Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Kormeeray Xarumaha Dowladda ee Gobolka Sool

Recommended Posts

Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland oo Saaka Soo kormeeray Xarumaha Dawlada ee Gobolka Sool, Dawooyin Kufilan Lix Biloodna Gudoonsiiyay Cisbitaalka

 

 

Laascanood(QARAN)-Waxaa maanta kormeero balaadhan ku sameeyay xarumha Dawlada ee ku yaal magalada

Laascaanood wafdidii Somaliland ee maalmahan ku sugnaa xarunta Gobolka Sool ee

magalaada Laascaanood wafdidaas oo markii hore kasoo kicitimay Hargeisa waxaana

kormeerkan hor kacayay masuuliyiinta Gobolka iyo kuwa Degmada. Wafdidan ayaa

kormeero ku sameeyay dhamaanba xafiisyada Dawlada iyagoo ay halkaasina ay ku

qaabileen masuuliyiinta ukala magacownaa goobaha ay markaa ku marayeen socdaalka

kagana dhagaysteen baahiya iyo waxqabadkooda.

 

Waxaa wafdida uu hogaaminayay wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Siciid Sulub

ahna wakiilka Madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin uu usoo diray Gobolka

si uu usoo gudbiyo xalada arimaha Bulshada ee gobolka si wax looga qabto ayaa waxa

uu ugu horayn booqday Isbitaalka guud ee magalaada Laascaanood.

 

Waxaa uu Ibitaalka magalaada Laascaanood uu wafdidan uu hogaaminayo Siciid Sulub

uu geeyay daawooyinka lixda bilood ee soo socota uu waxaana uu halkaasi ku

qaabilyay masuuliyiinta isbitaalka waxaana uu kaga dhagaystay warbixino ay usoo

jeediyeen oo ay kaga hadlayeen xaalada Isbitaalka iyo sida wax looga qaban karo.

 

Sidoo kale wafdidan ayaa waxa ay kormeero ku sameeyeen oo ay ku tageen xarumaha

Dawlada ee Gobolka sida:-guriga Gobolka,Dawlada Hoose,Saldhiga Dhexe,Jeelka Dhexe

ee Gobolka,xarunta Guul wadayaasha iyo dhamaanba xafiisyada Dawlada ee ku yaal

magaalada Laascaanood.

 

Wafdidan ayaa waxaa barbar socday khuburo qiimayn ku samaynaysay qoraysana baahiya

ay usoo gudbiyaan masuuliyiinta Goobahaasi iyagoo khuburadaasi inta ay socoto

hawsha kormeerka goobtu samayanayay qiimayn baahida goobta iyo waxa ka dhiman iyo

sida wax looga qaban karo.

 

Hadaba waa markii ugu horaysay oo wafdida ku sugan xarunta Gobolka Sool ee ka

socda Somaliland ay kormeer ku sameeyaan xarunaha Dawlada ee ay ku leedahay

Gobolka Sool marka laga reebo Gudoomiha Gobolka Sool oo hore u booqday dhawr

xafiis oo ku yaal magaalada.

 

 

Afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this