Sign in to follow this  
RedSea

Fronline: 1 of 8 U.S soldiers has died..malaria the case.

Recommended Posts

RedSea   

Mid ka mid ah maxaabiistii Mareykanka oo u dhintey cudurka Malaariyada

 

Muqdisho 18 January-07 ( Qaadisiya.com) Wararka aan ka heleyno gobolka J/hoose, gaar ahaan Deegaanka Raaskambooni ayaa sheegaya in mid ka mid ah askartii Mareykanka aheyd ee gacanta Mujaahidiinta Golaha Maxaakimta Islaamka soo galey dagaal qaraar oo ay la galeen ciidan mareykan ah oo dhulka u soo degey todobaad ka hor, ayaa lagu waramayaa in mid ka mid askarataas uu geriyoodey ka dib markii uu muddo la jiifey cudurka Malariyada, taaso ay suurtagali weydey in si aadminimo ah loo daaweyo maxbuuskaas ka dib markii ay dhammaan jidadkii daawadu ku soo gaari laheyd dhulkaas ay xireen ciidamada Tigreegu, dhanka kalena dhaqdhaqaaqyada oo idil ay duqeynayeen diyaaradaha cadowga Mareykanku.

 

 

Haddii ay is lahaayeen waxa dhimanayaa waa Soomaali Muslim ah oo kaliya , hadda waxa dhimanayaa waa Mareykan oo ku dhimanaya qaniinyada kaneecada dhedig ee Anoofaliska la yiraaho, oo aan abid nuugin dhiig mareykan laakin hadda si fudud ku heshey, ka gadaal markii ay faduul ku yimaadeen dhulka keymaha ah oo ay kaneeadaasi u dhalatey.

 

 

 

Soomaalida ayaa ku maahmaahda god sireed ha qodin , haddaad qodeysidna ha dheereyn ku dhici doontaa ma ogide, laakin waxa lala yaaban yahey sababta ay xukuumadda Marykanku u qiran la’dahey in askar looga diley kuwe kalen looga qafaashey cirifka Soomaliya dagaal ay kula galeen mujaahidiinta ?

 

 

 

Gabagabadii waxey mujaahidiintu hadda ku dadaalayaan qaabkii ay ugu bandhigi lahaayeen maxaabiistaas warbaahinta caalamka, taasoo hadda sida laga soo xigtey mas’uul weyn oo maxkamadaha ka mid ah uu sheegey in lagu guda jiro qorshihii iyo qaabkii saxaafadda loogu soo bandhigi lahaa dokuminti muhiim ah oo ay wateen askartaasi.

 

 

 

Xaalka sagaalka maxbuus oo kale ayaa illaa iyo hadda wanaagsan, inkastoo ay ka welwelsan yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin iyo waxa masiirkoodu noqon doono, ayagoo ogaadey in wax weydiinayaa oo noloshooda iney badbaadshaan rabaa aysan jirin???????????

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this