Sign in to follow this  
General Duke

Badoa : Djibouti agreement faces difficulties

Recommended Posts

Raysalwasaare Nuur Cadde oo waji gabax kala noqday magaalada Baydhabo ka dib markii

Posted to the MOL December 3, 2008, 5:19 am

 

Raysalwasaare Nuur Cadde ayaa maanta safar ku tagay magaalada Baydhabo ee xurunta baarlamaanka Somaliya. Nuur Cadde ayaa isla galabta u dhoofay magaalada Nayroobi ka dib markii wax garowshi ah iyo soo dhaweyn uga waayay qorshihiisii hehsuuskii Jabuuti xildhibaanada baarlamaanka Somaliya. Wararka aan ka helayno magaalada Baydhaba ayaa sheegaya Raysalwasaaha oo magaalalada Muqdisho duhurnimadii maanta ka soo duulay uusan caawa ku hoyan magaalada Baydhabo isogoo u duulay magaalada Nayroobi.

 

 

Wararka ayaa sheegaya in Raysalwasaare Nuur Cadde la kulmay guddoomiyaha baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somalia. Wada hadal aan waqti badan socon ayaa wararku sheegayaan inuu dhexmaray gudoomiyaha baarlamaanka oo ay wehliyaan dhowr xildhibaan iyo Raysalsaare Nuur Cadde iyadoo isla markiiba Raysalwasaaha lagala horyimid diidmo qayaxan oo ku aadan heshiiskii uu ku soo saxiixay magaalada Jabuuti.

 

 

Raysalwasaaraha Somaliya ayaan wax taageero ah u helin heshiiskii uu la soo galay kooxda SH. Shariif oo aan wax awood ah ku lahayn gudaha Somaliya. Waxyaabihii heshiiskaas lagu gaaray ayaa waxaa ka mid ahaa in la kordhiyo tirada baarlamaanka laguna kordhiyo 275 oo xildhibaan oo dhamaantood ka imaanaya kooxda Sh. Shariif oo taagerayaashoodu ka soo wada jeedaan Beesha ******. Arintaas oo ka caraysiisay beelaha kale ee Somaliyeed oo sheegay in aysan xaq ahayn heshiiskii Jabuuti oo sida muuqata loogu sadburinayo hal beel taasna ka soo horjeedo habkii waxqaybsiga ee beelaha Somaliyeed. Waxaa kaloo heshiiskaas diiday kooxda Alshabaab oo dagaalada uga badan ka wada gudaha Somaliya.

 

 

Waxaa muuqata in Baarlamaanka Somaliya iminka doonayaan inay meesha ka baxdo dowlada uu hogaamiyo Raysalwasaare Nuur Cadde oo ku guuldaraystay howlihii dib u heshiisiinta iyo soo celinta aminiga oo intii ay jirtay dowlada Nuur Cadde faraha ka baxay.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia power-sharing deal 'a recipe for disaster': Puntland

4 Dec 4, 2008 - 9:20:27 AM

 

GAROWE, Somalia Dec 4 (Garowe Online) - The regional government of Puntland, in northeastern Somalia, issued a press statement Wednesday rejecting a power-sharing deal between the Somali Transitional Federal Government (TFG) and an opposition faction named the Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS), Radio Garowe.

 

The statement was read aloud to journalists by Jama Hersi Farah, the state minister for security, and followed by comments from Puntland leader Gen. Adde Muse.

 

The Djibouti Agreement, signed on 26 November in the Republic of Djibouti, "not only excludes the majority of Somalis from the process, but brings into question the UN's role in the country," the statement read.

 

 

The Puntland government press release said the UN Political Office for Somalia (UNPOS) risks to undermine the TFG and "potentially contribute to further destabilization of the country."

 

UNPOS has helped facilitate the Somali peace process since June, under the tutelage of Mr. Ahmedou Ould-Abdallah, the UN Secretary-General's special representative to Somalia.

 

The press statement accuses "a small faction" of people, presumably TFG and ARS officials who support the Djibouti Agreement, of opposing the Federal Charter, the 2004 constitution that created the TFG and called for the establishment of a federal government for Somalia.

 

"Unchallenged, this flawed agreement is a recipe for disaster," the statement read, adding: "In short, it will add to an already difficult and chaotic political stalemate in the country."

 

Further, the press release called for a new reconciliation conference where "real representatives of the people" can discuss peace and governance in Somalia.

 

Puntland Preside nt Muse later told reporters that Somali clans returned to their home regions after the 1991 civil war erupted, creating a political environment that requires a government system founded on federalism.

 

"We will never accept any law outside federalism," the Puntland leader vowed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah-faahin dheeraad ah Maxaad kala socotaa Sababaha Nuur Cadde uu uga dhoofay Shalay Baydhabo?

 

04 December, 2008 By _Dowladnimo

Raysalwasaaraha dowladda Faderaaliga ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen oo ayaa shalay safar diyaaradeed, wuxuu kukala bixiyey magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

Diyaaradii wadey Nuur Xasan Xuseen ayaa ka duushay Madaarka Nayroobi aroortii hore ee shalay, waxa ayna saacado ka dib gaartay Magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka koowaad wuxuu kula kulmay Muqdisho rag ay isku siyaasad yihiin, oo ay ku jiraan rag ka tirsan Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuu kala hadlay ayaan si wanaagsaneyn loo ogeyn.

 

Balse warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu kala hadlay howlaha ka dhaxeeya ee ku aadan Siyaasada gudaha ee dalka Soomaaliya, inkastoo aysan soo bixin warar badan oo ku aadan arimahaasi.

