Xudeedi Posted September 28, 2009 Nairobi: Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo deegaanka ee Puntland Axmed Xuseen Yuusuf [Doonyaale] oo Hawlo shaqo u Jooga Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa ii suura Gashay inaan La Kulmo, Wasiirka ayaa Ugu Horayn si wanaagsan u qaabilay Bahada Bogga Dhahar-Online. Wasiirka ayaa Ugu horayn ka warbixiyay Safarkiisa ee ku soo gaadhay Dalka Kenya Gaar ahaan Nairobi waxana uu Ku Tilmaamay mid isaga ka Wasaarad ahaan uu hawlo shaqo oo Shaqada Wasaarada la xidhiidha uu u soo Gaadhay. Wasiirka ayaa Rajo wanaagsan ka Muujiyay Hab Sami uscodka Maxjarka Xoolaha ee magaalada Bosaaso kaasi oo Wasaaradiisu ay Maamusho, waxana uu Cadeeyay in shaqadii Maxjarku ay Meel fiican Mayarso isla markaana aanay Jirin wax Taako ah oo haatan Horyaala. Axmed Xuseen Yuusuf Wasiirka Xaanada Xoolaha ayaa dhanka kale waxa uu aad uga hadlay Magcaabisbta Gobolka Hayland Maadaama uu yahay Madaxa Gudi Hoosaadka Loo xil saaray inay Gobolkaasi soo dhisaan. Doonyaale ayaa Yiri"Hada Meel wanaagsan ayay Marayaan Arimihii Gobolkaasi Cusub iyo hirgalintiisa, Xukuumadana Miiska ayay u saaran tahay in Gobolkaasi lagu dhawaaqo lana hirgaliyo, hada wax dhiman Ma Jiraan Madaxwaynihii oo Hada xalin Khilaafaad Beelo Walaalo ah oo Isku diriray Gobolka ku dhex Jira Kaliya ayaa laga war dhaworayaa Inuu Gobolka ku dhawaaqo"Ayuu Yri Doonaayaale oo Radio Dhahar-Online u waramayay. Wasiirka ayaa Hididiilo wanaagsan ka Muujiyay qaabka Haatan Puntland wax uga Socdaan isaga oo Amaanay Odayaasha iyo Isimada Gobolka Hayland iyo Sanaag oo uu sheegay inay aad ula shaqeeyaan tan iyo intii Lagu guda Jiray Arimaha Hayland. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mr Axmed Xuseen Yuusuf ayaa xukuumadii Hore ee Puntland Ka soo qabtay Jagooyin Miisaan leh waxana inta badan lagu Amaanaa inuu yahay Masuul ka shaqeeya Nabada iyo Horumarunta Deegaanka Hayland iyo Sanaag. Dhahar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted September 28, 2009 Caaqil Cabdi Faarax oo ka Warbixyey Wararkii udameyey ee Maamulka Gobolka Hayland Madaxda PL ku Magcabaysey iyo Roobab Mahigaan ah oo ka Curtay Daafaha G/Sanaag iyo Hayland. Bosaso: Caaqilka Guud ee Beelaha Sanaag, Hayland, iyo Bari Caaqil Cabdi Faarax ayaa ka waramay halka ay iminka Marayso Magcaabitaankii Gobolka Haylaan oo dhowaan lugu soo dhisayo Maamulka kala duwan ee Barsaabka iyo Konsolka G/Hayland, taliyaha booliska, iyo duqa Magaala Madaxda Dhahar. Caaqil C/Faarax waxaan Waydiinay dhowr Su,alood oo aan iyadoo Cod ah idiin soo Gudbin Doono oo ku saabsan Magcaabitaanka Gobolka Hayland iyo Khilaafyada G/Bari ,Sidoo kale Roobabka caawa ilaa xalay Mudooyinkii 24saac ee soo dhaafnay ayaa ka Curtay Gobolada sanaag iyo Hayland. Su,aal-Mudane Caaqil Cabdi Faarax waxaad Faah faahin naga siisaa Halka uu ku maraaya Maamulkii Madaxwayne Faroole u ka dhisi lahaa Xubnaha Sare ee Gobolka Hayland iyo Wax aad ku balansantihiin isimadiina iyo Maamulku? Jawaab;-Adeer Waad salaamantahay Hadii aan idiin sheego xaalada Gobolka Hayland waa sidii uu Madaxwaynuhu sheegay dhaqso ayaan Filayaa inay arintaasi noqonayso Lakiin ilaa iminka wax Waqti ah oo aan Odayaashada Sanaag iyo Hayland aan u cayinay Gobolkaasi xiliga la magcaabyo ma jirto, waayo waana ka warhaynaa Xaalada aan Xitaa anaga Odayaashada Beri ku guda Jirnaa waa khilaafka Gobolka Bari sidii uu u soo idlaan lahaa ,marka adeer taas ka dib ayaan Madaxwaynaha ku