Sign in to follow this  
General Duke

Puntland security update: Galkacyu safe + Garowe capture of Pirate + Bossaso

Recommended Posts

Gaalkacyo:"Amaanka gaalkacyo wuxuu marayaa Heerkii ugu wanaagsanaa"Duqa Magaalada Gaalkacyo.

19. maj 2010

 

APL

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamulka degmada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug ayaa sheegey in guud ahaanba amaanka gaalkacyo uu marayo heerkii ugu sareeyey marka loo fiiriyo sanadihii ugu danbeeyey oo amaanka Puntland ay wax u dhimayeen kooxo aanan weli la aqoonsan.

 

Duqa Magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo maanta APL ugu waramay Xaaladaha guud ee Gaalkacyo & Waxqabadka Maamulkiisa ayaa sheegey in shacabka gobolka Mudug ay qeyb lixaad leh ka qaareen sugida Amaanka lana shaqeeyaan Ciidamada gobolka & Maamulka Dawlada.

 

"Amaanku aad buu uwanaasan yahay,waad ka warqabtaa oo aadbay u yaryihiin Falalkii dhici jiray oo Qaraxyadu u horeeyaan,taas waxaanu aminsanahay inay keentay Shacabkeena oo aad u baraarugay oo fahmay in Dhibaatooyinkani ay iyaga u daran yihiin,mark hada aad buu u fiican yahay baanu orankarnaa"Ayuu yiri duqa Magaalada Gaalkacyo.

 

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo wuxuu intaas ku daray in mararka qaarkood ay falal yaryar dhacaan oo ay u dambaysay Fal xalay lagu dilay gabar oo ay dileen koox tuugo ah oo isku dayey in ay Teleefoonada gacanta ka qaadaan balse ka dhaga adaygtay,waxaana uu sheegey in hada magaaladu noqotay mida ugu amaanka wanaagsan Puntland ayna ku amaantay Dawlada dhexe ee Puntland.

 

"Mararka qaarkood wax waa iska dhacaan oo hadii magaalo weyn lajoogo falal waa dhici karaan,hada xalay gabar ayaa koox tuugo ah Taleefoon ku dishay,kuwii dilayna ciidanka Amaanka ayaa daba jooga oo waxbaa laga qabanayaa,laakiin hada Dhawaan waad maqlaysay Madaxweynuhu sida uu dadka gobolkan u amaanay kuwa kale ee Puntland-na waxaan ugu baaqayaa inay ku daydaan oo ay soo qabtaan cidkasta oo amni daro wada ama ay Ciidamada lasoo socodsiiyaan"Ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji.

 

Duqa Magaalada Gaalkacyo wuxuu sheegey in tan & Markii ay shacabka Gaalkacyo gacantooda kusoo qabqabteen dad dilal badan gaalkacyo ay dhiiranaani gashay shacabka taasina keentay inay sii laba jibaaraan howlahooda shaqo ee ay Ciidamada Amaanka ku caawinayaan,wuxuuna ku baaqay in lasoo laba jibaaro.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maasha-Allah. May peace and prosperity forever linger in Gaalkacyo.

 

Duke, the Mayor, the Governor and other city leaders have done well. Wish them many more success.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso:Gudiga Sugista Amniga ee Boosaaso & Dadweynaha Boosaaso oo kulmay.

19. maj 2010

 

APL

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Qaarkamid ah Xubnihii dhawaan loomagacaabay Amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta kulan weyne Amaanka & Xasiloonida looga hadlayo waxay la qaateen Qeybaha kaladuwan ee Bulshada oo ay kamid yihiin Odayaasha dhaqanka,Haweenka,Dhalinyarada & qaarkamid ah Mas'uuliyiinta Xaafadaha kala duwan ee degmada Boosaaso ay ka kooban tahay,waxayna kala haldeen sidii looga wadashaqeyn lahaa Amaanka Puntland gaar ahaan kan Magaalada Boosaaso.

 

Gudoomiyaha Gobolka bari ee Dawlada Puntland Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf oo halkaas hadal dheer kasoo jeediyey ayaa guud ahaanba dadkii kasoo qeybgalay wuxuu ugu baaqay inay amanka dalka ka shaqeeyaan wuxuuna u sheegey in Amaanku uu muhiim u yahay Bulsho kasta oo meel degen si ay Nabad & Xasilooni ugu waaraan,waxaana uu dadkii kulanka kasoo qeybgalay ugu baaqay inay isgarab taagaan Xukuumadooda si ay Nabadooda u hantaan isla markaasna si Xasilooni & Amaan ku jiro ay u ganacsadaan.

 

Gudoomiyaha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa isna halkaas hadal kasoo jeediyey,wuxuuna dadkii kulanka isugu yimid ugu baaqay inay Ciidamada Amaanka & maamulka degmada si toos ah ula shaqeeyaan si ay u nabad galaan,waxaana uu shacabka ugu baaqay inay soo qabtaan ama ciidanka usoo gudbiyaan cidkasta oo amaanka wax u dhimaysa,taasina tahay mida kaliya ee lagu badbaadi karo isla markaasna lagu ganacsan karo,waxaana uu gudoomiyuhu sheegey inaysan macquul ahayn ayadoo aanan Amaanka laga shaqeyn in si wanaagsan loo ganacsado.

