great the Ethiopian nation is , when he was opening the Ethiopian consulate in garowe ,and the worse part is the guy hails from Taleex region. Ina cabdilla xassan would be so disappointed wuxu odhan laha ma waxan banu qalcadu u dhisnay , ma waxan banu gabay ku amani jirnay Quote Share this post Link to post Share on other sites