balansanahay inuu Soo dhiso Xubnaha sare ee Maamulka Gobolka Hayland ee Caasumada dhahar Barlamankana qorsha 3Bilood ee Miisaniyada ayey ugu Jirtaa in Maamulkani ka Hor Bisha Disembar uu dhisanyahay. Jawaab-Mudane Caaqil adiga waxa tahay Caaqilkii Guud ee beesha ********** waxaana jirto in Gobolka Hayland ee caasumada PL uu Mudo Ragaadsanaa oo aan loo dhisin Maamulkii Gobolada kale ee Degaanada PL talaabadaasina waxaa ay madaxda dowalda PL ee Iminka Cusubi ay ku Macneyey mid uu ka Gaabiyey Maamulkii 2da madaxwayne ee ugu damayey ay Masuulka u ahayeen waa Madaxwayne Maxamed Xaashi iyo Madaxwayne Cade Muuse oo iyaga Ka Hor Gobolada 3ah ee Karkaar ,Hayland iyo Cayn uu Magcaabay madaxwayne Cade Muuse Lakiin ay iga keliya Xooga sareen Goboladii ay beelohoodu deganayeen taasi miyaan lugu eedaynkarin inay ragaadiyeen oo ka damaysteen Gudoomiyaashii Baarlamanka ee Awooda PL Ee Dhinaca Gobolada Sanaag iyo hayland iyo Odayaashu? Jawaab:-Waa,su aal Xasaasi ah oo siyaasadeed Su,aashani Waxaan Fiyalaa arintaasi Hore way iska dhacday cid kastaana qaladkeeda ha lahayee Iminka ayaa la doonayaa oo madaxwayne Faroole iyo Xukuumadiisu u soo Guntadeen sidii ay ku magcaabi lahayeen Marka ma doonayno inaan waxba sidaas uga sii hadalo ama dhaliicayno iminka ee aniga waxaan ku jiranaa sidii wax loo sixi lahaa oo hadaba ay hadii dadka gobolka iyo madaxda PL ay ahaan lahayba la samayo dedaalka iyo danta umdayda Reer Sanaag iyo Hayland ee Reer Pl ay isleeyihiin waxa ku Jirta Maslaxadiina Caamiga ah. Su,aalahani gaagaaban ee aan waydiinay caaqilka ka dib ayuu yiri oo sheegay Guud ahaan Waxaa ka damay Gobolada sanaag iyo Hayland Roobabkii gugaga waxaana ilaahay ku xamdiyayaa raxmaadka eebe u shubay Umadiisa oo xili abaaro iyo barkac dhinaca xoolaha ah uu ka jirey Gobolo Badan oo ka mida kuwa somaliya iyo kuwa Degaanada Maamulka dowlada PL. Caaqil cabdi faarax sidoo kale waxa uu faafihin gaaban ka bixiyey isagoo ka soo jeeda Gobolada laysku yiraahdo Sanaag ,Bari, iyo Hayland ee SBH inay isimada PL arinta nabadaynta ah ee Gobolka Bari ay si wayn ugala shaqanayaan Madaxwaynaha Dowalda PL iyadoo hadalka caaqil cabdi Faarax uu ku soo aaday Xili Maamulkii shalay ay ka hadleen dagaalkaasi iyo doorka isimada Boqol cabdilaahi oo dhowaan dadka banaankis kula kulmay Masuuliyiin badan oo ka soo jeda dalalka islaamka sida madaxwynaha Liibiya Co-Qadaafi oo si wayn u dhaliilsan dhibaatada somaliya ay ka wadaan koox budhcada ah uu ku taageersanyahay Cadibaada ay ku samayaan Markiibta Gaaladu ay leedahay. Bosaso, Bari, Puntland Maxamed Axmed Ciise Radio Dahar Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted September 29, 2009 This positive news. I know they already reformed the party system and therefore next election won't have nothing to do with the parliament voting. It will be interesting to see how the public vote, but i am certain the public will vote based on what is the best interest of the state. If the candidate can promise something that is dear to all ppl, he will win. For example if the public had to vote either ilkojir or faroole im sure the public majority would've voted for ilkojir, He is General and security is the most important thing at this time. Farole is educated which is good but he is not tough enough, that is why i am thankful ilkojir is in his government. Since yey left that was the best military leader we had. Now ilkojir . Quote Share this post Link to post Share on other sites