 

Qaarkamid ah Waxgaradka & Aqoonyahanada gobolka bari ayaa iyana kulankaas ka qeybgalay hadalo kaladuwana kasoo jeediyey,waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay Dawladooda la shaqeeyaan oo ay iska garabtaagaan barnaamijyada ay Xukuumadu wado ee Amaanka lagu sugayo,waxaana ay Fariin u direen guud ahaan Shucuubta gobolka bari oo ay ka codsadeen inay Dawlada la shaqeeyaan kalana shaqeeyaan sugista Amaanka & Xasiloonida Dalka.

 

Kulankan Amaanka looga hadlayo oo ay Dawlada Puntland soo qabanqaabisay ayaa ujeedadiisu ahayd in Shacabka & Maamulku iska kaashadaan sidii Amaanka loo sugi lahaa,waxaana kulankan si gaar ah usoo qaban qaabiyey gudi dhawaan uu madaxweynaha Puntland u magacaabay inay Amanka guud ee Boosaaso ka shaqeeyaan kadib markii ay soo noqnoqdeen falalka Amaanka wax loogu dhimayo ee Boosaaso ka dhacayey Sanadihii u danbeeyey.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:"Waxaanu qabanay ninki ugu caansanaa Burcad Badeeda& Hub badan"Gudoomiyaha Gobolka Nugaal.

19. maj 2010

 

APL

 

Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka hadasha 24-saac kadib markii ay soo qabqabteen Saraakil sarsare oo kamid ah Burcadbadeeda sida xowliga ah looga yaqaan Deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Nugaal ee Puntland waxay ku dhawaaqday jiritaanka warka sheegaya inay gacanta kusoo dhigtay Saraakiishan ka tirsan Burcad badeeda oo lagu soo qabtay howlgalo ka dhacay gudaha & Banaanka magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed.

 

Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee dawlada Puntland Cabdi Faarax Xirsi (Qarjab) oo goordhawey Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in ciidamada Dawlada Puntland ay soo qabqabteen ugu yaraan sadex gaari oo ah nooca Raaxada ah,Hub,Isgaarsiin casri ah & Saraakiil si wanaagsan loogu dhexyaqaano Burcadbadeeda Puntland,wuxuuna sheegey in dhamaan Waxyaabahan lagu soo qabtay Labo weerar oo kakala dhacay gudaha & Banaanka caasiamda Puntland.

 

"Waxaanu soo qabanay Sadex gaari oo ah nooca raaxada,waxaanu qabanay Labo Bistooladood,lacag kabadan $26000,Taleefoono Casri ah oo faro badan & Rag si weyn loogu dhexyaqaano Burcad Badeeda oo uu kamid yahay nin layiraahdo Booyaax oo aad caan ugu ah Burcada isla markaasna dhowr jeer noo sheegey inuu Burcada ka baxay,balse ku laabtay hada,waxaanuna kusoo qabanay Howlgalo aanu ka fulinay qaarkamid ah Hotelada magaalada & meelo naloosheegey inay degenyihiin oo anan magaalada ka fogayn"Ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Nugaal.

 

Mr,Qarjab wuxuu sidoo kale sheegey in Howlgalkani hormuud ka yahay howlgalo dhawaan bilowday islamarkaasna sii socon doono oo lagu ugaarsanayo cidkasta oo Amaanka & Xasiloonida wax u dhimaysa,wuxuuna sheegey inuu si gaar ah u quseeyo Burcadbadeeda & Kooxaha qaraxyada Iyo dilalka ka geysta magaalooyinka Puntland.

 

"Kani wuxuu kamid yahay Howlgalo aanu wadno oo aanu kula dagaalayno cidkasta oo Amaanka wax u dhimaysa gaar ahaan Burcad badeeda oo mushaakil aduunkoodhan ku noqday & Kooxaha qaraxyada geysta oo Argagixiso aduunkoodhan looga bartay,waxaa sidoo kale aanu dhawaan howlgal kusoo qabanay nin dilal ka geystay Gaalkacyo & Burtinle,marka waanu sii wadi doonaa maadaama Caasimadii Puntland ay Nugaal katirsan tahay"Ayuu yiri Cabdi Faarax Xirsi (Qarjab).

 

Howlgalkan laga wado gudaha & Hareeraha caasimada Puntland ee Garoowe ayaa kamid noqonaya barnaamijyo diyaarsan oo ay Dawlada Puntland kula dagaalamayso Burcad badeeda oo inta badan lagu xanto inay si hoose ugu nool yihiin Gobolada Puntland.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mr. Somalia:

Maasha-Allah. May peace and prosperity forever linger in Gaalkacyo.

 

Duke, the Mayor, the Governor and other city leaders have done well. Wish them many more success.

Indeed they have done well, specially the mayor. The Health Minister also in the last few days has made a remarkable move in sacking the staff of the main Hospital..

 

Galkacyu is doing well Alhamdulilah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Health Minister also in the last few days has made a remarkable move in sacking the staff of the main Hospital

:D:D

so hiring staff must be catastrophic move

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sayid*Somal:

have you ever heard of the expressions "buffoons have the same habit"?

Indeed, but stop describing yourself dear lad. A better quote for you is "“When trouble comes, wise men take to their work; weak men take to the woods” ...

 

Weak men should not discuss important issues with those who understand. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sayid*Somal:

you are not wise and your understanding of issues involve around cay iyo qabiil.

They say don’t come to a gun battle armed with a fork. Now go and surrender to a secessionist. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this