Sign in to follow this  
General Duke

Sanca group meeting starts in Adis.. Somalia, Yemen, Sudan Ethiopia..

Recommended Posts

Shirka Iskaashiga Sanca oo ka furmaya Addis Ababa

24 Feb 24, 2007 - 2:51:47 PM

 

Sida ay qortay wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA, madaxwaynaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya saaka si uu uga qaybgalo shirka iskaashiga ee Sanca.

 

Markii uu ka degan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole ee magaalada Addis Ababa, ayaa madaxwayne Yusuf wuxuu u sheegay Wakaaladda wararka Itoobiya in uu rajaynayo in shirka uu si buuxda u taageeri doono sidii gacan looga gaysan lahaa nabad iyo xasilooni waarta in lagu soo dabaalo Soomaaliya.

 

Cabdullaahi Yuusuf, wuxuu kaloo sheegay in uu shirka guddiga Sanca uu taageero bulsho iyo mid siyaasadeedba uu siin doono dowladda ku meelgaarka ah iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Wuxuu sheegay in nabad xoogaa ah ay ka jirto Soomaaliya, balse macnaheedu ma aha in nabad la isku halayn karo ay ka jirto Soomaaliya.

 

Wakaaladda Wararka Itoobiya, waxay intaasi ku dartay in madaxwaynuhu uu u sheegay in magaalooyinka qaar ay ka jiraan isku day ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, balse sida guud ah dowladda ku meelgaarka ah ku naaloonayso taageerada buuxda ee dadka Soomaaliyeed.

 

Waxaa madaxwaynaha garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay, afhayeenka aqalka wakiilada, Teshome Toga, wasiirka dalxiiska iyo dhaqanka, Maxamuud Dirir iyo Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, Abdikarin Faarax, sida ay qortay wakaaladda wararka ENA.

 

Xigasho/BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adis Ababa: Madaxwaynaha Soomaaliya oo caawa kulamo la leh madaxda Itoobiya

 

24. februar 2007

 

Adis Ababa (AllPuntland)-Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan xukuumadda federaalka ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

Madaxwaynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole International Airaport kusoo dhaweeyay raysulwasaa

 

Madaxwayne Yuusuf kulamada uu la leeyahay madaxda Itoobiya waxay sii socon doonaan tan iyo maalinta bari ee axadda ah, kadibna waxaa la filayaa inuu madaxwaynuhu ka qayb galo shirka Sanca Forum oo isniinta ka furmaya magaalada Adis Ababa.

 

Shirka Sanca Forum waxaa shir guddoominaysa dawladda Itoobiya, waxaana la filayaa in looga hadlo arinta Soomaaliya iyo qorshaha ciidamo gaynta iyo sida lagu n

abadayn doono dalka Soomaaiya.

 

C/laahi Yuusuf ayaa la filayaa inuu halkaasi hadal kusaabsan arimaha quseeya dalka Soomaaliya ka jeediyo shirka Sanca Forum.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

ADDIS ABABA: Shirkii Madaxda Isbahaysiga Sanca oo maanta ka furmaya Addis Ababa loogana doodayo Somalia

Posted to the Web Feb 25, 07:06

 

 

Addis Ababa (PP) – Shirkii Isbahaysiga Sanca ayaa lagu wadaa inuu ka furmo Maanta Magalaada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana shirkaas lagu wadaa in intiisa badan looga hadlo arrimaha Soomaaliya.

 

 

 

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay gallinkii dambe gaaray Addis Ababa, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Miles Zenawi, Madaxweyaha Yemen Cali Cabadalla Saalax iyo Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir.

 

 

 

Hordhicii shirkaan ayaa waxaa shalay ku yeeshay Magaalada Addis Ababa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Isbahaysiga Sanca, waxaana isla shalay ay dajiyeen ajandayaasha looga hadlayo shirkaas oo la sheegay inay ugu horreyso xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu soo qaadayaan khilaafka ka taagan gobolka Galbeedka Sudan ku yaalla ee Daarfuur.

 

 

 

Kulanka madaxda Sanca ayaa wararka ka imaanaya Addis Ababa waxay sheegayaan inay qayb ka tahay sidii ujeeddo qura ay dalalkaas uga gaari lahaayeen xaaladda murugsan ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu wadaa in go’aannada shirkaas ka soo baxa ay diiradda saaraan xalaadda dalka Soomaaliya.

 

 

 

Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha ka taagan gobolka galbeedka Sudan ee Daarfuur, waxaana go’aannada ka soo baxaya shirkaas ay qayb ka noqon doona xaaladda dalka Sudan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

ADDIS ABABA: Wasiirada arimaha dibadda Sanca Forum oo arinta Soomaaliya si xooggan isula jeex jeexay.

26. Feb 2007

 

ADIS ABABA(AllPuntland)- Kulan horudhac ah oo ay kasoo qayb galeen wasiirada arimaha dibadda ee dalalka ku jira Sanca Forum ayaa maalintii shalay ahayd ay hadallo ka jeediyeen madaxdaasi.

 

Kulankan oo ka dhacay magaalada Debre Syit ee dalka Itoobiya ayaa waxaa joogay wasiirada arimaha dibadda iyo wakiillo ka socday dalalka Itoobiya, Yaman, Sudan iyo Soomaaliya.

 

Kulankan ayaa waxaa lagu lafa guray wixii kasoo baxay shir ay yeesheen 24kii bishan guddi khubaro , kaaso ay xoogga kusaarayeen xaaladda Soomaaliya , Sudan iyo xurgufta u dhaxaysa Itoobiya iyo Ereteriya.

 

Wasiirada kulanka yeeshay waxay iska meel dhigen in marka hore si isku duubni ah la isaga kaashado arimaha khuseeya dalalka ku jira Sanca Forum.

 

Wasiiradu waxay ku baaqeen in si dhaqso ah loo fududeeyo, dhinaca maaliyadda iyo dhinaca qalabka ciidamada tagaya dalka Soomaaliya, dibna dalka Soomaaliya loogu soo celiyo xasiloonidii halkaasi ka maqnayd 15kii sano ee ugu danbaysay.

 

Wasiirka arimaha dibadda dalka Yaman Abuubkar al- Qirbi ayaa sheegay xaaladda hadda taagan ee Soomaaliya inay tahay qodobka ugu wayn ee madaxda Sanca Forum ay ka munaaqashoon doonaan.

 

Al-Qirbi wuxuu sheegay inay xooggooda isugu gaynaynaan sidii dalka Soomaaliya ay ugu soo celin lahaayeen kala danbayntii.

 

Al-Qirbi wuxuu sheegay in xoog la isticmaalo inaan lagu dhammayn karin dhibta Soomaaliya, taasna khibraddeeda laga dhaxlay wixii ka dhacay Ciraaq iyo Afgaanistaan.

 

Wasiirka arimaha dibadda dalka Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero deg deg ah oo dhab ah , si wax looga qabto xaaladda kacsan ee Soomaaliya .

 

Mesfin wuxuu sheegay in Soomaaliyana aysan doonayn, dalalka saaxiibka la ahna aysan rabin in xoog ay wax ku xalliyaan.

 

Wasiirku wuxuu ammaanay go'aankii qaramada midoobay ay ku gaartay in ciidamo nabadda ilaaliya loo diro Soomaaliya.

Shirka madaxwaynayaasha Sanca Forum ayaa la lafilayaa inuu goor dhow ka furmo magaalada Adis Ababa.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this