Jacaylbaro Posted July 16, 2007 Ceerigaabo=Gacanku-dhiigle Fagaaraha lagu toogtey Ceerigaabo(Qaran) Kaddib markii gacanku-dhiiglahan ay ku caddaatay si badheedh ah in uu 09/5/2007 toogasho ku diley maayorkii hore ee degmada Ceel-afweyn marxuum-Maxamed Cilmi Cali, islamarkaasna maxkamadaha kiiskan qaaday (gobolka, rafcaanka iyo maxkamadda sare) intuba si is daba jog ah ay dil toogasho ah ku xukumeen gacan kudhiiglahan, ayaa gacan kudhiiglahan oo magaciisu ahaa Cilmi Ismaaciil Yuusuf waxa subaxnimadii maaliintii axadda (maanta) lagu toogtey meel fagaare ah magaalada Ceerigaabo, waxana toogashadan fuliyey ciidammada dawladda, waxana goob joog ka ahaa madaxda dawladda (heer gobol iyo degmo) ee Ceerigaabo, iyo dadweyne kaleba. Arrintan in kasta oo dadka qaarkiis ay u arkaan in xukuumaddu toogato ciddii disha nin madax ah oo keliya, maaddaama ay jiraan gacan kudhiiglayaal tiro badan oo aan weli wax tallaabo ah laga qaadin, haddana marka lagu tiiriyo toogashadii horraantii kal-hore ee gacan kudhiiglihii hore ee diley taliyihii saldhigga boliis ka (Daalo) ee magaalada Ceerigaabo, ayaa waxay u muuqataa tallaabo horumar oo xukuumaddu u qaadday dhinaca xakamaynta in badan oo dilalka dadka dhexdooda ka dhaca ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites