Sign in to follow this  
General Duke

Fighting erupts outside Kismayu

Recommended Posts

War deg deg ah:dagaal ka qarxay agagaarka magaalada Kismaayo oo dad ku dhinteen

 

 

(WYNET)Kismaayo:-9 ruux ayaa ku dhimatay 9 kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray dagaal dhex maray magalayshiyaadka magaalada Kismaayo gacanta ku haya iyo ciidmadii hadda ka hor laga eryey magaalada oo hadda saldhig ka dhigtay xero ku taal halka lagu magacabo Luglow.

 

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii malayshiyadka magaalada haystaa weerareen ciidanka magaalada laga saaray ee mudada duur jog ahaa, kaasi oo ay ku dhinteen 9 ruux sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Dhawaaca 9 ruux ayaa la soo gaarsiiyey isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo waxaana dhakhaatiirta isbitaalku sheegeen in 9 ruux uu soo gaaray dhaawac halis ah oo qaakood ay culus yihiin.

 

Dhaawacan ayaa ka tirsan malayshiyaadka magaalada ka taliya welina lama oga dhinaca Luglow khasaaraha soo gaaray inta uu leegayahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dawlada oo kulaalaya kismaayo kadib shalay dagaal ka dhacay deegaanka Buulo-guduud

 

Ciidamada dawlada ayaa kulaalaya magaalada kismaayo kadib markii shalay Maleeshiyada gacanta ku haysa Magaalada kismaayo ay weerar ku qaadeen deegaanka buulo guduud iyadoo halkaasi uu ka qarxay dagaal qaraar oo mudo socday, dagaalka ayaa markii uu socday mudo kadib waxaa la jiiray maleeshiyadii ka soo duushay dhinaca kismaayo iyadoo hada ay ciidamada dawladu ku sugan yihiin duleedka kismaayo meel ujirta wax ka yar 20KM.

 

Dagaalkale ayaa laga cabsi qabaa inuu markale dhexmaro labada dhinac iyadoo siwayn looga dareemayo gudaha magaalada kismaayo abaabul dagaal oo xoogan oo ay samaynayaan maleeshiyada gacanta ku haysa kismaayo oo dagaalkii shalay lagu soo jiiray.

 

Dhanka kale waxaa jira baaqyo ay soo jeediyeen waxgarad ka tirsan qaar kamida beelaha degan Magaalada kismaayo kaasoo ku saabsan in xabada lagu badalo wada hadal walow ay yartahay rajada laga qabo wada hadal dhaca.

 

Ciidamada dawlada ee ku sugan deegaanka Buulo guduud ayaa mudo halkaasi xarun ku lahaa iyagoo ay weheliyaan madaxdii maamulka Gobolka Jubada hoose mudo badana laysku dayay in la dhexdhexaadiyo iyaga iyo maleeshiyada la wareegtay kismaayo.

 

Abdinuur Mohamed Seeraar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ninyaho isla yaab. All you are rehashing is yesterday's incident between the men in Buulogaduud and a surveillance team from the Kismaayo side. If fighting had erupted it would on the front page of Shabelle and all the other news sites. :D

 

Fighting has the potential to ignite, however, most of the Kismaayo side have left the city for undisclosed areas.

 

 

Wararkii Ugu Dambeeyey Iyo Magaalada Kismaayo

Jun 20,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

Wararka ugu dambeeya ee ka imaanaya degaanada ay isku horfadhiyaan maleeshiyo beeleedka taabacsan Col.Afgaduud iyo Col.Koojaar iyo kuwa guutada 3aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegaya inay maleeshiya beeleedkii dhanka Buulogaduud ay dib uga baxeen ilaa iyo 5KM goobtii ay shalay soo dageen oo u dhow degaanka Luglow.

 

Saraakiisha ciidamada guutada 3aad ayaa xaqiijiyey dib u gurashada ay sameeyeen dhanka kale, iyada la arkayey 3 tikiniko oo wateen maleeshiyadii Buulogaduud oo baneeyey agaagii hore ee ay fadhiyeen. Dib u gurashada ay sameeyeen ayaa la ogeyn sababaha ka dambeeya xilli ay labada dhinac isku soo jirsadeen ilaa saaka aroortii wax ka yar ilaa iyo 2KM oo ay isku muuqdeen.

 

Boqolaal ka mid ah ciidamada guutada 3aad oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa tan iyo xalay laga daadguraynayey iyaga oo la isugu geeyey degaano kale oo ay ka gaabsadeen saraakiishii hogaaminaysa ciidamada. Dhanka kale, warar laga soo xigtay saraakiisha ciidamada guutada 3aad ayaa sheegay inuu Col.Afgaduud iyo labo gaari oo weheliso ay ka baxeen degaanka Buulogaduud oo ay iminka uu ku sugan yahay goob 10KM u jirta degaankaasi oo dhinaca Muqdisho ku aadan.

 

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax dadaalo ah oo la doonayo in lagu qaboojiyo colaadaha ka aloosan magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, iyada oo laga cabsi qabo in labada dhinac ay dagaalo ka fool fool ah ay isaga horyimaadaan.

 

Dhinaca kale, gaari nooca loo yaqaano Jameska oo ay saarnaayeen ciidamo ka baxay magaalada Kismaayo oo goostay fariinka ayaa sababay dhimasho labo ka mid ah ciidamada guutada 3aad iyo dhowaacyo soo gaaray dhowr ka mid ah ciidamadaasi sida uu sheegay uu Gedonet u sheegay mid ka mid ah taliyaasha ciidamada guutada 3aad ee ku sugan magaalada Kismaayo.

 

GEDO-NN-Kismaayo News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horn, I thought nothing happened yesterday? :D

And Saxix Gedonet.com seems to have a big gap in its propoganda material. How did the TFG/Local troops reach so close to the city past the half way line if there was no clashes.

 

Adeer come on, give Kismayu another call and ask your militia men whats going on.

 

The Gedonet story seems to be full og wholes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this