General Duke Posted July 18, 2007 Dowladda Hoose oo qoraneysa 800-shaqaale nadaafadeed { 18 Jul 2007} waxaa la daabacay Wed 18 Jul 2007 06: 45: 06 Maamulka G/Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in Gobolka uu qoran doono shaqaale nadaafadeed oo tiradoodu dhan tahay 800-qofood. Sida ku cad war ka soo baxay xafiiska Warfaafinta ee maamulka G/Banaadir, shaqaalaha nadaafadda ee D/hoose yeelaneyso ayaa Degmo kasta oo gobolka ah laga qori doonaa shaqaale gaaraya 50-qofood, kuwaas oo 30 ka mid ah ay noqonayaan shaqaale cusub, 20-ka kalena ay yihiin shaqaalihii hore. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud (M/Dheere) oo ka hadlayay kulankii looga hadlayay arrintan ayaa mas’uuliyiinta qaabilsan diyaarinta shaqaalahaas kula dardaarmay inay la yimaadaan waajib gudasho. gobolkabanaadir.com Quote Share this post Link to post Share on other sites