 

Nuur Cadde wuxuu Muqdisho ka qaaday xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isagoo geeyey Magaalada Baydhabo wuxuuna markii uu gaaray Baydhabo uu la kulmay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Aaden Maxamed Nuur Iyo Col. Nuur Cadde waxaa dhexmaray wada hadalo gaaban, kuwasoo ay labada dhinacba isku afgaran waayeen.

 

Nuur Cadde ayaa ka dalbaday Aaden Madoobe in uu iskugu yeero baarlamaanka Soomaaliya ayna u ansixiyaan Xukuumadii aan wadan Ogolaanshaha Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed, maadaama qodobada dibu heshiisiinta ee ay gaareen rag ka kala tirsan mucaaradka iyo dowladda ay ubaahan tahay in ay Ansixiyaan gole Wasiiro.

 

Aaden Madoobe ayaa dib ugu celiyey warkaasi Nuur Xasan Xuseen, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya fariisan karo oo kaliya, markii uu Nuur Cadde horkeeno warqad ansaxa, uuna kuyaalo Saxiixa Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Jawaabta uu Nuur Cadde ka helay gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku noqotey mid la yaab leh, wuxuuna filayay in uu Aaden Madoobe qabto warqadaasi uuna horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya.

 

Kulankii dhexmaray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) iyo Wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa ku dhamaaday is afgarad la’aan baahsan.

 

Nuur Cadde ayaa markan jooga Magaalada Nayroobi, wuxuuna kala hadlayaa xubnaha ku sugan Magaaladaasi ee ay isku siyaasada yihiin, wixii laga sameyn lahaa qorshaha baarlamaanka Soomaaliya ee la doonayo in baarlamaanka lugu horgeeyo Xukuumad aan wadan Saxiixa ama ogolaanshaha Madaxweyne Yuusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isimada maamul goboleedka puntland ayaa kasoo horjeestay hashiiska diidmadu haraysay ee rag ka tirsan dawlada soomaaliya iyo isbahaysiga labaxay dib uxoraynta ay ku gaareen jabuuti ( Dhagayso Wareesiyada Nabadoonada)

Posted to the MOL December 4, 2008, 5:35 pm

 

Nabadoon Cali Kacaanka Halkaan ka dhagayso

Nabadoon Cabdicasiis Afguduud Halkan Ka dhagayso

 

kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen isimada maamul goboleedka puntland gaar ahaan kuwooda ku sugan gobalka bari ayey si wayn gaashaanka ugu daruureen mirihii kasoo baxay shirkii dhawaan ugu soo afjarmay rag ka tirsan dawlada soomaaliya iyo isbahaysiga labaxay dib uxoraynta ee uu hogaamiyo shiikh shariif shiikh axmed.

 

 

kulanka isimadu ku qaadaceen shirka jabuuti ayaa waxaa kasoo qabgalay waxgarad iyo isimo si weyn looga qadariyo deegaanada puntland waxayna odayaashu xuseen inay ka xunyihiin qaabka loo marin habaabiyey shirkaasi markii uu ka soconayey jabuuti islamarkaana aakhiritaankiisa wixii ka soo baxay ay ahayd wax lala yaabo oo aan caqliga saliimkaa qaadan karin taasoo ay ula jeedeen xubnaha baarlamaanka soomaaliya lagu kordhinayo oo gaaraya tirada haatan uu ka koobanyahay mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya kuwaasoo la siinayo qolyaha isbahaysiga .

 

 

Nabadoon cabdicasiis afgaduud oo ah afhayeenka isimada gobalka bari oo uga warbixiyey mudugonline nuxurka shirkaasi iyo wuxuu ku qotamay ayaa sheegay inay ahayd digniin shacabka soomaaliyeed ay uga digayaan hagardaamada uu xambaarsan yahay shirkaasi oo la doonayo in laysku diro umada soomaaliyeed loona maja xaabiyo dawlada federaalka soomaaliya oo dadaal dheer loo galay dhisitaankeeda dhib badana laga maray waxayna sheegeen ugu dambayn inaysan riwaayadaas qaramada midoobey soo jishay aysan ka soconayn soomaaliya.

 

 

dhinaca kalle nabadoonada gobalka mudug ayaa iyaguna shir ay ku yeesheen magaalada gaalkacyo waxay diidmo ka muujiyeen shirkaasi ayagoo soo dhaweeyey go aankii dhawaan dawlad goboleedka puntland ku qaadacdey shirkaasi.

 

 

Cali jaamac cumar oo looyaqaano cali kacaan kana mida waxgaradka gobalka mudug oo uhadlayey nabadoonada gobalkaasi ayaa sheegay inay raacsan yihiin talaabada ay qaadeen maamulka iyo qaybaha kalle ee puntland ee looga soo horjeestay shirkaasi uu ku sheegay inuu yahay sun lagu sumaynayo mar kalle shacabka soomaaliyeed.

 

 

si kastoo ay ahaataba waxaa isa soo taraya diidmada qayaxan ee dadka soomaaliyeed ka muujinayaan waxa lagu sheegay hashiis awood qaybsi ee dhex maray dawlada soomaaliya iyo mid kamida garabyada mucaaradsan dawlada soomaaliya

 

 

Rabiile Cabdikariim Gabanow

Share this post


Link to post
Share on other sites

if there is no tanasul if the deal of nur cade is rejected by yusuf and cade muse . Then Nur cade it will be hard to work with cabdilahi yusuf and then t f g wakhtiga ka dhamanaya.

And we have alshabaab that is rejecting every deal with t f g Ethiopians marka cyusuf need to think what he is going to do he needs to make peace with nur cade

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Nah sorry saxib, there is a constitution and the powers given to each player is clear. Nur Cade and his new backers think they could play with the TFG, they need to think again.

 

This agreement has been rejected by most Somali's forget the Al Shabaab all the main clans have rejected this. Thus the onus is on Nur Cade and his group and has nothing to do with us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this