Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Attends The Africa Business Conference In Seychelles

Recommended Posts

Cowke   

Wafdi PL oo jooga Seychelles

23 Jul 23, 2010 - 6:59:19 PM

 

Urur la yiraahdo COMESA (Common Market for Eastern and Southern Africa) oo ah urur ay ku mideysan yihiin dowladaha Bariga iyo Galbeedka Africa ayaa shir caalamiya oo uu soo qaban qaabiyey waxaa uu ka Soconayaa Wadanka Seycheles.

 

Iyadoona shirka lagu marti galiyey madax kala duwan oo ka socotey beesha caalamka, islamarkaana ay si weyn uga muuqanayaan mas'uuliyiin ka tirsan Wadamada ku bahoobey Comersa ee ah Bariga iyo Galbeedka Africa.

 

Dowlaha Ka Qeyb-galaya Shirka

 

Shirkaan oo ay fadhiyaan Madax ka tirsan Dowlado iyo Ururo ay ka mid yihiin EU, AU, IGAD, Masar, Kenya, Tanzania, Zembawi, Ugandha, Ethiopia, Dowlada Federalka Somalia, Puntland & Hay'addo ku taxluuqa la dagaalanka Burcad Badeeda.

 

Waxay ku fasireen madaxda wadanka sycheles shirkan ujeedadiisa kowaad in ay ku wajahan tahay Sidii Dowlaha Bariga & Galbeedka Africa ay u sameysan lahaayeen awood dhameystiran oo looga hortagayo burcad badeeda, islamarkaana ay jiraan Qodobo kale oo kulanka horyaala.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada Dowlada Seycheles oo ka hadley kulanka bilowgiisii, waxaa uu sheegey in uu ka codsanayo beesha caalamka fulinta talaabooyin looga baahan yahay oo ah sidii ay isku mowqif uga noqon lahaayeen khatarka burcadda badda, una caawin lahaayeen wadamada saameynta burcadu ku yeelatey ee Somalia kow ka tahay.

 

Sidoo kale waxaa hadalo kasoo jeediyey halka uu ka furmey Shirku Masuuliyiin kala duwan, inkastoo wali uu soconayo kulanku ayaa gabagabada shirka ay kasoo baxayaan qodobo waafiya oo ka yimaada dhinacyada haatan Seycheles ku shiraya.

 

Waxaana ka mid ah Qodobada Haatan Shirka Horyaala Sidan

 

1. Dardargalinta dagaalka lagula jiro burcad badeeda Soomaalida.

 

2. Hirgalinta wadan walba oo ay burcadu saamaysay ciidamo xeebihiisa ilaaliya.

 

3. In laga caawiyo wadama aan awooda u lahayn la dagaalanka burcada lagana taageero hirgalinta ciidamo badeed.

 

4. Maxkamadaynta burcad badeeda oo laga codsaday wadamada K enya, Tanzania iyo Seycheles.

 

Waxeyna Shirka ka sheegeen Saraakiil ka socotey EU, AU & Urur Goboleedka IGAD in qodobadan ay yihiin kuwo dhaqan galintooda sida deg deg ah looga sugayo ay yihiin wadama Shirka kasoo qeyb-galey.

 

Puntland & Bogaadintii shirka Seycheles

 

Intii u soconayey shirka dhamaan ma'suuliyiintii shirka ka hadlay waxay hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyeen Dowlada Puntland doorka ay ka ciyaartay la dagaalanka burcad badeeda Soomalida iyagoo ku amaanay in deegaano hore burcadu saldhig ku lahayd ay ka suuliyeeniyo qaqabashada iyo dagaalka dowladu bariga kaga wado.

 

Xiriiriyaha barnaamijka la dagaalanka burcad badeeda Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka bada Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) oo u waramay Radio Garowe isagoo haatan ku sugan Seycheles ayuu xusay intii la soo qaaday kooxaha burcad badeda ah ee ku jira xabsiyada Puntland, kalana hadleen mas'uuliyiinta wadamadaa In Puntland ay ka gacan siiyaan dhismaha Ciidan Badeedka.

 

Md. Ducaysane ayaa intaa ku darey in ay jiraan balan-qaadyo ay ka heleen Dowladaha Shirka ka qeyb-galaya, isagoo taa sii **** dhigey in Waftiga Dowlada Puntland ee haatan ka qeyb-galaya Shirka Seycheles ay booqdeen Maxaabiista loo haysto burcad badeednimada ee lagu hayo xabsiyada wadankaasi.

 

Waxaana uu sheegey Mr C/risaaq in 40-qof oo Somali ah oo loo haysto fal danbiyeedka burcad badeednimada Waftigu uu xabsiga ku booqdey, kuwaas oo ay indha indheyn ku sameeyeen xaaladooda iyo qaababka Seycheles ula dhaqanto.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this