Ameer Posted July 4, 2007 Warar lagu kalsoonaan karo oo aynu ka heleyno ilo wareedyo ayaa sheegaya in Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay diyaarisay Ciidamo la wareega gacan ku heynta Magaalada Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan dhowaan ay u baqooli doonaan Magaalada Kismaayo, kuwaasoo la tilmaamay in haatan lagu uruurinayo Duleedka Magaalada Muqdisho. Ku dhowaad 40 baabuurta Dagaalka oo qaarkood dayactiro ku socda ayaa la sheegay in ay galbinayaan Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigaya Magaala Xeebeedka Kismaayo oo ay Dowladdu sheegtay in ay la wareegeen Kooxo Dowladda ka soo horjeeda. Magaalada Kismaayo oo ay dhowaan Dagaal qaraar ka dhaceen ayaa la sheegay in ay ka socdaan qas iyo fowdo, iyadoo aanu halkaas ka jirin Maamulo iyo kala dambeyn. Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo codsaday inaan Magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Dowladda ku guda jirto sidii Ciidamo gaaraya 1000 askari ay ugu diri laheyd Kismaayo, si ay usoo af jaraan Xiisadaha dagaal iyo mid amni daro ee ka jira halkaas. Madaxweyne Yuusuf ayaa todobaadkii hore sheegay in Magaalada Kismaayo ay gacanta u gashay Kooxo Dowlad-diid, oo ay Dowladana dooneyso in ay si nabadeed wax kaga qabato arrinta Kismaayo, hadii ay fursan weydana ay tallaabo kale adeegsan doonaan. Source: Jowhar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ameer Posted July 4, 2007 what is going on with Kismayo? why is this the issue all the time? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 5, 2007 Why this topic is in this section ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites