Sign in to follow this  
General Duke

Puntlenad VP, opens parlment and warns against Courts..

Recommended Posts

GAROOWE : “Wadaadada waxaan uga digayaa in aysan u halqan-taagin USC-da hadba shaatiga gashanaysa iyo Ciyaarta Muqdisho ka socota “Xassan Daahir M/kuxigeenka Puntland oo maanta furay Kalfadhigii 16-aad ee Golaha Wakiilada DG Puntland

Posted to the Web Jun 17, 16:12

 

 

Garoowe:-Waxaa maanta xarunta Golaha Wakiilada DG Puntland ka furmay Kalfadhigii 16-aad ee Golaha , waxaana furay M/kuxigeenka Puntland Xassan Daahir Af-qurac oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay halkaasi , wuxuuna ka hadlay dhinacyada , Maxkamadaha , Shirkada khayraadka Puntland ka baaraysa ee (Range Resource) ee Maamulku heshiiska laga galay , Khilaafka Mcadan-baarista Majayahan , , Nabadgalyada gobolka , gobolada Sool iyo Sanaag ee dhanka Samafalka iyo qodobo kale.

 

 

 

Maxkmadaha Muqdisho

 

 

 

Xassan Daahir Af-qurax M/waynekuxigeenka Puntland , wuxuu maxkamadaha ku tilmaamay kuwo ay leeyihiin qabaa’ilo , oo reerkastaaba ay samaysteen Maxkamad u gaara , waan maqalnaa Maxkamada reer hebel , hadana sidaas ayay ku shaqeeyaan , waan ognahay kuwo badan baajira oo wajiyo ama koofiyado labada dhinac ku sita laba urur bay wataan qaarkood , qaarbaa USC gadaal kaga qortay Koofiyada horayna Maxkmadaha.

 

 

Nabadgalyada gobolka

 

 

 

Nabadgalyada waa in la ilaaliyaa oo laga wadashaqeeyaa , waana in la iska daayaa waxyaabaha Masaajidada laga sheegayo ee la leeyahay jihaad , waa arin khaldan oo aan soconayn oo aanan cidna uga dulqaadanayn.

 

 

Wadaadada waxaan uga digayaa in aysan u halqan taagin USC-da hadba shaatga soo gashanaysa iyo Cayaarta ka socota Muqdisho waa sida uu hadalka u yiriye.

 

 

 

Cidkastaba maamulka Puntland waa u furan yahay , waana ku soo biiri kartaa waana maamulkoodii , laakiin qofna kama yeeli doono in ammaanka wax loo dhimo.

 

 

 

Anigu haatan ma ogi wax –dhibaato ah oo dalka ka jira laakiin waa iga talo iyo digniin , waana wax munaasib ah in ammaanka laga shaqeeyo dhammaanteen dan bay inoo tahay.

 

 

 

Dhulka sida sharci drada ah loo dhisto

 

 

Waxaan dadka uga digaynaa in ay guryo ka dhitaan dhulka dawlada , cagta ayaan marinaynaa qofna ka yeeli mayno , sidaan maanta u burburinay baan u burburinaynaa , qof kastoow lacag iyo kharasha ha iska gali dhul sharci daro ah oo ay dawladu leedahay , waan burburinaynaa , dhulku waa wada banaan yahay anigu ma garanayo sababaha loo dhisanayo dhulka ciriiriga ah ee dawlada.

 

 

 

Shirkada Khayraadka ka baaraysa Puntland ee (Range Resource)

 

 

 

Xassan Daahir , wuxuu sheegay in ay Golaha Wakiilada la soo hordhigi doono heshiiska lala galay Shirkada (Range Resource) ee khayraadka baaraysa Puntland , inkastoo uusan carabka ku dhufan muddo cayiman.

 

 

 

Wuxuuna intaasi ku daray in iminka magaalada Dubai ee dalka UAE ay ku sugan yihiin Wafdi uu hogaaminayo M/waynaha Puntland Cadde Muuse , waxayna shirkada (Range Resource) ka wada hadlayaan qorshaha hawlaha (Plan of Action) ee ku saabsan hawlaha macdan-baarista.

 

 

 

Majayahan iyo Macdan-baarisata

 

 

 

Khilaaf baa ka dhacay majayahan , cidkastaana ha yeelato khaladka laakiin iminka hawshaasi meel fiican bay maraysaa , dhalinyaradii la qabqabtayna waa la siidaayay , hawsha waxaa galay Issimo iyo dad waxgarad ah oo badan meel fiican bay maraysaa , waxayna ku dhamaanaysaa isfahan.

 

 

Xeerka Caasumada Garoowe

 

 

 

Golaha Xukuumada , ayaa soo jeediyay xeerka Caasumada Garoowe , waxaana dhawaan la horkeeni doonaa Golaha Wakiilada.

 

 

Cismaan Dalmar Yuusuf Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Puntland , ayaa ka warbixiyay safar uu dhawaan ku tageen Sweden wafdi ka socda Golaha Wakiilada Puntland oo uu isagu hogmaaninayay , wuxuuna sheegay in halkaasi kula kulmeen maamulgoboleedka Waqooyin ee Sweden , ayna ku wada saxiixdeen heshiis hordhaca oo lagu mataanaynayo maamulgoboleedka Puntland iyo Maamulgoboleedka Waqooyi ee Sweden.

 

 

 

Qodobada la isku afgartay 2 maamul ee Puntland iyo Waqooyiga Sweden.

 

 

 

§ Arimaha tacliinta oo ay ugu horayso Machadka farasaamda.

§ Dhinaca dimuqraadiyada iyo shruucda sida fasilitiga Baarlamaanka , dhismaha iyo dayactirda qalafka xafiiska IWM.

 

§ Arimaha baahinta maamulka iyo dhisida iyo shuruucda la xiriirta maamulka Golaha deegaanada degmooyinka.

 

§ In la mataaneeyo magaalooyinkooda iyo kuwa Puntland , si ay wax u wadaqabsadaan lays kuna xidho.

 

 

 

Si kastaba Golaha Deegaanka ayaa waxaa horyaala Ajandayaal muhiima oo ay kaga doodayaan kalfadhiga maanta u bilaabmay Golaha , waxaana ugu muhiimsan Ajandayaasha:-

 

 

 

Xisaab-xidhka dawlada 2005

Qorsho-sanadeedka 5-ta sano ee dawlada

Xeerka kala qeexista awooda dawlada dhexe , gobolada iyo degmooyinka

Xeerka Caasumada

Xisbiyada Siyaasada

 

 

 

 

Axmed C/salaam

 

Puntlandposat.om

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this