Somaliwayn1 Posted January 14, 2008 Wararka naga soo gaadhaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in askari ka mid ahaa ilaalada madaxweynaha maamulka Puntland Gen. Cadde Muuse Xersi toogasho lagu dilay isagoo ku suganaa agagaarka xarunta Madaxtooyada Boosaaso. Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Cismaan Siciid ayaa la sheegayaa in dilkiisa ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo rasaas la beegsaday askariga, kuwaas oo aan la ogeyn sababta ay u dileen askarigaas. Saraakiil ka tirsan ciidamada madaxtooyada Puntland ayaa laga soo xigtay in ay yidhaahdeen kooxda dilka askariga geysatay waxay qeyb ka ahaayeen kooxihii dhawaan Booliska Boosaaso ay kula dagaalamay gudaha magaalada Boosaaso ee ka mid ah kooxaha ajnabiga afduubta oo sida saraakiishu sheegeen falal aarsi ah ku wada ciidamada Puntland sida ay yidhaahdeen saraakiishu. Widhwidh Online News Desk..media Center Quote Share this post Link to post Share on other sites